Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa Allahaas oo naxariista naxarii guud iyo mid gaar ahba, waxa Mahaduna u sugnaatay Ilaahay (S.W.T), sidoo kale waxaan ku sallinaynaa oon Ilaahay u waydiinaynaa inuu Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa yeelo Xabiibka Muxamed isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisii. Assalamacalaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal inta aad nooshahay marwalba waxaad arkaysaa arrin kaa yaabisa, soomaaliduna waxay tidhaahdaa; nin nooloow maxaa aragti kuu laaban!! Miyaad maqasheen ama aragteen Dad sheeganaya inay muslimiin yihiin oo hadana dafiray xadiisyada nabiga oo dhan, kuna tilmaamaya Nabigii Ilaahay ee ahaa Raxmadii Caalamiinta inuu ahaa ruux khaladaad iyo gafaf ay ka dhacaan oo aan ahayn macsuum.

Wax dhowaanahan soo if baxday koox isku magacwda in la dhaho Quraaniyiin oo ku gaabsaday oo kaliya kitaabka Quraanka ayag0o baal maray dhamaan kutubta kale ee  shareecada Islaamka, ha noqoto kutubtaasi kuwa ay ku diiwaan gashan tahay xadiisyda Rasuulku sida Bukhaari, Muslim, Tirmadi, Nisaa’i, Abudaa’uud iwm. Sidoo kalena waxay iska leexiyeen kutubta Tafaasiirta Quraanka, Fiqiga islaamiga ah iyo guud ahaanba kitaabkasta wixi aan ka ahayn Quraanka siday sheeganayaan, laakiin xaqiiqadu waxay tahay kitaabka Quraankana ma haystaan mana qiimeeyaan, hadayba qiimo iyo qadarin u hayaan waxay ixtiraami lahaayeen Boqolka aayadood ee ka hadlaya in la raaco sunnada Nabiga (N.N.K.H).

Tusmo

Kooxdan xagay kasoo farcameen? Xagay ka yimaadeen?

Fikirka kooxahan waxay bilaabmeen goor hore, gaar ahaan xilliyadii Khawaarijta ayagoo diiday xadadka diinta Islaamka sida xadka Zinada iyo guud ahaan axkaamta laga xigto sunnada daahirka ah ee Nabiga (N.N.K.H). Dabcan Culumada Islaamku way ka hadashay, wayna naqdiyeen fikirkan qalooca ee baadida ah, waxaanu yidhi Imaamka Jalaal diin Suyuudi sidan:

قال الحافظ جلال الدين السيوطي رحمه الله :
” اعلموا رحمكم الله أَن من أنكر كَون حَدِيث النَّبِي صلى الله عَلَيْهِ وَسلم ، قولا كَانَ أَو فعلا ، بِشَرْطِهِ الْمَعْرُوف فِي الْأُصُول = حجَّة : كفر وَخرج عَن دَائِرَة الْإِسْلَام وَحشر مَعَ الْيَهُود وَالنَّصَارَى ، أَو مَعَ من شَاءَ الله من فرق الْكَفَرَة.

Ogaada Ilaahay haydiin naxariistee, cidii inkirta xadiiska Nabiga (N.N.K.H) ha ahaado qawl ama ficilba ee leh shuruudihiisa asalka ah ee la yaqaano  waa gaaloobay, wuxuuna ka baxay xayndaabkii Islaamka, waxaana lala soo bixin Yahuuda iyo Kiristanka, ama ciduu Alle doono oo kamida kooxaha gaalada.

Fikirkan wuxuu asalkiisu kasoo jeedaa Raafidada kuwooda xag jirka ah oo guud ahaanba diiday xadiisyada nabiga, kuna gaabsaday Quraanka oo kaliya. Sababtuna waxa weeye Ictiqaad baadil ah ayey rumeysteen oo qolo waxay ku tagtay in Nabinimadaba uu xaq u lahaa Cali ibnu Abudaalib (I.R.H) oo Malakul Jibriil kual khaldamay nabinimada Nabi Muxamed (N.N.K.H). Qolo kalena waxay u arkeen in Khilaafada uu xaq u lahaa Cali ibnu Abudaalib sidaa darteedna way gaalaysiiyeen wayna lacnadeen dhamaan saxaabadii, sidoo kalena Cali ibnu Abudaalib isaga laftigiisiina way lacnadeen ayagoo ku doodaya muxuu xaqiisa u dhacsan waayey!! Cajiib, Ilaahaybaan ka magan galnay fikirka noocaas ah, kol hadii ay gaalaysiiyeen Saxaabadii waxay dhaheen; xadiiskuba maaha wax jira, oo ma gaalo ayaan wax ka qaadanaa!! Sidaasbuu Shaydaankii jar uga tallaabsaday kooxda fikirkan aaminsayd.

