Radinta maqaalkii ahaa Muxuu Quraanka Kariimka ah ka yidhi kitaabka Injiilka?

Bismillah:

Maqaaladani waxay jawaab u yihiin dad Somali ah oo daliil ka dhigtay in kitaabka Injiil ee nabi Ciise lagu amaanay Quraanka sidaas awgeedna ay tahay in la raaco, ayagoo daliishaday aaydo Quraana iyo xadiisyo. Dabcan aayadaha ay soo qaataan, waxay isugu jiraan qaar ay macnahooda iyo ujeedado ay qaldeen iyo aayado kale oo laga tagay aayadihii ka horeeyey iyo kuwii ka danbeeyey ee sii fasirayey. Farsamada noocaas ahna had iyo jeeraale waxa adeegsada Kiristaanka oo soo qaata faqrado Baybalka kusoo arooray oo macnahooda ay xarrifaan ama ay ka tagaan xogtii kale ee ka horeysay ama ka danbaysay.

– Hadaba aayadaha lagasoo xigtay Quraanka ee macnahooda ama ujeedadooda la khalday waxa kamid ah aayadhan soo socda oo aan mid kasta isdul taagi doono waxay ka hadlayso iyo ujeedadeeda inshallah:

نَزَّلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَأَنزَلَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ ﴿٣مِن قَبْلُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ الْفُرْقَانَ ۗ إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِ اللَّـهِ لَهُمْ عَذَابٌ شَدِيدٌ ۗ وَاللَّـهُ عَزِيزٌ ذُو انتِقَامٍ ﴿٤﴾  سورة آل عمران: (4,3)

“Wuxuu korkaaga kusoo dajiyey kitaabka (Quraanka) isagoo xaq ah oo rumayn wixii ka horeeyey (kutub) wuxuuna soo dajiyey (Ilaahay) Tawreed iyo Injiil (3) hada kahor ayagoo hanuunin dadka wuxuuna soo dajiyey (Ilahay) Furqaan (Quraanka), kuwa ka gaaloobay aayaadka Ilaahayna waxay leeyihiin caddibaad daran, Allahna waa ka awooda badan aarsada. (4)” [Surada Alcimraan 3: (3,4)]

Aayadahan wuxuu Allah ku cadeeyey inuu soo dajiyey kutub, nabi Muuse wuxuu kusoo dajiyey Tamreed, nabi Ciisana wuxuu kusoo dajiyey Injiil halka nabi Muxamedna uu kusoo dajiyey Furqaan oo ah Quraanka, wuxuuna Allah usoo dajiyey Quraanka inuu kala sooco xaqa iyo baadilka sidaas awgeed wuxuu ku magacaabay Ilaahay Quraanka magaca Furqaan. Dhanka kale kutubta Tawreed iyo Injiil oo ALlah usoo dajiyey umadahii hore wuxuu u dajiyey inay dadkaasi ay ku hanuunaan.

Haatan iyo iminnka majiraan wax la dhaho Tawreed iyo Injiil oo waa la xarrifay waana la badalay kutubtaas, waxyigaasna waa la laalay, nabiyadii lagu soo dajiyeyna waxa ka danbeeyey nabi Muxamed (n.n.k.h) oo ah rasuulkii ugu danbeeyey loona soo diray Jinka iyo Insaankaba.

Sidaas awgeed kutubta maanta taala ee Baybalka qaybtiisa hore ee Yahuudu ku magacwdo Torah iyo qaybta danbe ee Kiristaanku ku magacaabaan cahdiga cusub, way badalanyihiin, wayna xarrifanyiiin, waxaana qirtay xitaa dadka Kiristaanka iyo Yahuuda. Kitaabkasina maaha hadalkii Ilaahay ama hadalkii nabiyada oo badhax tiran, waa laga yaabaa inay ku jiraan erayo loo tiirin karo hadal Ilaah, ama hadal nabi ama hadal dad taariikhyahano ah, sidoo kale waxaan hubnaa boqolkiiba boqol inay ka buuxaan hadal aan sinaba uga sugnayn Ilaahay, nabiyada iyo xitaa dadka caadiga ah ee caafimaadka qaba, sida anshaxa xumada, khaladaadka sayniska ah, ismaandhaafka iyo iska hor imaadka faqradihiisa.

