Barnaamijka Go’aanqaadasho wuxuu bilaabmayaa 17-03-17 oo ku beegan maalin Jimce ah, waxa ka qaybgalaya 50 xubnood oo isdiiwaangaliayey. Xubnahaas ku guulaystay inay ka qaybgalaan dhacdadan ayaa ku tartami doona arrimo waxtar u leh aduunka iyo aakhiradoodab. Arrimaahaasina waa waajbaadka iyo sunooyinka diinta Islaamku inoo jideysay inaan la nimaadno si maalinle ah, waa akhrinta hal juz oo Quraanka kariimka ah, akhrinta adkaarta iyo ducooyinka subaxa iyo galinka danbe, ilaalinta salaadaha faralka ah waqtigooda, ilaalinta salaadaha sunayaalka ah ee ka horeeya ama ka danbeeya salaada faralka ah, balwad haduu qofku lahaa inuu joojiyo iyo inuu soomo sadex maalmood bishaas gudaheeda.

Barnaamijkan hadafkiisu waa in lagu tabobaro ruuxa ka qaybgalaya inuu go’aan adag qaadan karo, kadibna uu ka midho dhalinkaro taasoo saamaynaysa noloshiisa dhaqaale, waxbarasho, shaqaale, diineed, siyaasadeed iyo qoyskaba. Ruuxii ku guulaysta inuu bishaas xaqiiyo hadafka barnaamijkan wuxuu helayaa dhiiranaan uu ku wajahi karo carqalad kasta oo noloshiisa ka hortimaada, wuxuuna yeelanayaa samir iyo dulqaad si uu hiigsigiisa u gaadho una dhabeeyo.

Barnaamijkan wuxuu soconaya hal bil oo xubnahaasi ay bixin doonaan habeenkasta warbixin iyo report inay la yimaadeen hawshii laga rabay, waxy kale oo helayaan dhiirigalin iyo kaalmo joogta ah oo ay hawlwadeenada barnaamijka iyo xubnaha ka qaybgalayaa ay la garab taaganyihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.