عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه، عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: (إن الله ليطلع ليلة النصف من شعبان، فيغفر لجميع خلقه، إلا لمشرك أو مشاحن
[ابن ماجة1390، وابن أبي عاصم، واللالكائي] 

[Abu Muusa Al-Ashcari (I.R.H) waxa laga wariyey inuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu dhahay: Ilaahay (SWT) wuxuu fiiriyaa habeenka badhtama bisha Shacbaan markaasuu dhamaan makhluuqaadkiisa/uunkiisa u danbi dhaafaa marka laga reebo gaalka iyo mid cuqdad u haya cid kale oo Muslima.]

Fasirka Xadiiska:

Xadiisku wuxuu inoo tilmaamayaa in Ilaahay uu fiiriyo oo uu daalacdo uunkiisa gaar ahaan kuwa mukalafka ah (Insaanka iyo Jinka) oo markaasna u danbi dhaafo danbiyadooda marka laga reebo gaalka Ilaahay cidaan ahayn caabuda ama dafira jiritaanka Ilaahay (SW) waxa kale oo habeenkaas laga tagaa danbiyadooda oo aan loo dhaafin waa ruux cid kale oo Muslim ah u cadhaysan ama xaasidaya ama gooyey sida waalidka iyo riximka. Subxaanallah bal walaalayaal qiyaas hadaad qof Muslim ah cuqdad iyo cadho u hayso waxay keensatay inaan laguu danbi dhaafin oo lagaa mid dhigo sida ruux gaal ah Ilaahaybaan ka magan galnee. Hadaba badhtanka bisha Shacbaan waa habeenka 15 aad ee Shacbaan oo ku beegan 22 bisha May 2016 oo ah habeen ay Axad soo galayso.Fadlan walaalkaa cafi Ilaahay dartii adigana Ilaahay hakuu danbi dhaafee sidoo kalena xidhiidhi Ehelkaaga iyo qaraabadaadaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.