[huge_it_videogallery id=”27″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo.

Ducooyinka Furfurasha Salaada: 

اللهم باعد بيني وبين خطاياي كما باعدت بين المشرق والمغرب ، اللهم نقني من خطاياي كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس اللهم اغسلني من خطاياي بالماء والثلج والبرد

Allahumma Baacid baynii wa bayna khadaayaaya kamaa baacata bayna Al-mashriqi walmaqrib, Allahumma Naqinii min khadayaaya kamaa yunaqa Al-thawbu al-abaydu mina addanas, Allahuma aqsilnii min khadayaaya bil maa’i walthalji walbardi.

(1) Allow kala fogee dhexdayda iyo dhexda gafafkayga sidaad u kala fogaysay Bari (qorax kasoo bax) iyo Galbeed (qorax u dhac), Allow dhaq gafafkayga sida looga dhaqo marada Cad wasakhda, Allow ku maydh gafafkayga Biyo, baraf iyo qabow.

{سبحانك اللهم وبحمد ك وتبارك اسمك وتعالى جدك، ولا أ له غيرك}

Subxaanaka Allahumma wa bi xamdika wa tabaaraka ismuka wa tacaalaa Jadduka, wa laa Ilaaha qayruka.

(2) Xumaan waxa ka nasahan Eebe, mahadna isaga iska leh magacaaguna wuu barakoobay, sharaftaaduna kor ayey ahaatay, Ilaah (xaq lagu caabudana) ma jiro adiga mooyee.


وجهت وجهي للذي فطر السموات والأرض حنيفاً وما أنا من المشركين ،إن صلاتي ونُسُكي ومحياي ومماتي لله رب العالمين ، لا شريك له وبذلك أمرت وأنا من المسلمين  .اللهم أنت الملك لا إله إلا أنت ، أنت ربي وأنا عبدك ، ظلمت نفسي ، واعترفت بذنبي ، فاغفر لي ذنوبي جميعاً ، إنه لا يغفر الذنوب إلا أنت ، واهدني لأحسن الأخلاق، لا يهدي لأحسنها إلا أنت ، واصرف عني سيئها لا يصرف عني سيئها إلا أنت لبيك وسعديك والخير كله بيديك ، والشر ليس إليك ، أنا بك وإليك ، تباركت وتعاليت أستغفرك وأتوب إليك

Wajahtu wajhiya lilladii fadarassamaawaati wal-arda xaniifan, wamaa ana minal-mushrikiina, inna salaatii wa nusukii wa maxyaaya wa mamaatii lillaahi rabbil caalamiina, laa shariika lahu wa bidaalika umirtu wa ana minal muslimiina. Allaahumma anta al-maliku laa ilaaha illaa anta, anta rabbii wa ana cabduka, dalamtu nafsii wactaraftu bidambii faqfirlii dunuubii jamiican innahu laa yaqfirudunuuba illaa anta. Wahdinii li axsanil-akhlaaqi la yahdii li axsanihaa illaa anta, wasrif cannii sayyi-ahaa laa yasrifu cannii sayyi-ahaa illaa anta, labbayka wa sacdayka, wal-khayru kulluhu biyadayka, washsharru laysa ilayka, ana bika wa ilayka, tabaarakta wa tacaalayta, astaqfiruka wa atuubu ilayka.

(3) Waxaan u jeediyey wajigayga Allihii abuuray cirarka iyo dhulka anigoo ka iilanaya (shirkiga) kamana mid ihi kuwa wax kula wadaajiyey (mushrikiinta), salaadayda , iyo gawracayga (cibaadadayda) iyo nolashayda iyo geeridayduba waxay u sugnaadeen ilaahaygii caalamkoo dhan rabbigooda ahaa, cid wax la wadaagtana malaha sidaas baana la i amray waxaana kamid ahay muslimiinta (hogaansamayaasha). Allow adigaa ah boqorka, ilaah majiro xaq lagu caabudo adiga mooyee, adigaa ah rabbigay, aniguna waxaan ahay adoonkaaga, waxaan dulmiyey naftayda, waana qirtay dambigayga, ee ii dambi dhaaf dambiyadayda dhamaantood, ma dhaafo dambiyada adiga mooyee, igu hanuunina akhlaaqda teeda ugu wanaagsan, kuma hanuuniyo teeda wanaagsan adiga mooyee, igana jeedi teeda xun, igama jeediyo teeda xun (akhlaaqda) adiga mooyee, allow waan ku ajiibay, waana kugu liibaanay, khayr oo idilna waa labadaada gacmood dhexdood, sharkuna xaggaaga ma aha, aniguna adiga umbaan ku joogaa, xagaagana waan ahaaday, waad baraka badnaatay, waadna kor ahaatay, waxaan ku weydiisanayaa inaad ii dambi dhaafto, waana kuu toobad keenayaa.


اللهم رب جبرائيل وميكائيل وإسرافيل ، فاطر السموات والأرض ، عالم الغيب والشهادة ، أنت تحكم بين عبادك فيما كانوا فيه يختلفون اهدني لما اختلف فيه من الحق بإذنك إنك تهدي من تشاء إلى صراط مستقيم

Allahumma Rabba Jibriiala wa Miikaa’iila wa Israafiila, Faadira Al-samawaat wa Al-ardi, caalima al-qayba wa Al-shahaadati, anta taxkumu bayna cibaadika fiimaa kaanuu fiihi yakhtalifuuna, ahdinii limaa ukhtulifa fiihi min Al-xaqqi bi idnika innaka tahdii man tashaa’u ilaa siraadin mustaqiimin.