Wuxuu yidhi Imaamu Shaafici Ilaahay ha u naxariistee; Ilaahay wuxuu Quraankiisa ku leeyahay sidan:

“لَقَدْ مَنَّ اللَّهُ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ إِذْ بَعَثَ فِيهِمْ رَسُولاً مِنْ أَنْفُسِهِمْ يَتْلُو عَلَيْهِمْ آيَاتِهِ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَإِنْ كَانُوا مِنْ قَبْلُ لَفِي ضَلالٍ مُبِينٍ.

Dhab abaanbuu ugu Manaystay Allah Mu’miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barayana Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad. [Alcimraan:164]

Wuxuu yidhi; Allah wuxuu sheegay Kitaabka oo ah Quraanka iyo Xikamada oo culumo aan raali ku ahay ay ii sheegeen in xikmadu tahay Sunnada Nabiga.” Shaafici.

Walaalayaal Quraanka Kariimka ah meelo badan ayuu Dadka Muslimiinta ah ku waajibiyey inay raacaan Sunnada Nabigeena, bal aynu aayadahan qaar soo qaadano;-

“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّـهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّـهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا ﴿٥٩﴾ [Alnisa:59]”

“فَلَا وَرَبِّكَ لَا يُؤْمِنُونَ حَتَّىٰ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لَا يَجِدُوا فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُوا تَسْلِيمًا ﴿٦٥﴾ [Alnisa:65]”

“…وَمَا آتَاكُمُ الرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَاكُمْ عَنْهُ فَانتَهُوا ۚ وَاتَّقُوا اللَّـهَ ۖ إِنَّ اللَّـهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ ﴿٧﴾ [Alxashri:7]”

Aayadahaas iyo kuwo kale oo tiradoodu gaadhayso 100 aayadood ayaa ina faraya inaynu raacno sunnada Nabigeena iyo Xadiisyada ka sugan nabiga. Hadaba Quraaniyuuntu Ilaahay haku abaalmariyo waxay kasbadeene waxay sheeganayaan in ay haystaan Quraanka kariimka laakiin waxa cadaatay inay xitaa  ka fogyihiin Quraanka laftigiisa, waxayna ku suganyihiin baadi cad waxayna lumiyeen naftoodii iyo cidii dhagaysataba.

Kooxda Quraaniyiinta Casriga ah.

Dabcan kooxahan fikirkan aaminsanaa badankoodu way dabar go’een hase ahaatee dhowaanahan ayey dib usoo if baxeen waxayna dabka ka kulaalaan ninkii bilaabay fikradan oo la dhaho Axmed Khaan oo ahaa nin u dhashay Wadanka Hindiya kuna fasiray Quraanka fikirkiisa. Kadibna waxa ku xigay nin u dhashay wadanka Baakistaan oo la dhaho Cabdilaahi Jakraalwi oo isaguna ku margaday xadiisyada qaar kadibna gabi ahaanba inkiray xadiisyada nabiga, markaasuu qaatayna fikradan inuu  quraankun ku koobmo.

Xilligan xaadirka ah waxa madax u ah kooxdan Quraaniyiinta ninka la dhaho Axmed Sabxi Mansuur oo si waadix ah u inkiray Sunnada Nabiga iyo xadiisyada  dhan kulligood. Ninkan oo u dhashay wadanka Masar waxa dhawr jeer lagu xidhay xabsiyada Masar kadib markuu inkiray xadiisyada Rasuulka, iminkana wuxuu ku noolyahay wadamada reer galbeedka ah.

Dabcan sidaan ka akhriyey maqaal qoraal ah oo Alcarabiya leedahay wuxuu ninkani shirar ku qabtaa wadanka Mareykanka, waxaana shirarkiisa sacabada u garaacay oo ka qaybgalay gabadha la dhaho Amiino Waduud oo ahayd gabadhii ku dhiiratay inay imaamad noqoto khudbad salaad Jimcena ka jeedisay Newyork, waxa kale oo ka qaybgalay gabadha la dhaho Irshaad Manji oo qiratay inay tahay Qawmu Luud.

Ugu danbayn ninkan oo la yaqaano cadaawada iyo colaada fogaatay ee uu uhayo Diinta Islaamka iyo gaar ahaan Culumada Xadiiska iyo Tafsiirka ayaa hogaamiye u ah kooxdatan. Waxaanad ku garanaysaa Dadka uga qaybgalaya shirarkiisa oo ah Dad lagu yaqaano nacaybka Islaamka iyo Nabiga Islaamka nabi Muxamed (N.N.K.H).

Waa maxay Manhajka Quraaniyiintu?

