Muxuu Nabiguunu U guursaday Caasha ayadoo aad u yar? Radinta shubuhaatka (Ismoodsiinta)

 

SOO DAJISOSu’aashan oo ah ta ugu halhayska badan ayaa inbadan gaaladu ku dhaleeceeyaan Nabi Muhamed (N.N.K.H) iyo Diinta Islaamka. Sidoo kale Dad badan oo Muslim ah ayaa Ismoodsiini kaga jirtaa sababta Nabi Muhamed u guursaday Caasha ayadoo cimrigeedu yahay Sagaal sano. Markaa waydiintan laba waji ayey leedahay, waa mida koowaad oo ah inaan u jawaabno Gaalada Kiristanka iyo Diinlaawayaasha (Athiest) iyo wajiga kale oo ah inaan shubhada iyo Ismoodsiinta Muslimiinta dhexdooda ku jirta ka saarno InshaAllah.

Marka koowaad Nabi Muhamed maaha qofkii ugu horeeyey ee guursaday gabdha ka da’ yar, ee sida aan kasoo xiganay (Mawsucada caalamiga ee Kaatooliga)  taas oo Fatikanku ku kalsoonyihiin iyo dhamaan Kaniisadaha kale, waxay leedahay; Nabi Ciise hooyadii Maryama Ilaahay raali haka ahaadee oo ay ayagu aaminsanyihiin inay Ilaahooda hooyo u tahay waxay guursatay Yuusuf Nijaar ayadoo cimrigoodu u dhaxeeyo Laba iyo toban ilaa afar iyo toban, isaguna cimrigiisu waxa uu ahaa sagaashan sano (90 sano). Waxa uu ka waynaa 78 sano.

Hadii aad la yaaban tihiin in Caasha (I.R.H) ay guursatay Nabi Muhamed ayadoo sagaal jir ah maxaad Kiristanow ula yaabi wayday marka Ilaahaaga hooyadii ay guursatay ayadoo cimrigeedu aad u yaryahay saygeeduna ka waynyahay ku dhowaad sideetan sano!!!

Nabigii Ilaahay waxa uu doonay Caasha ayadoo cimrigeedu yahay Lix sano, waxaanu la aqal  galay markay Sagaal sano buuxisay. Sida culumada dhakhaatiirtu sheegayaana cimrigan gabdhuhu way ku  qaangaadhaan oo dhiiga caadada way helaan xitaa gabdho sagaal sano ka yar ayaa helay dhiiga caadada. Sida Caasha (I.R.H) laga wariyo waxay tidhi; “Gabadhu haday Sagaal tahay way qaangaadhay”. Mida kale Dadka ku xadgudbaya  Nabigii Ilaahay  waxay ku fiirinayaan aragtida qarniga kow iyo labaatanaad. Maxaad ugu fiirin waydeen aragtida xilligii uu noolaa Nabi Muhamed (N.N.K.H). Xilligaa caadi ayey ahayd in gabdha la soo doono ayadoo aad u yar.

Waxyaalaha keenay in Dumarka Carabtu yaraan ku guursadaan xilligaas waxa ka mid ah.

Diinta Islaamka ka hor (waqigii Jaahiliga) carabtu waxay nolol xabaali jireen gabdhaha ay dhalaan, ayagoo ka cabsanaya ceeb iyo faqri. Waxa la sheegaa in Qays ibnu Jadcaan ahaa ninkii ugu horeeyey ee Qureesh nolol xabaal gabdhihii uu dhalay. Sababtuna waxay ahayd, waxa dhacay dagaal ka dhaxeeya laba qabiil kadibna qabiil ayaa qafaashay caruurtii iyo dumarkii dabadeed dagaalkii waa lagu heshiiyey oo dumarkii la qafaashay waxa la kala dooradsiiyey inay ku noqdaan Ehelkoodii iyo inay la joogto cida ay maxbuusnimada u haysata kadibna dhamaan dumarkii waxay doorteen Ehelkoodii laakiin gabadh uu dhalay Qays ibnu Jadcaan ayaa dooratay ragii qafaashay taas oo ceeb iyo dullinimo ku noqotay Aabaheed markaasu Nadar ku galay haduu dhalo gabdho kale inuu nololxabaali doono. Dhab ahaantiina toban gabdhood ayaa loo dhalay waanu dilay dhamaantood.

Arrintan foosha xun ayaa ku dhex faaftay Carabta, waxayna bilaabeen inay ayaguna laayeen ubadkoodii ayagoo ceeb iyo faqri ka baqanaya. Waxaad qiyaastaa hadii aad Adigu gabadh tahay oo aad noolayd xilligaas oo qofka ugu horeeya ee ku dilaya uu yahay Aabahaa Maxaad samayn lahayd?

