CAMRU IBNU QAYS IBNU SAA’IDA (IBNU UMU MAKTUUM)

(AKHRISO AMA SOO DAJISO QORAALKA OO PDF AH)

SOO DAJISO

Waa mid ka mid ah saxaabadii Rasuulka (N.N.K.H), waxa loo yaqaanaa (Ibnu Umu Maktuum). Magaciisa khilaaf ayaa ka jira, sababtoo ah reer Madiina waxay ugu yeedhi jireen Cabdilahi ibnu Qays ibnu Saa’ida halka reer Ciraaq ugu yeedheen Camru ibnu Qays. Hooyadii waa Umu Maktuum Caatika ibnatu Cabdilaahi oo ah reer bani Makhsuum, waxayna ka mid ahayd dumarkii ugu hor islaamay ee hijroodayna. Cabdilahi ibnu Umu Maktuum waxa dhalay marwadii Rasuulka ee Khadiija abtigeed Qays ibnu Saa’ida markaa Khadiija iyo Cabdilaahi waa ilma Abti.

Islaamnimadiisu way fogeyd, waxaanu ahaa indhoole. Waxaanu u hijrooday magaalada Madiina kadib markuu tagay saxaabigii Muscab ibnu Cumayr. Waa ka hor intaanu Nabigu hijroon ee ayna dhicin dagaalkii Badar. Waxa laga wariyey Baraa’; “Asxaabtii Rasuulka ugu horeeyey ee usoo hijroota Madiina waxay ahaayeen Muscab Ibnu Cumayr kadibna Cabdilaahi Ibnu Umu Maktuum.

Maalin maalmaha ka mid ah Nabigii Ilaahay oo la fadhiya madaxdii gaaladii reer Qureesh uu ka mid yahay Cutba ibnu Rabiica ayuu u yimi Cabdilaahi Ibnu Umu Maktuum oo Indho laa’ kadibna Rasuulkii Ilaahay waa ka jeestay isagoo raba inuu la hadlo madaxda reer Qureesheed. Kadibna Eebe (SW) ayaa ku canaantay Rasuulkiisa inuu ka jeestay mid ka mid ah saxaabadiisa markaasay soo degtay Suurada Cabasa Aayadaha 1-10.

  عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ (١) أَن جَآءَهُ ٱلۡأَعۡمَىٰ (٢) وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّهُ ۥ يَزَّكَّىٰٓ (٣) أَوۡ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكۡرَىٰٓ (٤) أَمَّا مَنِ ٱسۡتَغۡنَىٰ (٥) فَأَنتَ لَهُ ۥ تَصَدَّىٰ (٦) وَمَا عَلَيۡكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ (٧) وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسۡعَىٰ (٨) وَهُوَ يَخۡشَىٰ (٩) فَأَنتَ عَنۡهُ تَلَهَّىٰ (١٠ 

{Wajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu). Inuu u yimid kii Indhaha la’aa. Miyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo. Ama uu xusuusto oy xusuustu anfacdo….}

Markay Aayadahan soo dageen ayaa Rasuulkii Ilaahay karaameeyey oo sharfay.  Cabdilaahi ibnu Umu Kaltuuma waxa uu ahaa Mu’adinkii Rasuulka. Bilaal ayaa aadaami jiray Cabdilaahina waa aqiimi jiray. Sida xadiiska Rasuulka ka sugan uu leeyahay: “Bilaal ayaa adimaya ee cuna oo caba ilaa uu ka aqiimayo/adimayo Ibnu Umu Maktuum”. Maadaama Ibnu Umu Maktuum indho la’aa waa loo sheegi jiray xilliga uu adimayo laguna odhan jiray way gaadhay waqtigii.

Maalin ayaa Malakul Jibriil u yimid Rasuulka isagoo la jooga Ibnu Umu Maktuum, markaasu yidhi; Goorma ayaad indho beeshay? Waxa uu yidhi; “Aniga oo wiil yar ah.” Markaasu yidhi; Ilaahay waxa uu dhahay; “Hadii aan adoonkayga ka qaado labadiisa Indhood, uma helayo abaal mar aan ahayn Jannada”  

Nabiga (N.N.K.H) waxa uu kaga tagi Ibnu Umu Maktuum Madiina marka uu Nabigu dagaal u baxo, waxaanu xilka sii hayey sadex iyo toban jeer. Sida  dagaalkii Abwaa’ Bawaad, Dulcasiira, Badar iyo Markuu Nabigu xajay (Xajatul wadaac).

Ibnu Maktuum (I.R.H) waxa gacantiisa ku baxday gabadh Yahuudiyada oo u shaqaynaysay, wayna dhibtay kadibna waa garaacay oo way dhimatay. Kadibna Nabiga ayaa loo sheegay waxaanu yidhi; “Rasuulkii Ilahaayow Eebe ayaan ku dhaartee, way iishaqeynaysay  laakiin waxay igu dhibtay Ilaahay iyo Rasuulkiisa kadibna waan garaacay wayna dhimatay”  Waxaanu Nabigu yidhi; “Alle ha fogeeye way burisay dhiigeeda”

Markay soo degtay Aayada ka hadlaysa in dadk Mujaahidiinta iyo kuwa aan Ilaahay dartii u dgaalamin aanay sinayn ayuu Cabdilaahi yidhi: Ilaahayow soo daji aniga cudur daarkayga. Kadibna Allah ayaa soo dajiyey.  {غَيْرُ أولِي الضَّرَرِ} Marka laga reebo kuwa dhiban. {Ma Sinna kuwa Fadhiya ee Mu;miniinta ah oon kuwa dhibban ahayn …} Nisa:95

Waagii danbe waa dagaal tagi jiray waxaanu odhan jiray; ” Aniga calanka ii dhiiba, maadama aan ahay indhoole aan ordi karayn ina geeya laba buurood dhexdood”

Cabdilaahi Ibnu Umu Maktuum waxa uu ka qaybgalay dagaalkii Qaadisaya ee uu hogaaminayey Sacad ibnu abi Waqaas (I.R.H) halka gaaladii Furusna uu hogaaminayey Rustum waxaana laga adkaaday gaaladii oo muslimiinta ayaa gacan sarreysay. Cabdilaahi calan madaw ayuu watay dagaalkan waxaana la sheegaa inuu ku shahiiday dagaalkaas, Ilaahay raali haka ahaadee isaga iyo wixii Mu’min ahba. Aamiin.


Xigasho:

Imaam Dahabi kitaabka Siyarka.