Tusmo

Lacnada iyo Caydu miyey jabisaa Soonka?

 
Horta Lacnadu waa xaaraan xilliga Ramadaanta iyo mararka kaleba, sidoo kale ma  banaana Cayduna, Ilaahay wuxuu inoo tilmaamay Quraankiisa in Malaa’ikta Rabbi ay qorayso weedh kasta oo kaso baxda Afkeena wuxuuna Allah yidhi: 
ما يلفظ من قولٍ إلا لديه رقيب عتيد  
Wax kasta oo lagu hadlo waxa la jooga Raqiib iyo Catiid (waa la qori) [Suuratu Qaaf: 18]

Weedh kasta oo kaasoo baxda waa la qorayaa. Labada Malak ee qorayana midna wuxuu qoraa Wanaaga aad samayso ama Afka kasoo baxa ka kalen wuxuu qorayaa Xumaanta. Markaa adaabaan ku waydiiyee Cayda ama Lacnada ma Safxada wanaga lagu qorayaa mise safxada xumaanta? Waxaan filayaa inay cadahay oo Caydu waa aflagaadayn mana banaana inaad Ruux Muslim ah caydo ama lacnado. Nabiguna wuxuu dhahay: (سباب المؤمن فسوق وقتاله كفر) Cayda Ruuxa Mu’minka ah waa Faasiqnimo, dilkiisuna waa gaalnimo. Sidaa daraadeed waxa inagu waajiba Rag iyo Dumarba inayno xafido hadlkeena, iskana ilaalino Cayda iyo Lacnada iyo wax kasta oo keenayaa in Soontu kaa burto ama Ajarkeedu uu yaraado. Ramadaan adigoo sooman hadaad wax lacnado ama caydona way kasii adkaanaysaa. Walaal markaa Alle haku xifdiyo iska Ilaali cayda iyo hadalka xun maxaa yeelay waxay keensan kartaa in laga tago Soonkaagii sida uu Nabigoonuba leeyahay (‏من لم يدع قول الزور، والعمل به، والجهل فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه‏) {Cidii aan ka tagin hadalka kiisa xun iyo ku dhaqankiisa iyo Jaahilnimada, Ilaahay dan kama laha inuu ka tago Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa9.} Ugu danbayn Caydu kaama burinayso Soonta laakiin way kaa nusqaaminaysa Ajarkaagii. Allahu aclam.