– Sidoo kale aayadaha maqaalkaasi soo qaatay waxa kamida:

وَيُعَلِّمُهُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَالتَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ ﴿٤٨

“Wuxuu Allah barayaa (nabi Ciise) waxqorista, xikmada, iyo Tawreedka iyo Injiilka” [Suurada Alcimran 3:48]

Aayadanina waxay ka warramaysaa malagii uyimid Maryama (N.N.K.H) ee ugu bishaareeyey inay dhalayso nabi Ciise, uuna ku dhalanayo amarka Ilaahay ee ah “Ahow wuuna ahaan” sidoo kalena wiilkaas dhalanaya Ilaahay uu bari doono wax qorista, xikmada oo looga jeedo sunaha loo waxyoonayo, kitaabkii tawreed ee nabi muuse iyo kitaabkii Injiil ee nabi Ciise.

Aayadanina inama tusinayso in kitaabka maanta ay haystaaan Kiristaanku inuu yahay kitaabkii nabi Ciise ee Injiilka ahaa, waxyaalaha ku qoran Baybalku maaha intooda badan Injiilkii nabi Ciise ee waa hadalo taariikhyahano qoray dhacdooyinkii dhacay ama wixii ay maqleen oo waliba xarrifaad iyo wax ka badalid joogta ah lagu hayo ilaa iminka. Halkan ka akhriso Qaabka loo badalay Baybalka

– Aayada kale ee maqaalkaasi soo qaatayna waxa weeyey:

وَلَوْ أَنَّهُمْ أَقَامُوا التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِم مِّن رَّبِّهِمْ لَأَكَلُوا مِن فَوْقِهِمْ وَمِن تَحْتِ أَرْجُلِهِم ۚ مِّنْهُمْ أُمَّةٌ مُّقْتَصِدَةٌ ۖ وَكَثِيرٌ مِّنْهُمْ سَاءَ مَا يَعْمَلُونَ ﴿٦٦

“Haday ayagu ku camal fali lahaayeen Tawreed, Injiil iyo waxa xaga Rabigood looga soo dajiyey (Quraanka), waxay ka cuni lahaayeen korkooda iyo hoostoodaba (rizqi fiican), waxa kamid ah umad toosan (ku camal fali ) (waana kuwa rumeeyay nabi muxamed kuna camal falay) kuwa kamid ah oo badana waa faaisiqiin (66)” [Suurada Maa’ida 5: 66]

Dabcab aayadan kuwo badan oo kamid ah kiristaanka ama yahuuda waxay moodayaan in loo ogolyahay waxa agtooda iminka yaala, laakiin macnaha saxiixa ah ee aayadu waxa weeye hadii Ehlulkitaabku (Yahuud iyo Kiristaanku) ay ku dhaqmayaan Tawreed iyo Injiil waxay raaci lahaayeen wixii xaga Rabigood laga soo dajiyey oo ah Quraanka, wuxuuna Allah sheegay inay jiraan kuwo raacay oo dhaqan galiyey Tawreed, Injiil iyo Furqaanba, waana muslimiinta kuwaasi. Sababtoo ah muslimku wuxuu rumaysanyahay in Tawreed, Injiil ay ahaan jireen kutubo Ilaahay soo diray, iminka se la xarrifay sidaa awgeed ay raacayaan Quraanka Kariimka ah.

Kuwa kale ee aan dhaqan galin wixii kayimid xaga Rabigood oo ah Quraanka Kariimka ah, ayaga waxa Ilaahay ku tilmaamay inay yihiin Faasiqiin. Kuwaasina waa Kiristaanka iyo Yahuuda iminka nool, oo marka koowaad maysan dhaqan galin kutubtoodii walow xitaa haba xariifsanaatee, marka labaadna wixii ka yimid xaga Rabigood oo kala saaraya xaqa iyo baadilkana (Furqaana) maysan rumaynin, sidaa awgeed waxay noqdeen Faasiqiin (Ruux ka dhex baxay diintii xaqa ahayd)

Dhanka kale xitaa hadii Yahuudu iyo Kiristaanku ay ku doodaan lama badalin kutubtayda markaana waxa hor imanaya, maxaad kulligeed waxaad gacanta ku haysataan u dhaqan galin waydeen, sababtoo ah Baybalka wali isagoo xarrifan ayaa waxa ku taala inay rumaystaan Ilaahay kalinimadiisa iyo inay rumeeyaan nabi Muxamed (scw). Halkan ka akhriso sifooyinka nabi Muxamed ee Baybalka ku qoran.