  1. Kooxdan baadida ah waxay inkiraan Tafsiirka Quraanka Kariimka ah.
  2. Waxay kale oo dafirsanyihiin aayadaha Quraanka ah Sababtay kusoo dageen (asbaab an-nuzuul).
  3. Kooxdani sidoo kale waxay dafireen aqwaasha culumada Islaamka iyo kuwa Salafkii hore (Saxaabada, Taabiciinta iyo taabic taabiciinta)
  4. Kooxdani ma rumaysna sidoo kale in aayadaha Quraanka ah qaar la nasakhay xukunkooda ama qoraalkooda.
  5. Kooxdani ma rumaysna mana aaminsana in Xadiiska iyo Sunnada Nabigu kamid yihiin shareecada Islaamka.
  6. Kooxdani ma rumaysna waxyi aan ka ahayn ka Quraanka Kariimka ah, ayagoo baal maray waxyiga labaad ee lagusoo dajiyey nabiga oo ah Sunnadiisa.
  7. Kooxdani waxay dadka ugu yeedhaan Sharci aan kala saarayn muslimka iyo gaalka.
  8. Kooxdani waxay dhaheen; xoriyada shakhsiga ah maaha ta lagu galayo Jannada. (Si kale hadaan u dhigno waxa weeye Qofku haduu doono wuxuu noqon karaa Qawmu Luud hadana Jannada waa galayaa!!! ama Khamri si shakhsi ah loo cabo maaha mid kuu diidaya inaad Janno gasho!!
  9. Kooxdani waxay nabiga ka aaminsanyihiin inaanu ahayn Macsuum oo uu khalad iyo sax labada uu gali karo, marka laga reebo xaalada Quraanku kusoo dagayo oo kaliya. (si kale hadaan u tilmaano waxay ka turjumaysaa in xitaa war sugan oo saxiix ah oo laga soo wariyo nabiga inaan ayaga agtooda ka ahayn waxyi ama amar Ilaahay faray nabiga)
  10. Kooxdani waxay gaalaysiiyaan Saxaabada ayagoo ku dooda inaanay cadaalad wada noqonayn oo waxa ka buuxay ayey dhaheen munaafiqiin!!

Waa maxay Xukunka Islmaaka ee Kooxdan?

Xukunka Islaamku wuu cadyahay ruuxa diida Sunnada Nabigu wuu ka baxay xaydaarkaa diinta Islaamka, wuxuuna yidhi Sheekh Ibnu Baaz Ilaahay ha u naxariistee sidan:-

يقول الشيخ عبد العزيز بن باز:

أما هؤلاء المتأخرون فجاءوا بداهية كبرى ومنكر عظيم وبلاء كبير ، ومصيبة عظمى حيث قالوا : إن السنة برمتها لا يحتج بها بالكلية لا من هنا ولا من هنا ، وطعنوا فيها وفي رواتها وفي كتبها ، وساروا على هذا النهج الوخيم وأعلنه كثيرا العقيد القذافي الرئيس الليبي المعروف فضل وأضل ، وهكذا جماعة في مصر ، وغير مصر قالوا هذه المقالة فضلوا وأضلوا وسموا أنفسهم بالقرآنيين ، وقد كذبوا وجهلوا ما قام به علماء السنة لأنهم لو عملوا بالقرآن لعظموا السنة وأخذوا بها ، ولكنهم جهلوا ما دل عليه كتاب الله وسنة رسوله Mohamed peace be upon him.svg فضلوا وأضلوا.

Wuxuu yidhi: “kuwaas danbeeyey waxay la yimaadeen dhib aad uwayn, danbi, balaayo iyo musiibo wayn, ayagoo dhahay: Sunnadu siday u dhantahay ma xujeysanto kulligeed, waxay dureen Sunnadii iyo cidii kusoo warisay kutubtooda, waxayna raaceen jidkaa xun, waxaana cadaystay fikradan madaxwaynaha Liibiya ee Qadaafi, wuuna lumay waanu lumiyey dadkii, sidoo kale waxay haysta fikradan koox reer Masri ah iyo kuwo kaleba, waxayna dhaheen weedhahan markaasay lumeen dadkiina lumiyeen, waxayna isku magacaabeen Quraaniyiin, dhabahaantiina been ayey sheegeen, waxayna ka jaahil noqdeen camalkii ay qabteen culumada Ahlu sunnaha ah, hadayna quraanka ku camal fali lahaayeen waxay waynayn lahaayeen sunnada wayna qaadan lahaayeen, laakiin waxay ka jaahil noqdeen wixii kitaabka Quraanka ah iyo Sunnadii Rasuulkuba ay sheegeen, wayna lumeen dadkana lumiyeen.

