Ruuxa Muslimka ah markuu doonayo inuu seexdo waxa loo sharciyeeyay inuu akhristo Ducooyinka Hurdada. Waxaana Sunnada kamid ah inaad iska fiiriso gogosha aad ku seexanayso sababtoo ah ma garanaysid cid kaaga danbaysay.

Marka koowaad waxaad ururinaysaa gacmahaaga waxaanad ku tufaysaa sadexda suuradoo ee Quraanka ugu danbeeya waa Suurada Ikhlaas, Falaq iyo Naas waxaanad gacmahaaga ku masaxaysaa Wajigaaga iyo Madaxaaga kadibna Jidhkaaga intaad awoodid ayaad ku duugaysaa gacmahii aad ku tuftay Quraabka Kariimka.

  • بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

    قُلْ هُوَ اللَّـهُ أَحَدٌ ﴿١ اللَّـهُ الصَّمَدُ ﴿٢ لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ ﴿٣وَلَمْ يَكُن لَّهُ كُفُوًا أَحَدٌ ﴿٤

(1) Qul Huwa Allahu Axad (2)Allahu Samad (3) Lam Yalid walam Yuulad  (4) Walam yakunlahu Kufwan Axad 

[(1)Waxaad dhahdaa -Nabigii Ilaahayoow- Ilaahay waa Kali (2) Ilaahay waa sayid deeqtoon -oo hada kahor jiray, iminkana jooga, jirina doona- (3) Waxba muusan dhalin -Caruur) Isna lama dhalin (4) Waxa u dhigmaana ma jiro ]

 