Hadii aan tusaale soo qaadano, waxa Baybalka ku qoran in Ciise Masiix (N.N.K.H) uu ku leeyahay kitaabka Yoxana 16:12-14:

“I have yet many things to say unto you, but ye cannot bear them now. Howbeit when he, the Spirit of truth is come, he will guide you unto all truth: for he shall not speak of himself; but whatsoever he shall hear, that shall he    speak: and he will shew you things to come. He shall glorify me” [Johnn:16:12-15]

“Wax badan ayaan idiin sheegi lahaa, balse ma qaadi kartaan, laakiin markuu isagu yimaado ruuxa runta ahi, wuxuu isagu idinku ilaalin doonaa runta oo dhan, isagu naftiisaba iskama hadli doono; laakiin isagu waa wax uu maqlay (waxyi) Isagu ku hadlayaa wuxuuna Isagu idin tusi doonaa waxyaalaha iman doona. Isaguna Wuuna i amaani doonaa” Yooxaana:16:12-15

Xitaa hadii doodoodu ay tahay lama xarrifin Baybalka, maxay u dhaqan galin waayeen kutubtooda gaar ahaan, faqradan 12 aad ee cutubka 16 aad ee kitaabka Yoxaana oo si cad u sheegaysa inay rumeeyaan shakhsiga nabi Ciise sheegayo ee sifooyinkaa kor ku xusan leh, oo ah nabi Muxamed (N.N.K.H).

Halkaa waxaynu ka qaadanaynaa in illamaa ay Kiristaanku ama Yahuudu ka rumeynayaan risaalada nabi Muxamed (N.N.K.H) ay wali ahaanayaan Faasiqiin.

 

– Aayada kale ee maqaalkaasi soo xigtay waxa kamid ah:

وَقَفَّيْنَا عَلَىٰ آثَارِهِم بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ ۖ وَآتَيْنَاهُ الْإِنجِيلَ فِيهِ هُدًى وَنُورٌ وَمُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ التَّوْرَاةِ وَهُدًى وَمَوْعِظَةً لِّلْمُتَّقِينَ ﴿٤٦ وَلْيَحْكُمْ أَهْلُ الْإِنجِيلِ بِمَا أَنزَلَ اللَّـهُ فِيهِ ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّـهُ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ ﴿٤٧

“Waxaana raacsiinay raadkoodii (nabiyadii reer bani Isra’iil)  Ciise ibnu Maryama isagoo rumayn wixii hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana siinay (Nabi Ciise) Injiil oo hanuun iyo nuur ku suganyahay, una rumayn wixii ka horeeyey ee Tawreeda. hanuun iyo waanana u ah kuwa dhawrsada. (46) iyo inay isku xukmaan Ehelka Injiilku wixii uu soo dajiyey Allah dhexdiisa, cidiisa aan xukumin wixii Alle soo dajiyey kuwaasi waa Faasiqiin (47) ” [Surada Almaa’ida 5: (46,47)]

Aayadanina waxay ka warramaysaa xukunkii Ilaahay kusoo dajiyey reer bani Israa’iil, gaar aahaana aayada 45 aad ee kahoreysa labadan aayadoodba ayaa qeexaysa wax kamid ah xukunadii Ilaahay uu soo dajiyey, sida in naftii naf kale disha in loo dilo. Sidaas awgeed ayuu Allah leeyahay waxaan Nabi Ciisena raacinay raadadkii nabiyadii isaga ka horeeyey sida Nabi Muuse, Daa’uud Suleymaan (N.N.K.H). Sidoo kale nabi Ciisana waxa la siiyey kitaab kale oo Injiil ahaa, ay ku dhex sugnayd hanuun, nuur iyo waano kaasoo isaguna rumaynayay kutubtii ka horeeyey sida Tawreed,

Kitaabkaas dhexdiisana waxa lagu faray dadkii nabi Ciise raacsanaa inay dhaqan galiyaan xukunka Ilaahay, hadii kalena ay yihiin kuwo Faasiqiina.

