[huge_it_videogallery id=”21″]

Ducada Xirashada Dharka:

(Akhriso, Dhagayso ama Daawo)

{ : الحَمْدُ لله الذِي كَساني هذا( الثوب ) ورَزَقَنِيه مِنْ غَيْرِ حَوْلٍ مِنّي ولا قُوةٍ}

{Alxamdu lillaahilladii kasaanii haadaa, {al-thawba} wa rasaqaniihi min qayri xawlin minnii walaa quwwah}

(1) Mahad waxay u sugnaatay Eebe, kaasoo ii xiray kan (Maradan) iguna arzaaqay iyadoon jirin xeelad iyo awood ka ahaatay xagayga.  


Ducada Xirashada Maro cusub:

{ اللَّهُمَّ لَكَ الحَمْدُ أَنْتَ كَسَوتَنِيه،أسْألك مِنْ خَيرِهِ وخَيْرَ ما صُنع لَهُ،وأعُوذُ بِكَ مِنْ شرِّه وشَرَّ ما صُنِعَ لَهُ}

Allaahumma lakal-xamdu anta  kasowtaniihi, As-aluka min khayrihi, wa khayri maa sunica lahu, wa acuudu bika min sharrihi,wa sharri maa sunica lahu.

(2) Eebow mahad baa kuu sugnaatay, adigaa ii xiray (maradan) , waxaan ku waydiisanayaa khayrkeeda iyo khayrka loo sameeyay, waxaana kaa magangalayaa sharkeeda iyo sharka loo sameeyay. 


Ducada Ruuxa Xirtay Dhar Cusub:

{ إلبِسْ جَدِيداً وعِشْ حميداً ومُتْ شهيداً}

Ilbas Jadiidan, wa cish Xamiidan wa mut Shahiidan.

(3) Xiro wax cusub, Noolow adigoo lagu mahadiyo, Dhimana adigoo Shahiid ah. 

{تُبْلي ويَخْلِفُ الله تعالى}

Tublii wa yukhlifallahu tacaalaa.

(4) way idlaan, Eebana kor ahaayee badalkeed ayuu keeni. 


Ducada Markuu dhigayo Maryaha:

{بسم الله}

Bismillaah

(5) Magaca Ilaahay ayaan ku Bilaabayaa (ku bixinayaa) 


  1.  Irwaa Al-qaliil 7/47
  2. Shamaa’il Tirmadi Lil-Albaani Bogga 47
  3. Ibnu Maajah 2/1178, Baqawi 12/41
  4. Abu-Daawuud 4/41
  5. Tirmadi 2/505