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿١ مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿٢ وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿٣ وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿٤ وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿٥
(1) Qul acuudu bi Rabilfalaq  (2)Min Sharri maa Khalaq  (3)Wa min Sharri Qaasiqin idaa waqab  (4)Wa min Sharri al-naffathaati fil cuqad (5) Wa min Sharri xaasidin idaa xasad 
[(1)Waxaad dhadaa -Nabigii Ilaahayow- Waxaab magan galay Rabiga waabariga (2)Wixii uu abuuray shrkooda (ayaan ka magan galay (3)  Iyo habeenka sharkiisa markuu madoobaado (4) Iyo Sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (5) Iyo sharka kuwa wax xaasida markay xaasidayaan ]
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿١ مَلِكِ النَّاسِ ﴿٢ إِلَـٰهِ النَّاسِ ﴿٣مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿٤ الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ﴿٥ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ ﴿٦
(1) Qul acuudu bi Rabi An-Naas (2) Maliki An-Naas (3) Ilaahi An-naas (4) Min sharri al-waswaasil khannaas (5) Alladii yuwaswisu fii suduuri an-naas (6) min al-jinnati wal naas.
[(1) Waxaad dhadaa- Nabigii Ilaahayow- waxaan magan galay Rabbiga Dadka (2) Boqorka Dadka (3) Ilaaha Dadka (4) Kana magan galay sharka waswaasiyaha -xanshaashaqa-qarsoon (5) kaasoo waswaasiya laabaha Dadka (6) kuwaas wax waswaasiya oo  ah Jinni iyo Insiba.]
  • Waxa kale oon akhrinaynaa Aayada ugu wayn Quraanka Kariimka waa Aayatul Kursi.
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚلَّهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ مَن ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِندَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ ۖ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِّنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ ۖ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ ﴿٢٥٥
(255) Allaahu Laa Ilaaha Illaa huwa Al-Xayyu al-Qayuumu, Laa ta’khuduhuu sinatun walaa nawm, lahu maafi as-samaawaati wal-ardi man da alladii yashfacu cindahuu illaa bi’idnihii, Yaclamu maa bayna aydiihim wamaa khalfahum, Walaa yuxiiduuna bishay’in min cilmihii illaa bimaa shaa’a wasica kursiyyuhu ass-samawaati wal-ardi, Walaa ya’uudhuu xifduhumaa, wahuwa al-caliyyul cadiim.
[(255) Eebe Ilaahaan isaga ahayn ma jiro, waana Ilaaha Nool, Khalqigana maamula. Ma qabato Lulmo iyo hurdo (midna) wuxuuna iska leeyahay waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Waa kuma kan ka shafeeci agtiisa (Eebe) idankiisa mooyee, wuxuu ogyahay (Eebe) waxa Dadka hortooda ah iyo waxa ka dambeeya, mana koobaan wax Cilmigiisa ah wuxuu Eebe doono mooyee, wuuna u waasacnoqday kursigiisu Samaawaadka iyo Dhulka, mana Cusleeyo ilaalinteedu, Eebana waa sareeye wayn.]
  • Waxaan kale oon akhrinaynaa labada aayadoo ee ugu danbeeya suurada 2 aad ee Quraanka suurad Al-Baqara:
بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ
آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مِن رَّبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ ۚ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّـهِ وَمَلَائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ ۚ وَقَالُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا ۖ غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ ﴿٢٨٥ لَا يُكَلِّفُ اللَّـهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَا إِن نَّسِينَا أَوْ أَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَا إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ ۖوَاعْفُ عَنَّا وَاغْفِرْ لَنَا وَارْحَمْنَا ۚ أَنتَ مَوْلَانَا فَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ ﴿٢٨٦
(285) Aamana rasuulu bimaa unsila ilayhi min rbbihii wal mu’minuuna, Kullun aamana billaahi wa malaa’ikatihii wa kutubihii wa rusulihii laa nufarriqu bayna axadin min rusulihii, Wa qaaluu samicnaa wa adacnaa, Qufraanaka Rabbanaa wa Ilayka Al-masiir (286) La yukallifullaahu nafsan illaa wuscahaa, lahaa maa kasabat wa calayhaa maktsabat, Rabbanaa laa tu’aakhidnaa in-nasiinaa aw akhda’naa, Rabbanaa walaa taxmil calaynaa isran kamaa xamalthauu cala alladiina min qablinaa, Rabbanaa walaa tuxammilnaa maalaa daaqata lanaa bihii, wacfu cannaa waqfir lanaa warxamnaa, Anta mawlaana fansurnaa calaa alqawmi alkaafiriin.
(285) wuu rumeeyey Rasuulku wixii looga soo dajiyey Xaga Eebihiis, Mu’miniintuna (way rumeeyeen) dhamaana waxay rumeeyeen Eebe, Malaa’igtiisa kulubtiisa iyo Rasuuladiisa, mana kala geynayno mid ka mid ah Rasuuladiisa dhexdooda, waxayna dhaheen waan maqalay oon adeecnay, dhaafidaada. Eebahanow xaggaagaana loo ahaan. (286) kuma mashaqeeyo Eebe naf waxay awoodo mooyee, waxay mudan waxay kasbatay (oo wanaag ah) waxaana korkeeda ah waxay isu kasbatay (oo xumaano) Eebow ha noo qabanin haddaan halmaanno gafno, Eebow hanagu xambaarin Culays saad ugu xambaartay kuwii naga horeeyey, Eebow hanagu xambaarin (dhibin) waxaanaan awood u lahayn, na cafina oo noodhaaf noona naxariiso, adaa gargaarahanaga ahe, nooga gargaar qaarka gaalada ah.