Aayadanina ma tilmaamayso in Injiilka maanta yaala ama si guud Baybalku uu yahay hadal Ilaah, ee Ilaahay wuxuu ka hadlayaa kutubtii la siiyey nabi Muuse iyo nabi Ciise (N.N.K.H) oo hanuun iyo nuurba uu kusugnaa intaan la badalin kahor, laakiin kuwa maanta yaala maaha hadal Ilaah oo badhax tiran, kumana jiro nuur Ilaahay oo dhamaystiran, waxaana kuugu daliila inaanay dhaqan galinin wixii Ilaahay uu faray oo ahaa inay rumeeyaan risaalada nabi Muxamed (N.N.K.H). Illamaa inta ay ku rumeynayaa risaalada ama farriinta nabi Muxamedna waxay yihiin Faaiqiin.

– Sidoo kale waxa kamid ah aayada Quraanka ah ee lasoo xigtay:

قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لَسْتُمْ عَلَىٰ شَيْءٍ حَتَّىٰ تُقِيمُوا التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ ۗ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم مَّا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ طُغْيَانًا وَكُفْرًا ۖ فَلَا تَأْسَ عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ ﴿٦٨

“Waxaad dhahdaa Ehelu Kitaabkow waxba ma tihidiin intaad ka dhaqangalisaan Tawreed, Injiil iyo waxa laydiinka soo dajiyye xagga Rabigiin (Quraanka) wuxuuna u kordhin wax badan oo ka mid ah waxa xagga Rabigaa lagaaga soo dejiyey xad gudub iyo Gaalnimo ee haw murugoon qoomka gaalada ah.” [Suurada Maa’ida: 68]

aayadanina way cadahay oo waxa la faray Ehelka Kitaabka (Yahuuda iyo Kiristaanka) inay ku camal wixii Ilaahay xagiisa uga yimid oo ah kitaabka wayn ee Quraanka. Waxyiga lagu soo dajiyey nabi Muxamedn waxa ay u kordhinaysaa qaar badan oo kamid ah kibir iyo gaalnimo.

Kibirku waa ayagoo dhaha waxaan raacaynaa oo kaliya wixii nalagu soo dajiyey ee la badalay, kana tagaya wixii ka danbeeyey oo ah kitaabka Quraanka, kaasoo wada koobsaday dhamaan tacaaliimtii nabiyada iyo axkaamtii Ilaahay. Gaalnimaduna waa ka gaalowga ay ka gaaloobeen ama ay dafireen risaalada nabi Muxamed, wuxuuna Ilaahay ku xukumay cida dafirta Quraanka, iyo farriintii nabi Muxmed (N.N.K.H) inay yihiin gaalo.

Aayadana meelnaba kagama taalo in la raaco Baybalka ama kutubtii hore sababtoo ah waa la xarrifay, lana dhalan rogay, waxaana lagu saxay kitaabka Quraanka ah ee Furqaanka ah, ee kala saaraya xaqa iyo baadilka.

– Sidoo kale waxa kamida aayadaha lasoo qaatay:

إِنَّ اللَّـهَ اشْتَرَىٰ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ أَنفُسَهُمْ وَأَمْوَالَهُم بِأَنَّ لَهُمُ الْجَنَّةَ ۚيُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّـهِ فَيَقْتُلُونَ وَيُقْتَلُونَ ۖ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنجِيلِ وَالْقُرْآنِ ۚ وَمَنْ أَوْفَىٰ بِعَهْدِهِ مِنَ اللَّـهِ ۚ فَاسْتَبْشِرُوا بِبَيْعِكُمُ الَّذِي بَايَعْتُم بِهِ ۚ وَذَٰلِكَ هُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿١١١﴾ 

