[huge_it_videogallery id=”26″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo

Ducada Xilliga Aadanku socdo:

{يقول مثل ما يقول المؤذن إلا في “حي على الصلاة ، وحي على الفلاح” فيقول “لا حول ولا قوة إلا بالله}

Yaquulu mithla maa yaquul al-mu’adin illa fii “Xayya calal salaah wa xayyi calal falaax” fa yaquulu ” Laa xawla walaa quwwata illaa billaah.

(1) Wuxuu dhahayaa waxa uu Mu’adinku leeyahay marka laga reebo “Xayya cala salaah iyo Xayya cala falaax” waxa uu dhahayaa (badalkeed) “Laa xawla walaa quwwata illaa billaah – Xeelada ma jirto awoodna ma jirto (hadayba jirtana ) waxay u sugnaatay Allaah.

{ يقول ” وأنا أشهد أن لا إله إلا الله ، وحده لا شريك له ، وأن محمد عبده ورسوله ، رضيت بالله رباً ، وبمحمداً رسولاً وبالإسلام ديناً ( عقب تشهد المؤذن }

Yaquul, wa anaa ash-hadul an laa’ilaaha illaaAlla, waxadahu laa shariika lahuu, wa anna Muxamadan Cabduhuu wa Rasuuluhu, Radiitu Billahi Rabban,  wa bi Muxamadin Rasuulan, wa bil Islaami Diinan (( caqiba tashahud al-mu’adin)).

(2) Wuxuu dhahayaa, Aniguna waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu Jirin Ilaahay mooyee, waa kaligii wahelna malaha, iyo inuu Muxamad yahay Adoonkiisii iyo Rasuulkiisa, waxaan Ilaahay raali uga ahay Rabbinimo, Muxamadna (raali uga ahay) Rasuulnimo, Islaamkana (raali uga ahay) Diinimo. (( Waxa la akhrinayaa marka Mu’adinku ashahaato ka dib)).


Ducada Adinka ka dib: 

{يصلي على النبي صلى الله عليه وسلم بعد فراغه من إجابة المؤذن}

Yusallin calaa annabiyy salla Allahu calayhi wa salam bacda firaaqihii min ijaabati al-mu’adin.

(3) Wuxuu ku sallinayaa Nabiga Naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato, marka uu ka faaruqo kadaba akhrinta Mu’adinka (dhamaystiro kadaba dhihida Mu’adinka).

{اللهم رب هذه الدعوة التامة ،والصلاة القائمة، آت محمداً الوسيلة والفضيلة، وأبعثه مقاماً محموداً الذي وعدته، [ إنك لا تخلف الميعاد ]}

Allahumma Rabba haadihii dacwati attaammati, wassalaatil qaa’imati, Aaati Muxamadanil wasiilati wal fadiilah, wabcath-hu maqaaman maxmuudan alladii wacattahuu, [Innaka laa tukhliful miicaad]

(4) Ilaahayow, Rabbiga (iska leh) yeedhmadan dhamaska tiran iyo salaadan taaganow, Sii Muxamad wasiilo (Darajo Jannada ah) iyo Fadiilada (Darajo dheeraad ah) kana soo saar (maalinta qayaame) meeshii mahadsanayd ee aad ugu ballan qaaday. [Adigu (ilaahayow) ma tihid ku ballanka buriya]

{يدعو لنفسه بين الأذان والإقامة فإن الدعاء حينئذٍ لا يرد}

Yadcuu li Nafsihii bayna al-aadan wal-iqaamah, fa inna adducaa xiina’idin laa yuradd.

(5) Naftiisa ayuu u ducaynayaa, (xilliga) u dhaxeeya Adinka iyo Iqaamada, sababtoo ah Duacada (xilligaa) lama celiyo. (waa la ajiibaa).


  1.  Bukhaari: 1/152 Muslim: 1/288.
  2. Muslim: 1/290.
  3. Muslim 1/288.
  4. Bukhaari: 1/152.
  5. Irwaa’ Alqalii: 1/262.