Gabdhahuhu markay caqli yeeshaan ayay garaadsadeen in Aabahood  haduu jaanis u helo inuu dilayo, waxayna marag ka ahaayeen sida loo nololxabaalay gabdho ay isku da’ aahaayeen oo laga yaabo inay wada cayaari jireen. Kadibna waxa dhaqan iyo caado noqotay inay Gabadha oo da’deedu aad u yartahay inay guursato ninkii kasoo hor baxa ayadoo ka cabsanaysa Aabaheed. Laakiin markuu Islaamku yimi wuu xikmadeeyey guurka da’diisa oo gabadhu waa inay guursataa markay qaan gaadho, wiilkuna sidoo kale uu guursan karo marka uu qaan gaadho.

Arrinta muhiimka ah ayaa ah in Dadku isku si aanay uwada qaangaarin laakiin Diinta Islaamka oo ka horeysa dhamaan diimaha kale iyo aragtiyada Faylasoofyada waxay ka dhigtay qaangaarka wiilka iyo gabadha sidan soo socota.

  1. Hadii uu yimaado biyo qoyan xilliga hurdada ama soo jeedka.
  1.  Timaha kasoo baxa inta u dhaxaysa cawrada iyo caloosha.
  1. Inay gaadhaan da’da 15 sano iyo mid dheeri u ah dumarka oo ah hadii ay helaan dhiiga caadada way qaangaartay gabdhaasi.

Waa maxay Sababta Nabigu (N.N.K.H) u guursaday Caasha Ilaahay raali haka ahaadee:-

  • Guurka uu Nabigu guursaday Caasha waxa usoo jeedisay Khawla bintu Xakiim markay Nabiga  xaaskiisii Khadiija bintu Khuwaylid geeriyootay kuna tidhi; “Miyaanad Guursanayn?” Nabiguna waxa uu yidhi; “Yaan guursadaa?”  waxay tidhi; “hadaad rabto gabar bikro ah ama gabar garoob ah” Nabigu waxa uu yidhi; “Waatuma garoobta iyo bikradu?” Khawla waxay tidhi; “Garoobtu waa Sawda bintu Samcah iyo Caasha bintu Abibakar” Sababtuna waxay ahayd si xidhiidh Ehelnimo u dhex maro Rasuulka iyo Saaxiibkii uu ugu jeclaa ee Abibakar (I.R.H)
  • Nabigu waxa uu arkay riyo tusinaysa inuu guursanayo Caasha waxaanu yidhi; (Hurdada ayaa laygu kaa tusay laba jeer, waxaan arkay Nin kugu sida dacal xariira oo dhahaya: Tani waa xaaskaagii, waanan daahfuray, mise waa Adiga. Aniguna waxa dhihi hadii ay xaga Eebe ka sugnaatey way ahaan) [Sahih Al-Jamic 915]
  • Caasha waxa soo doonay Jubeyr ibnu Mudcim ibnu Cadiyy ka hor intaanu Nabigu soo doonin, taasoo cadaynaysa inay Caasha qaangaar ahayd.
  • Markuu nabigu (N.N.K.H) uu guursaday Caasha, Maxay gaaladii Qureesh iyo Munaafiqiintu uga hadli waayeen.? Waxaad qiyaastaa Nabiga (N.N.K.H) oo indhahaas oo dhan ay eegayaan cadawgiisuna badanyahay, hadana qof kaliya kamuusan hadlin guurka Nabiga (N.N.K.H). waxay ku tusinaysaa inay ahayd guur sharciya oo aan marnaba haba yaraatee xadgudub iyo dhaleecayni toona aanay ku jirin.
  • Caasha (I.R.H) may ahayn gabadhii ugu horeysay uguna danbays ee guursata nin ka da’ wayn, Nabigu muu ahayn qofkii ugu horeeyey ee guursada gabadh ka cimri yar. Hada ka hor Nabiga awoowgii Cabdulmudalib ayaa guursaday Haala bintu Wahayb oo aad uga yarayd. Sidoo kale saxaabigii qaaliga ahaa ee Cumar Al-faaruuq waxa uu guursaday gabadh uu ka waynyahay waa Saynab bintu Cali ibnu abidaalib oo ay dhashay Faadima bintu Muhamed (N.N.K.H).
  • Nabigu gabdhii kaliya ee bikrada ahayd ee uu guursaday waa Caasha bintu Abibakar, maadaama cimrageedu uu yaraana waxay u saamaxday inay cilmi badan barato una gudbiso dadka muslimiinta ah. Caasha waxay noolayd todoba iyo afartan sano kadib geeridii Rasuulka (N.N.K.H), waxayna Nabiga ka warisay xadiisyo badan waana qofka sadexaad ee ugu axaadiista badan marka laga yimaado Abuhurayra iyo Cabdilaahi ibnu Cumar.

Iminkana waxaan soo bandhigi  waxa kusoo arooray kitaabka Baybalka ee ku saabsan guurka iyo Nabiyada.