(4) Allahayow Rabbiga Jibriil, Miikaa’iil iyo Israafiiloow, Ka abuuray Samawaadka iyo Dhulkow, Ka og waxa qarsoon iyo waxa muuqdow, Adiga ayaa kala xukumi adoomadaada wixii ay isku khilaafeen ee igu hanuuni waxa laysku khilaafay xaqiisa (sababta) ogolaanshahaaga, Adigu waad ku hanuunisaa cidaad rabto Jid toosane.


الله اكبر كبيرا، الله اكبر كبيرا، الله اكبر كبيرا، والحمد لله كثيرا، والحمد لله كثيرا، والحمد لله كثيرا، وسبحان الله بكرةً وأصيلا ـ ثلاثا ـ أعوذ بالله من الشيطان الرجيم : من نفخه، ونفثه ،و همزه

Allahu Akbar Kabiiraa Allahu Akbar Kabiiraa Allahu Akbar Kabiiraa, Walxamdulilaahi kathiiraa Walxamdulilaahi kathiiraa Walxamdulilaahi kathiiraa, wa subxaana Allahi Bukratan wa asiilaa, Thalaathan. Acuudu billahi mina shaydaani arrajiim: min nafkhihii, wa nafthihii, wa hamzihii.

(5) Ilaahbaa wayn waynaansho, Ilaahbaa wayn waynaansho, Ilaahbaa wayn waynaansho,  iyo Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay oo badan  iyo Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay oo badan  iyo Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay oo badan, Xumaan iyo Nuqsaana Ilaahaybaa ka dheer Galin hore iyo Galindanbeba. (sadex jeer), Waxaan Ilaahayow kaa magan galay Shaydaanka la fogeeyey: Afuufkiisa, tufiddiisa iyo  waswaasintiisa (xanshaashaqiisa)


اللهم لك الحمد، أنت نور السموات والأرض ومن فيهن، ولك الحمد أنت قيم السموات والأرض ومن فيهن، [ولك الحمد أنت رب السموات والأرض ومن فيهن] [ولك الحمد لك ملك السموات والأرض ومن فيهن] [ولك الحمد أنت ملك السموات والأرض] [ولك الحمد] [أنت الحق، ووعدك الحق، وقولك الحق، ولقاؤك الحق، والجنة حق، والنار حق، والنبيون حق، ومحمد صلى الله عليه وسلم حق، والساعة حق] [اللهم لك أسلمت، وعليك توكلت، وبك آمنت، وإليك أنبت، وبك خاصمت، وإليك حاكمت. فاغفر لي ما قدمت، وما أخرت، وما أسررت، وما أعلنت] [أنت المقدم، وأنت المؤخر لا إله إلا أنت] [أنت إلهي لا إله إلا أنت]

allaahumma lakal xamdu anta nuurussamaawaati wal ardi wa man fiihinna, wa lakal xamdu anta qayyimu samaawaawti wal ardi wa man fiihinna, walakal xamdu anta rabussamawaat walardi waman fiihinna, walakal xamdu laka mulku samawaati walardi waman fiihinna,walakal xamdu anta maliku samaawaati wal ardi, walakal xamdu antal xaqqu wa wacdukal xaqqu, wa qawlukal xaqqu, wa liqaaukal xaqqu , wal jannatu xaqqun, wannaaru xaqqun wannabiyyuuna xaqqun, wa muxammadun xaqqun s.c.w , wassaacatu xaqqun { allaahumma laka aslamtu, wa calayka tawakaltu, wa bika aamantu, wa ilayka anabtu, wa bika khaasamtu, wa ilayka xaakamtu, faqfir lii maa qaddamtu , wamaa akhkartu, wamaa asrartu,wa maa aclantu, antal muqaddimu wa antal muakhkhiru, laa ilaaha illaa anta, anta Ilaahii Laa Ilaaha Ilaa anta.

(6) Eebow mahad ayaa kuu sugan, adigu waxaad tahay nuurka cirarka iyo dhulka iyo waxa ku dhex suganba, mahad baana kuu sugan adigu waxaad tahay maamulaha cirarka iyo dhulka iyo waxa ku dhex sugan, mahadbaana kuu sugan waxaadna tahay rabbiga/barbaariyaha cirarka iyo dhulka iyo wixii ku dhex sugan, Mahadbaana kuu sugan waxaad leedahay mulkiga cirarka iyo dhulka iyo waxa ku dhex suganba,  mahadbaana kuu sugan , waxaadna leedahay hanashada cirarka iyo dhulkaba iyo wixii ku dhex sugan, mahadbaana kuu sugan adigu waxaa tahay boqorka cirarka iyo dhulkaba, mahadbaana kuu sugan adigu waxaad tahay xaq, ballankaaguna waa xaq, qawlkaaguna waa xaq, kulankaaguna wa xaq, jannaduna waa xaq, naartuna waa xaq, nabiyaduna waa xaq, Muxammadna waa xaq (N.N.K.H) , qiyaamaduna waa xaq, allow adigaan isku kaa dhiibay, adaana ku talasaartay, adigaana ku rumeeyey, xagaagaana usoo laabtay, daraadaa ayaan u dooday, xagaagana waan u xukuntamay, ee ii dambi dhaaf wixii aan hormarsaday iyo wixii aan dib marsaday iyo wixii aan qarsaday iyo wixii aan muujistayba,  adigaa ah ka wax hormariya iyo ka wax dibmariya, ilaahna majiro xaq lagu caabudo adiga mooyee Adigu waxaad tahay ilaahayga, ilaah majiro xaq lagu caabudo adiga mooyee.


  1. Bukhaari: 1/181 iyo Muslim: 1/419
  2. Saxiix Tirmadi: 1/77
  3. Muslim: 1/534
  4. Muslim: 1/534
  5. Abu-Daawuud: 1/203
  6. Bukhaari: 3/3. 11/116