“Rabibaa kaga iibsaday mu’miniinta nafahooda iyo xoolahoodaba inay u ahaato Janno, waxayna ku dagaalami jidka Ilaahay oo waxna way dili ayana waa la dili, waana ballan ku sugan (dhaba) Tawreed, Injiil iyo Quraanka, yaa ka oofin badan ballankiisa Ilaahay, ku bishaaraysta iibkiinii ood iibiseen, kaasina waa uun Liibaanta wayn.” [Suurada Towbah 9: 111]

aayadanina waxay ka warramaysaa jihaadka iy inuu ruuxu u diriro jidka Ilaahay, maxaa yeelay Ilaahay ayaa naftiisa iyo xoolihiisaba kaga iibsaday inay helaan Janno, ballaantaasina waxa Ilaahay uu ku sheegay Quraanka Kariimka ah iyo kutubtii ka horeeyey sida Towreed iyo Injiilba.

Dabcan waa inaynu ogaanaa mid, Injiilka iyo Towreedka lagu sheegayo Quraanka waxay ahaayeen waxyigii Ilaahay, waxayna mudanyihiin qiimahooda iyo qadarintooda, waana ta lagu amaanay muslimiinta inay rumaysanyihii Quraanka iyo dhamaan kutubtii ka horeysa ee Ilaahay uu soo diray, laakiin su’aashu waxay tahay: Ruuxa ka dhiganayo xujo Injiilka ayaa lagu amaanay QUraank, markaana mucjisuu ku nqonayaa? Waxaan leenahay waxyiga Ilaahay waa isku mid, wuxuuna u waxyooda nabiyadiisa caqiido kaliya, waxa kala duwan oo kaliya shareecada ayadoo Ilaahay u eegayo hadba xaalada iyo duruufta bani Aadamku ay marayeen, hase ahaatee kutubtaas waa la rafciyey, oo waxa dhamaantood nasakhay Kitaabka Ilaahay ee Quraanka ee aan hortiisa iyo gadaashiisaba aanu baadilku kaga imanaynin. Waxba haku daalin Quraanka ayaa amaanay Injiil iyo Tawreed uuna ku tilmaamay nuur iyo hanuun, ee diinta dhamaystiran ee hanuunka ah ee koobsanaysa dhamaan axkaamta iyo shareecooyinkii Ilaahay waa inaad raacdaa, adigoo wada rumaynaya sidoo kalena ku dhaqmaya.

– aayada kalena waxay tahay:

ثُمَّ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ تَمَامًا عَلَى الَّذِي أَحْسَنَ وَتَفْصِيلًا لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُم بِلِقَاءِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ ﴿١٥٤ وَهَـٰذَا كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ ﴿١٥٥

“Markaasaan siinnay nabi Muuse kitaabkii (Towreed) annagoo dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana caddayn, isagoo hanuun iyo naxariis ah, inay la kulanka Rabigood rumeeyaan.(154) Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo dejinnay oo barkaysan, ee raaca Allana ka cabsada in laydiin Naxariisto. (155).

Aayadanina waxay ka warramaysaa in kitaabkii nabi Muuse ahaa mid khayrka iyo nicmada ku jiraa uu badanyahay, ahaana hanuun iyo naxariis. Kanna oo ah kitaabka Quraanka ahna uu yahay mid barako badan ee raaca Kiristaankoow, Yahuudeey, Hinduusoow, Budisoow, Mulxidoow iyo qofkastoow raaca Quraanka, isaga ayaa khayr dhamaantii uu ku dhanyahaye.

Iskusoo wada duub, farriinta aayaadkani waxa weeyey in Ilaahay soo diray kutubo badan, maaha oo kaliya Quraanka, Towreed iyo Injiil, ee waxa jira suxuftii nabi Ibraahim, Zabuurtii nabi Daa’uud iyo suxuftii nabi SHiith ee wiilkii uu dhalay nabi Aadam. Hadii ay ka dhigtaan xujo dadkii qoray maqaalkaasi waa in la akhristaa Towreed si loo fahmo Injiilka, waxay noqonaysaa jawaabtiisu:

  1. Towreedka la akhrisanayo waa kee? Towreedkii nabi Muuse waxa loo soo dajiyey dadkii reer banu Israa’iil ee noolaa xilligii nabi Muuse iyo nabiyadii reer banu Israa’iil. Waqtigii loogu talo galay kutubtaasi way dhamaatay, xitaa hadii ay yihiin hadalkii Ilaahay waxa loogu talo galay dadkii reer banu Israa’iil. Towreedka iminka yaala ee ah shanta kitaab ee ugu horeeya Baybalka maaha kitaabkii Towreed, ka akhriso halkan Towreedku ma hadal Ilaahbaa?
  2. Injiilka la akhrisanayaa waa kee? Miyaanu ahayn afarta kitaab ee ugu horeeya cahdiga cusub ahayn ee kala ah, Mathwe, John, Luuk iyo Markus. Waxaan rabaa injiilka magaciisa la dhaho Injiilu Ciisa, kuwan waa injiiladii baadari Matayos, baadari Yooxana, baadari Lokos iyo baadari Markus. Hadi aad Injiilkii Ciise lagu soo dajiyey oo sax ah haysid waa inaad caalamka tustaa, laakiin kutubta ku jirta Baybalka maaha hadal Ilaah, mana aha dhamaantood hadalkii nabiyada.
  3. Doodadu waaba daciif oo way tamaryartahay, maadaama aad tidhi: waa in la akhriyaa kutubtu sida ay usoo kale horeeyeen, hadii ay sidaa tahay waa in lagaga bilaabaa kitaabki nabi Aadam, Shiith ibnu Aadam, kitaabkii nabi Nuux, suxuftii nabi Ibraahiim lagu soo dajiyey, waa in markaa sidaas loo wadaa ilaaa laga soo gaadhayo Quraanka. Laakiin taasi waa mid aan suurtagal ahayn, maxaa yeelay ma jiraan kutub ay nabiyadaasi lahaayeen oo maanta Aduunka yaala, sidaa awgeed xujadaadaasi waa daciif waliba aad u tamar yar.
  4. Ta kale ee muhiimka ahna waxay tahay in Yahuudu kaliya u rumaysanyihiin hadal Ilaah shanta kitaab ee ku jira Baybalka, gaar ahaan cahdiga qadiimiga ah, Genesis, Exodus, Leviticus, Numbers, Deutronmy. Wiii kale uu ku qoran Baybalka maba rumaysnaba!! Dhanka kale Masiixiyiinta Catholica ah waxay rumaysanyihiin 72 book, halka Protestanku aya ka tuureen 7 buug oo kamid ah Baybalka sida Judith, kitaabka Tobias, kitaabka Baruch, kitaabka Esther iwm. Markaa sideebaad u odhankartaa waa in la akhristaa Towreed, oo miyaanay kuu muuqanayn inaan layskuba waafaqsanayn, ayana Yahuuda iyo Kiristaanku kala yihiin laba diimood oo kala madax banaan.

Gabogabo iyo Gunaanad:

Kutubtii hore ha ahaadaan kuwa Kiristaanka iyo kuwa Yahuuda ama Hinduuska, dhamaantood waqtigoodii wuxuu dhamaaday maalintii lasoo diray nabi Muxamed (scw), wuxuu Allah leyahay:

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ ﴿١٠٧

“Kuumanaan soo dirin nabiyoow (Muxamed) inaad naxariis u tahay Caalamiinta mooyee” [Surada Al-anbiya, 21:107]

Nabi Muxmaed ayaa nabi u ah Aduunka maanta nool, ha ahaadaan Jinni iyo Insiba sida Allah uu leeyahay:

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٢٨

“Kuuma aanan dirin (nabiyow) waxaan dadka oo dhan ahayn adigoo u bishaarayn una digi, hase ahaatee dadka badankoodu ma oga” [Saba’34:28]

Ddhanka kale diinta kaliya ee Ilaahay agtiisa laga aqbalyo waa diinta Islaamka, maaha diinta Yahuuda mana aha diinta Kiristaanka, ee waa diinta Islaamka ee loo hogaansamayo awaamirta Ilaahay, siduu Allah leeyahay:

إِنَّ الدِّينَ عِندَ اللَّـهِ الْإِسْلَامُ ۗ

“Diinta xaqa ah Ilaahay agtiisa waa diinta Islaamka..” [Alcimraan,3: 19]

Sidoo kale cidii aan diintan wax aan ahayn diin ka dhigatay Ilaahay kama aqbalayo maalinta Qayaame, siduu ALlah ku leeyahay aayadan:

وَمَن يَبْتَغِ غَيْرَ الْإِسْلَامِ دِينًا فَلَن يُقْبَلَ مِنْهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ ﴿٨٥ كَيْفَ يَهْدِي اللَّـهُ قَوْمًا كَفَرُوا بَعْدَ إِيمَانِهِمْ وَشَهِدُوا أَنَّ الرَّسُولَ حَقٌّ وَجَاءَهُمُ الْبَيِّنَاتُ ۚ وَاللَّـهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ ﴿٨٦

“Ruxii Diin ka dhigta waxaan Islaamka ahayn laga aqbali maayo, Aakhirana wuxuu noqon kuwa khasaaray. (85) Sidee u hanuunin Ilaahay Qoom gaaloobay iimaan kadib, oo qiray in Rasuulku xaq yahay una yimaadeen Xujooyin, Ilaahayna ma hanuuniyo Qoom daalimiin ah. (86) [Alcimraan,3:(85,86)]

Cid kasta oo aan haysanin diinta Islaamka, ama aan ku dhaqmin Ilaahay kama aqbalayo maalinta danbaysa ee Qayaamaha, sababtoo ah diinta kaliya ee xaqa ah waa Islaamka.

– Dinta Islaamku way dhamaystirantahay, umana baahna in loo akhriyo kutubo ka horeeye ama kuwo ka danbeeyey, Ilaahayna wuxuu dhahay:

الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا ۚ

“Maanta ayaan idiin dhamaystiray diintiina, aanan idinku taam yeelay korkiina nicmadayda, oonan raali idiinka noqday diinta Islaamka” [Almaa’idah, 5:3]

– Quraanka ayaa ah midka ka awood sarreeya dhamaan diimaha, fikradaha, aragtiyooyinka ama falsafadaha dunida yaala. Wuxuu leeyahay ALlah sidan:

يُرِيدُونَ لِيُطْفِئُوا نُورَ اللَّـهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَاللَّـهُ مُتِمُّ نُورِهِ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ ﴿٨  هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ ﴿٩﴾ سورة الصف/8,9

“Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afkooda,  Ilaahayna wuu dhamaystirayaa Nuurkiisa haba naceen gaaladuye (8) Isagu (Allah) waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Allah) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba nacaan Mushrikiintuye (Gaaladu) (9). [Suratu As-saff 61:(8,9)]

هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ ۚ وَكَفَىٰ بِاللَّـهِ شَهِيدًا ﴿٢٨﴾ سورة الفتح/28

“Isagu (Allah) waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Allah) Diimaha oo dhan uga sare mariyo, Ilaahaybaana ku filan markhaati” [Suurada Alfatxi 48:28]

يُرِيدُونَ أَن يُطْفِئُوا نُورَ اللَّهِ بِأَفْوَاهِهِمْ وَيَأْبَى اللَّهُ إِلَّا أَن يُتِمَّ نُورَهُ وَلَوْ كَرِهَ الْكَافِرُونَ (32) هُوَ الَّذِي أَرْسَلَ رَسُولَهُ بِالْهُدَىٰ وَدِينِ الْحَقِّ لِيُظْهِرَهُ عَلَى الدِّينِ كُلِّهِ وَلَوْ كَرِهَ الْمُشْرِكُونَ (33) ۞

“Waxay dooni gaaladu inay ku damiyaan Nuurka Ilaahay afkooda,  Ilaahayna wuu diidi dhamaystirka nuurka moyee haba naceen gaaladuye (32) .Isagu (Allah) waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo Diin xaq ah si uu (Allah) Diimaha oo dhan uga sare mariyo haba nacaan Mushrikiintuye (Gaaladu). [Suurada At-towbah, 48:(32, 33)]


Waxa qoray Abdulaziz Mohamed Oogle

kala xidhiidh: Email: oogleabadle@hotmail.com