  • Waxaan akhrinaynaa sidoo kale ducooyinkan:
باسمك ربي وضعت جنبي وبك أرفعه إن أمسكت نفسي فارحمها، وإن أرسلتها فاحفظها بما تحفظ به عبادك الصالحين
Bismika rabbii wadactu janbii wabika arfacuhuu in amsakta nafsii farxamhaa, wa in arsaltahaa faxfadhaa bimaa taxfadu bihii ciaadaka ass-saalixiin.
Magaca Rabbigay ayaan dhinaca u dhigayaa, sababtiisana waan kusoo kicinayaa, hadii aad Rabiyoow nafatayda qabato (dhimato) u naxariiso. hadaadse soo dayso Rabbiyoow Ilaali sidaad u ilaaliso adoomadaada wanaagsan.
اللهم خَلَقْتَ نفسي وأنت توفَّاها لك مماتها ومَحْياها، إن أحييتها فاحفظها وإن أمتها فاغفر لها، اللهم إني أسألك العافية
Allahumma khalaqta nafsii wa anta tawaffaaha laka mamaatuhaa wa maxyaahaa, in axyaytahaa faxfadhaa wa in amatahaa faqfir lahaa, allahumma innii as’aluka al-caafiyah.
Ilaahayoow waxaad abuurtay naftayda, adigaana oofsanaya, waxaa kuu suga geerideeda iyo nolosheedaba, hadii aad noolayso rabbiyoow Ilaali hadaadse disho rabbiyoo u danbi dhaaf, Ilaahayow waxaan ku waydiisanayaa caafimaad aduunyo iyo aakhiraa
اللهم قني عذابك يوم تبعث عبادك”( ثلاث مرات 
Allahumma qinii cadaabaka yawma tabcathu cibaadaka
Ilaahayow iga badbaadi caddibaadaada maalintaad soo bixinayso adoomadaada (sadex jeer)
باسمِكَ اللهم أموت أحيا
Bismika All-humma amuutu wa axyaa
Magacaaga ayaa Ilaahayow ku dhiman kuna noolaan
سبحان الله ( ثلاثاً وثلاثين ) والحمد لله ( ثلاثاً وثلاثين )والله أكبر(أربعاً وثلاثين 
SubxaanaAllah , Alxamdulilaah, Allaahu akbar.
SubxaanaAllah (Iaahbaa xumaan ka hufan) (33 jeer),  Alxamdulilaah (Mahadda Ilaahbaa iska leh (33 jeer), Allahu akbar (Ilaahbaa wayn) 34 jeer.
اللهم ربَّ السموات السبع،ورب العرش العظيم،ربنا ورب كل شيء، فالق الحب والنوى، ومُنزل التوراة والإنجيل والفرقان، أعوذ بك من شر كل شيء أنت آخذٌ بناصيته،اللهم أنت الأول فليس قبلك شيء،وأنت الآخر فليس بعدك شيء، وأنت الظاهر فليس فوقك شيء، وأنت الباطن فليس دونك شيء، اقض عنا الدَّيْنَ واغننا من الفقر
Allahumma rabba assamawaat as-sabci, wa rabbi alcarshi al-cadiimi, rabbanaa wa rabba kulli shay’i, faaliqa al-xabbi wa ann-nawaa, wa munsila al-tawraat wa al-injiil wa alfurqaan, acuudu bika min sharri kulli shay’in anta aakhidun binaasiyatihaa, Allahumma anta Al-awwal falaysa qablaka shay’i wa anta al-aakhir falaysa bacdaka shayi, wa anta al-daahir falaysa fawqaka shay’i , wa anta al-baadin falaysa min duunika shay’i, aqdi cannaa ad-dayn wa aqninaa min al-faqri.
Ilaaha abuuray todobada samoow, iyo rabbiga carshiga waynoow, Rabigayagoow iyo Rabbiga wax kastoow, Rabbiga kala filqiyey iniintoow, Rabbiga soo dajiyey kutubta Tawraadka, Injiilka iyo Furqaankoow, waxaan kaa magan galayaa wax kasta sharkiisa ood foodooda hayso, Ilaahayoow adigaa ah kii u horeeyey cid kaa horeysayna ma jirto, Ilaahayoow adigaa kii ugu danbeeyey cid kaa danbaysaana ma jirto, Ilaahayow adigaa sarreeya oo cid kaa sarreysaa ma jirto, Ilaahayow adigaa sokeeya oo cid kaa sokaysa majirto, Ilaahayoow naga bixi daynta nagana koryeel faqriga.
الحمد لله الذي أطعمنا وسقانا وكفانا وآوانا فكم ممن لا كافي له ولا مؤوي
Alxamdulilah alladii adcamanaa wa saqaanaa wa kafaana wa aawaanaa fakam miman laa kaafiya lahuu walaa mu’wiyaa.
Mahadda waxay u sugantahay Ilaahay kaasoo na quudiyey oo na waraabiyey oo nagu filnaaday oo na hooyey alla farabadanaa midaan cid ku filay iyo cid hoysa toona lahayn.
اللهم عالم الغيب والشهادة، فاطر السموات والأرض، رب كل شيء ومليكه أشهد أن لا إله إلا أنت أعوذ بك من شر نفسي، ومن شر الشيطان وشركه وأن أقترف على نفسي سوءًا أو أجرَّه إلى مسلم
Allahumma caalima al-qaybi wa al-shahaadah, faadira ass-samawaati wa-alardi, raba kulli shay’in wa maliikahuu ashhadu an laa’ilaaha ilaa Anta, acuudu bika min sharri nafsii, wa min sharri ash-shaydaani wa sharakihii, wa an aqtarifa calaa nafsii suu’an aw ajurrahuu calaa Muslim.
Ilaahayoow, ka og waxa jooga iyo waxa maqanoow, ka abuuray samada iyo dhulkoow, Rabbiga barbaariyey wax kasta oo iska lahoow, waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin adiga mooyaane, waxaan kaa magan galayaa sharka naftayda, iyo sharka shaydaanka iyo gaalnimadiisa, iyo inaan naftayda ku tuuro xumaan ama aan ugu soo jiido xumaan qof Muslim ah.
يقرأ {ألم } تنزيل السجدة، و{تبارك الذي بيده الملك}
Waxaad akhrinaysaa Suurada Sajdah iyo Suurada Mulki (Tabaarak)
اللهم أسلمت نفسي إليك، وفوضت أمري إليك وألجأت ظهري إليك رهبةً ورغبةً إليك، لا ملجأ ولا منجا منك إلا إليك، آمنت بكتابك الذي أنزلت وبنبيك الذي أرسلت
Allahumma aslamtu nafsii Ilayka, wa fawwatu amrii Ilayka, wa wajahtu wajhii Ilayka, wa alja’tu dahrii Ilayka rahbatan wa raqbatan Ilayka, Laa malja’a walaa Manjaa minka illaa Ilayka, Aamantu bi kitaabika alladii ansaltahu, wa binabiyyika alladii arsaltahuu.
Ilaahayoow waxaan kuu dhiibay Naftaydii, Waxaan kuu tiiriyey arrinkaygii, Waxaanan wajigayga kusoo wajahay xagaaga, Waxaana dhabarka u magan galiyey xagaaga, anigoo ku rajayna kaana cabsanaya, meel la magan galo iyo meel lagu badbaado majirto adiga mooyee, Waxaan rumeeyey Kitaabkaad soo dajisay iyo Nabigaad soo dirtay.