Ducada marka Gaalada lala kulmayo (Dagaalamayo): 

اللهم إنا نجعلك في نحورهم ونعوذ بك من شرورهم

Allahumma Innaa najcaluka fii nuxuurihim.

ILaahow waxaan kaa yeelanay Dhuumahooda (Laa), waxaanan kaa magan galnay Sharkooda.

اللهم أنت عضدي وأنت نصيري ،بك أجول ،وبك أصول ، وبك أُقاتل

Allahumma anta cadudii wa-anta nasiirii, bika axuulu, wabika asuulu, wabika uqaatilu.

Ilaahayow adigu garabkay ayaad tahhay, adigu waxaad tahay gargaarahayga, adigaan awood ku leeyahay, adigaa kuu dirirayaa (jidkaagaa), adigaana kuu dagaalamayaa.

حسبنا الله ونعم الوكيل

XasbunaAllahu wanicma alwakiili

Ilaahaybaa nagu filan, isagaana ugu fiican cid talo loo dhiibto.


Ducada cida ka cabsata gardarrada Madaxda:

اللهم رب السموات السبع ،ورب العرش العظيم ،كن لي جاراً من فلان بن فلان ، وأحزابه من خلائقك ؛ أن يفرط على أحد منهم أو يطغى ، عز جارك ،وجل ثناؤك ،ولا إله إلا أنت

Allahumma Rabba assamwaati assabci, wa rabba alcarshi alcadiimi, kun lii jaaran min fulaan ibnu fulaan, wa axsaabahuu min khalaa’iqika, an yafarada calayya axadun minhum aw yudqii, cazza jaaruka, wa jalla thanaa’uka wa Laa’ilaaha illaa anta

Ilaahayow, Rabbiga Todobada Samooyinow iyo Rabbiga leh Carshiga weynow, iiga ahaow garab hebel iyo hebel iyo xisbigiisa ee Makhluuqaadkaada, in ruux ka mid ahi igu xadgudbo ama igu kibro, waxa Sharaf leh magantaada waxaana wayn Amaantaada, Ilaah xaq lagu caabudana ma jiro adiga mooyee.

الله أكبر، الله أعز من خلقه جميعاً ، الله أعز مما أخاف وأحذر ،أعوذ بالله الذي لا إله إلا هو ، الممسك السموات السبع أن يقعن على الأرض إلا بإذنه ،من شر عبدك فلان ،وجنوده وأتباعه وأشياعه ، من الجن والأنس ، اللهم كن لي جاراً من شرهم ، جل ثناؤك وعز جارك ، وتبارك اسمك ، ولا إله غيرك ” (ثلاث مرات 

Allahu akbar, Allahu Acaza min khalqihii jamiican, allahu acaza mimmaa akhaafu wa axdaru, acuudu billaahi alladii laa’ilaaha illaa huwa, almumsik assamawaat assabci an yaqacna calal ardi illaa bi-idnihii min Sharri cabdika fulaan wa junuudahu wa atbaacahu wa ashyaacahuu mina al-jinni wal-insi, Allahumma kun lii jaaran min Sharrihim, Jalla thanaa’uka wacazza Jaaruka, watabaaraka ismuka wa laa’ilaaha qayruka.

Ilaah baa weyn, Ilaah baa ka adag uunkiisa oo dhan, Ilaahbaa ka adag waxa aan ka baqayo een ka digtoonaanayo, waxaan u magan galayaa ilaahayga uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo isaga mooyee, allaha ka haya cirarka todobada ah inay kusoo dhacaan dhulka inuu u idmo mooyee, sharka adoonkaaga hebal ah, iyo ciidankiisa, kuwa raacsan iyo kooxihiisaba oo kamid ah jin iyo insiba, allow iiga ahaw badbaadiye sharkooda, waxaa weyn ammaantaada, waxaana adag badbaadadaada,waxaana sareeya magacaaga, mana jiro ilaah xaq lagu caabudo oon adiga ahayn.


Habaarka Cadawga:

اللهم منزل الكتاب ، سريع الحساب ،اهزم الأحزاب ،اللهم اهزمهم وزلزلهم

Allahumma munsila Al-kitaab, sariica al-xisaab, uhzum al-axzaab, Allahumma uhzumhum wa zalzilhum.

Ilaaha soo dajiyey Kitaabkow (Quraanka), ay degdegto xisaabtiisiyow, Jabi Xulufadan, Ilaahayow Jabi oo gilgil.


Ducada hadii aad cid ka cabsat:

اللهم اكفنيهم بما شئت

Allahumma akfihim bimaa shi’ta.

Ilaahayow igaga filnow waxaad rabto.