 

Sidoo kale kooxahan iyo kuwii lamid ah waxa ka warramay inay soo baxayaan Xabiibka Nabi Muxamed (N.N.K.H) isagoo dhahay:

«يوشك أن يقعد الرجل متكئاً على أريكته يحدث بحديث من حديثي فيقول بيننا، وبينكم كتاب الله، فما وجدنا فيه من حلال استحللناه، وما وجدنا فيه من حرام حرمناه، ألا وإن ما حرم رسول الله مثل ما حرم الله»

“Waxa dhow inuu ninku ku fadhiisto barkintiisa isagoo dingiiga, kana waramaya xadiis kamid xadiiskayga dhahayana; labadeena waxa inoo dhaxeeya Kitaabka Ilaahay (quraanka) wixii aan ka helno kitaabka oo xalaal ahna waan xalaashanaynaa, wixii aan kahelno xaaraana waan xarimaynaa, waar hooyaaaay! wuxuu dhabahaantii Rasulkii Ilaahay xarrimo wuxuu lamidyahay ka Ilaahay xarrimo.”

Waamaxay Ujeedada fikirkan quraaniyiinta?

  • Ujeedadoodu waa inay Diinta Ilaahay weeraraan kadibna ay duraan Sunnada si ay hadhowna ugu gudbaan inay Quraanka Kariimka ah ay u duraan oo isagana agtooda uu ka noqdo mid aanay rumaynayn.
  • Ujeedada kale ee fikradan waa in loo sallaxo dadka muslimiinta ah inay ridoobaan oo ay ka baxaan diinta Islaamka, sidaa awgeed xadkii ridada wayba diideen waxayna qaateen fikirka ah in cidii doontaa ay xor u tahay inay qaadato diinta Saliibiyiinta ama Yahuuda cadwga Islaamka.
  • Ujeedada kale waa in laga fogeeyo diinta Islaamka Dawladaha Muslimka sida gaalada Cilmaaniyiinta ee kala saaray Kaniisada iyo Dawlada.
  • Ujeedada kale waa kusoo shaacbax ama caan ku noqo oo dadku haku sheegsheegaan, waana maslaxo yar oo ruuxu ku waayayo aakhiradiisa.
  • Ujeedada kalena waa in la daciifiyo umada Islaamka oo kutubtooda laga saaro wax kasta oo ay gaaladu necebtahay sida Jihaadka, Dhaxalka, Guurka badan, Khilaafo Islaamiya, Shareecada Islaamka, Xuduuda Ridada, Zinada, Khamriga, Tuugnimada.
  • Ujeedadu waa in dadka loo xoreeyaa siday sheegtaan fasahaadka iyo qudhunka sida Qawmu Luudnimada, Zinada, Heesaha, Khamriga iyo Ribada.
  • Ujeedada kalena waa inay ciilkaambi badan oo haya ay iskaga yareeyaan weedhahan si ay u weeraraan Diinta Islaamka, laakiin Islaamku waa kii baaqiya ayaguna cadho ayey ku dhimanayaan.

Majiraan dad fikradan qaatay oo Soomaliya.

Dadbadan ayaa qaatay fikradan oo Soomaaliya kuna soo galay saaxada bulshada Shaati Diimeed kadibna ku bilaabay inay Heesuhu yihiin muqadas ama sida waxyiga oo cidii aan heesaha dhagaysani waxay ka bukaan qalbiga. Dabcan waxay gabaad ka dhigteen dadka soomaalida ah ee heesa ama fanaanta ah hase ahaatee dadka Fanaaniinta Soomaalyeed oo ah dad muslimiin khalad galay markiiba way garteen inay dadkaasi yihiin dabadhilifyo loo adeegsanayo inay weeraraan Islaamka iyo dhaqanka Shariifka ah ee Diinteena.

Walaalayaal dadka noocaas ah ee cid kasta oo wadaada ama culumo diin sheegaysa nacaybka u haya ee xalaashanaya heesaha, ribada, zinada iyo wixii lamida iska jira oo ka taxadara oo ka orda yaanu idin qaadsiinin cudurada ay la wareegayaane.

Talo

Walaalayaal hadaynu nahay muslimiinta Soomaalida waynu naqaanaa cida ah culumadeena iyo waxgaradkeena ku raakhusay cilmiga diinta ee ah  culamadeena barbaariyayaasha ah aynu wax ka qaadano.

Ilaahay kuwii wax ku qaata haynaga dhiga, wixii khayr ahna waxa i waafajiyey Ilaahay subxaanahu waanan ku mahadinayaa, wixii gaf ama khalad ahna waa shaydaan iyo naftayda waana ka toobad keenayaa. Ilaahayooow Diintaada nagu sug oo nagu dil naguna soo saar maalinta Qayaame, nagana mid dhig kuwa la rafiiqa xabiibkooda ay jecelyihii ee Muxamed naxaraiis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.


Waxa Diyaariyey soona gudbiyey Sheekh Abdulaziz Oogle

Xigasho:

Wikipedia.

Muraafqaat fii Usuul Al-Shariica, ibnu Xasmi.

Maqaal Alcarabiya 

Islamweb library

Fatwooyinka Islamqa.info