Sid aan kasoo xiganaya kitaabka 2aad ee Samuu’eelka cutubka 11 aad. (Oo markhribkii ayaa Daa’uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka sanqaafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aad bay u qurux badnayd. Markaasuu Daa’uud cid naagtii soo haybsat diray. Oo waxa la yidhi, war sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo. Markaasuu Daa’uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay;  markay soo gashay ayuu la seexday waayo waxay iska daahirisay nijaasteedii dabadeedna gurigeedii ayey ku noqotay) [Samu’el:11]

SubxaanAllah! Waa nabi Daa’uud oo ay u ogolyihiin inuu gogol dhaaf la sameeyey gabadh Nin kale qabay. Bal walaalayaal waxaad qiyaastaan nabiyadii ay rumaysnaayeen ayey sino, dhac, boob iyo tuuganimo u ogolyihiina bal kawarama Nabi aanay rumaysnayba!!! Waxa waxaas oo dhan ka daran waxay ka sheegeen Nabigii Ilaahay ee Luud iyo labadiisii gabdhood ee uu dhalay. Waxa kusoo aroortay kitaabka  kitaabka Bilowgii, cutubka 19 faqradaha 30 ilaa 38.

(Luudna Socar wuu ka baxay, oo buurtuu degay, isaga iyo labadiisii gabdhood ee la joogay; waayo, wuu ka cabsaday inuu Socor deganaado, wuxuuna degay bohol dhexdeed, isaga iyo labadiisii gabdhood. Oo tii curada ahayd waxay tii yarayd ku tidhi; Aabaheen waa Duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan ay tahay. Kaalay aynu aabaheen khamri cabsiinee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aan aabaheen farcan ugala hadhno. Oo hebeenkaasay aabahood khamri cabsiiyeen, oo tii curada ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabaheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona. Oo waxay noqotay in maalintii danbe ay tii curada ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabahay ayaan la jiifsaday; caawana aynu khamri cabsiino oo adiguna u tag oo la jiifso isaga, aan aabaheen farcan kala hadhnee. Oo hadana  habeenkaasay aabahood khamri cabsiiyeen; oo tii yaraydbaa kacday oo aabaheed la jiifsatay; manu ogayn markay la jiifsatay iyo markay kacday toona. Oo sidaasay Luud labadiisii gabdhood uur ugu lahaayeen. Oo tii curada ahayd waxay dhashay wiil oo waxay magiciisa u bixisay Mu’aab, isna waa reer Mu’aabka maanta jooga aabahood. Tii yaraydna ayana waxay dhashay wiil, oo waxay magiciisa u bixisay Bancammi; isna waa reer Cammoonka maanta jooga aabahood. ) SubxaanAllah, waa yaab!!! Nabi Ilaahay oo khamri la siiyey kadibna sinada maxramka uur loogu qaaday. Suurtagal miyey ka tahay Nabigii Ilaahay ee Luud (N.N.K.H)? Waa been cadaan ah.

Waxa waxaaba ka daran been abuuradka ay ka sheegeen Nabi Daa’uud waxayna dhaheen sida kusoo aroorta kitaabka Samu’eelka koowaad cutubka 25 aad faqradaha 25-28. (Saa’uul oo ahaa boqor ayuu Daa’uud gabadh ka doonay markaasu boqorkii yidhi; Waxba yarad kaa dooni maayee ee waxaad ii keentaa 100 Buuryo oo Falastiiniyiinta si looga aar goosto boqorka cadawaayaashiisa. Kadibna Daa’uud intuu Laba boqol oo nin dilay ayuu u keena 200 oo Buuryo, kadibna gabadhii Miikaal way caashaqday Daa’uud.)

Walalayaal waan ka xumahay hadii aad dhibsateen qoraalkan, balse hadfkaygu waxa uu ahaa oo kaliya Hadlakaas Sinada, dhaca iyo tuuganimada ah ma Hadal Ilaahbaa!!. SubxaanAllah. Markaa Kiristanku waxay moodayaan Diinta Islaamka sida diintooda oo kale sidaa awgeed hadii ay arkaan meel yar oo ay is leeyihiin goldaloolooyin ayaad ka helaysaan way buunbuuniyaan. Nabiyadii ay rumaysnaayeen ayey beentaas wayn ka sheegeen ee bal qiyaas Nabi Muhamed (N.N.K.H) waxay ka sheegaan. Ilaahaybaan ka magan galnay xumaanta ay faafinayaan.

Waxaan kusoo gabogabeynayaa Guurka Caasha waxa uu ahaa guur barakaysan, Nabiguna (N.N.K.H) Caasha aad ayuu u jeclaa, hadaad aragto laba qof oo is jecelna had iyo jeer xaasid iyo cid la colowda ma waayo. Caasha bintu Abibakar waa Hooyadeen sida Allah (SW) ku tilmaamay xaasaskii Rasuulka, wayna inaga sharaf iyo maqaam badantahay, Ilaahay raali haka ahaado.

Soo Diyaariyey: Abdulaziz Oogle

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.