[huge_it_videogallery id=”28″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo.

Ducada Rukuucda:

{سبحان ربي العظيم ” ثلاث مرات}

Subxaana Rabbiyalcadiim “Thalaathan”

(1) Xumaan iyo Nuqsaan Rabbiga wayn ayaa ka dheer (Sadex Jeer)

{ سبحانك اللهم ربنا وبحمدك ، اللهم اغفر لي}

Subxaanaka Allahumma Rabbanaa wabixamdika, Allahumma aqfirlii.

(2) Adigaa Xumaan ka dheer, Allahayow, Rabbiganagow (waxana kuu sugan) Mahadaada. Allhayow ii danbi dhaaf.

{سبوح قدوس رب الملائكة والروح}

Subbuuxun Qudduusun Rabbu almalaa’ikati warruux. 

(3) (Rabbiyow adigaa) xumaan ka hufnaan badan, daahir ah, Rabbiga Malaaikta iyo Malakul Jibriilow.

{اللهم لك ركعت وبك آمنت ،ولك أسلمت خشع لك سمعي وبصري ودمي ولحمي وعظمي وعصبي،وما استقل به قدمي }

Allahumma laka rakactu wabika Aamantu, walaka aslamtu, khashaca laka samcii wa basarii wa dammii wa cadamii wa casabii, wa maa istaqalla bihii qadamii.

(4) Ilaahayow adigaan kuu rukuucay, adiga yaan ku rumeeyey, adiga ayaan isku dhiibay/kuu hogaansamay, waxa kuu khushuucay maqalkayga, aragayga, dhiigayga, hilibkayga, lafahayga, xididadayda iyo wixii lugtaydu xanbaarsantahay.

{ سبحان ذي الجبروت والملكوت والكبرياء والعظمة}

Subxaana dil jabaruuti wal malakuuti walkibriyaa’i walcadamati.

(5) Waxa xumaan ka dheer oo ka hufan (Rabbiga) leh Awoodda/qasbidaa, Boqortinimada, Kibriyaaga iyo waynaanta.


Ducada marka Rukuucda laga soo kaco.

{ سمع الله لمن حمده}

SamicaAllahu liman xamidahu.

(6) Eebe wuu maqlay/ajiibay cidii mahadisay.

{ربنا ولك الحمد ، حمداً كثيراً طيباً مباركاً فيه}

Rabbana walaka Al-xamdu, xamdan kathiiran dayyiban mubaarakan fiihi.

(7) Ribbiganagow, Mahada adigay kuu sugnaatay, mahadaas oo fara badan, wanaagsan, barakaysan.

ملء السموات وملء الأرض وما بينهما ، وملء ما شئت من شئ بعد .أهل الثناء والمجد،أحق ما قال العبد، وكلنا لك عبد ، اللهم لا مانع لما أعطيت ولا معطي لما منعت ولا ينفع ذا الجد منك الجد

Mil’a assamawaati wa mil’a al-ardi wamaa baynahumaa, wa mil’a maash’ta min shay’in bacdu. Ahla thanaa’i walmajdi, axaqu maa qaala alcabdu, wa kullunaa laka cabdun, Allahumma laa maanica limaa acdayta walaa mucdiya limaa manacta walaa yanfacu daljaddi minka aljaddi.

(8) (Allow waxaan ku mahadinayaa in dhan) muga cirarka iyo dhulka, iyo waxa u dhaxeeya iyo muga waxaad doonto kadib. waxaad tahay ehelka ammaanta iyo sharfta ,waana waxa ugu xaqsan ee uu yiraahdo adoonku, dhamaantayo waxaan kuu nahay adoomo, Allow lama diidi karo wixii aad bixisso, lamana bixin karo wixii aad diido, mana anfacayso ka deeqda lihi deeqdiisu agtaada


  1. Tirmadi: 1/83
  2. Bukhaari1/199 iyo Muslim: 1/350
  3. Muslim: 1/353
  4. Muslim: 1/534
  5. Abu-Dawuud 1/230
  6. Bukhaari: 2/282 
  7. Bukhaari: 2/282
  8. Muslim: 1/364