[huge_it_videogallery id=”31″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo

Ducada Atixiyaadka ka danbaysa intaan salaada laga bixin:

{اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر،ومن عذاب جهنم،ومن فتنة المحيا والممات ،ومن شر فتنة المسيح الدجال}

Allaahuma innii acuudu bika min cadaabi al-qabri,wa min cadaabi jahannama, wa min fitnati al-maxyaa walmamaati, wa min sharri fitnatil masiixiddajaal.

(1) Allow anigu waxaa kaa magan galayaa cadaabka qabriga iyo cadaabka naarta jahanama iyo fitnada nolosha iyo ta geerida iyo sharka fidnada masiixiddajaal (dajaal cawar).

{اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر،وأعوذ بك من فتنة المسيح الدجال،وأعوذ بك من فتنة المحيا والممات، اللهم إني أعوذ بك من المأثم والمغرم }

 Allaahumma innii acuudu bika min cadaabilqabri, wa acuudu bika min fitnatil masiixiddajaal, wa acuudu bika min fitnatil-maxyaa wal-mamaati, allaahumma innii acuudu bika minal ma’thami walmaqrami.

(2) Eebow waxaan kaa magan galayaa cadaabka qabriga, waxaana kaa magan galayaa fidnada masiixadajaal, waxaana kaa magan galayaa fidnada nolosha iyo dhimashada, Eebow waxaan kaa magan galaya dambiga iyo qaanka (daynta).

{اللهم إني ظلمت نفسي ظلماً كثيراً ، ولا يغفر الذنوب إلا أنت ، فاغفر لي مغفرة من عندك وارحمني إنك أنت الغفور الرحيم}

Allaahumma innii dalamtu nafsii dulman kathiiraa, walaa yaqfiru Dunuuba illaa anta, faqfir lii maqfiratan min cindka warxamnii, innaka antal-qafuururaxiim.

(3) Eebow anigu waxaan dulmiyey naftayda dulmi badan, mana dhaafo damiyada adiga mooyee, ee ii dambi dhaaf dambi dhaafid agtaada ah iina naxariiso, adigu waxaad tahay allow dambi dhaafe naxariis badan.

{ اللهم اغفر لي ما قدمت وما أخرت وما أسررت وما أعلنت وما أسرفت وما أنت أعلم به مني أنت المقدم وأنت المؤخر لا إله إلا أنت}

Allaahumma iqfirlii maa qaddamtu wamaa akhkhartu, wamaa asrartu,wamaa aclantu, wamaa asraftu, wamaa anta aclamu bihi minnii, antal muqadimu wa antal-mu>akhiru laa ilaaha illaa anta.

(4) Ilaahayow ii danbi dhaaf waxaan hor marsaday waxaan dib dhigtay, waxaan qarsaday iyo waxaan muujistay iyo waxaan ku xadgudbay iyo waxaad adigu igu ogtahay, adigu wax hormariya waxna dib u dhiga, ilaah xaq lagu caabudana ma jiro adiga mooyee.

{ اللهم أعني على ذكرك ، وشكرك وحسن عبادتك}

Allahumma acinni calaa dikrika, wa shukrika wa xusni cibaadatika.

(5) Ilaahayow, igu kaalmee inaan ku xuso iyo inaan kuu mahad naqo iyo inaan hagaajiyo cibaadadaada.

اللهم إني أعوذ بك من البخل وأعوذ بك من الجبن ، وأعوذ بك من أن أرد إلى أرذل العمر ، وأعوذ بك من فتنة الدنيا وأعوذ بك من عذاب القبر

Allahumma acuudu bika mina albukhli wa acuudu bika mina al-jubni, wa acuudu bika min an uradda ilaa ardalil cumri, wa acuudu bika min fitnati dunyaa wa acuudu bia min cadaabilqabri.

(6) Allow waxaan kaa magan galayaa bakhaylnimo iyo fulaynimo, waxaan kale oo kaa magan galayaa in  lay celiyo da’da tiisa xun (asaasaq), waxaan kaa magan galayaa fidnada aduunyo iyo waxaan kaa maan galayaa cadaabka qabriga.

{اللهم إني أسألك الجنة وأعوذ بك من النار}

Allahuma inni as’aluka aljannah, wa acuudu bika mina al-naar.

(7) Ilaahayow waxaan ku waydiisanayaa Jannada waxaanan kaa magan galayaa cadaabka Naareed.


اللهم بعلمك الغيب وقدرتك على الخلق أحيني ما علمت الحياة خيراً لي وتوفني إذا علمت الوفاة خيراً لي ، اللهم إني أسألك خشيتك في الغيب والشهادة ، وأسألك كلمة الحق في الرضا والغضب ، وأسألك القصد في الغنى والفقر ، وأسألك نعيماً لا ينفد ، وأسألك قرة عين لا تنقطع ، وأسألك الرضا بعد القضاء ، وأسألك برد العيش بعد الموت ، وأسألك لذة النظر إلى وجهك والشوق إلى لقائك من غير ضرَّاء مضرة ولا فتنة مضلة ، اللهم زينا بزينة الإيمان ، واجعلنا هداة مهتدين

Allaahuma bi cilmikal qaybi, wa qudratika calal-khalqi axyinii maa calimta alxayaata khayran lii, wa tawafanii maa calimtal wafaata khayran lii, allaahumma innii as’aluka khashyataka fil qaybi washshahaadati, wa as’aluka kalimatl xaqqi firridaa wal qadabi, wa as’aluka alqasda fil qinaa wal faqri, wa as’aluka naciiman laa yanfad, wa as’aluka qurrata caynin la tanqadic ,wa as’alukarridaa bacdal qadaa, wa as’aluka bardal cayshi bacdal mowt, wa as’aluka ladatannadari ilaa wajhika, washshawqi ilaa liqaa’ika, fii qayri darraain mudirrah, walaa fitnatin mudillah, allaahumma zayinnaa biziinatil iimaani, wajcalnaa hudaatan muhtadiina.

(8) Eebow ogaanshaha aad ogtahay qaybka awgeed iyo awoodaada aad ku leedahay noolaha darteed, inoolee inta aad ogtahay in noloshu kheyr ii tahay, ina oofso inta aad ogtahay in geeridu khayr ii tahay, Ilaahow anigu waxaan ku weydiisanayaa cabsidaada marka la iga maqan yahay iyo marka la ila joogaba. waxaana ku waydiisanayaa erayga runta ah marka raalinimada iyo marka xanaaqa, waxaana ku waydiisanayaa dhexdhexaadka qaninimada iyo saboolnimadaba, waxaana ku waydiisanayaa nicmo aan dhamaanayn, waxaana ku waydiisanayaa indha- doogsiaan go’ayn, waxaana ku waydiisanayaa raalinimo qadarka kadib, waxaana ku waydiisanayaa nolol qabow geerida kadib, waxaana ku waydiisanayaa macaanka eegidda wajigaaga iyo xiisaha la kulankaaga, dhib la’aan aan wax dhibaynin, iyo fidno la-aan aa wax luminayn, allow nagu qurxi quruxda iimaanka, nagana yeel kuwo wax hanuuniya oo hanuunsan.


اللهم إني أسألك يا الله بأنك الواحد الأحد الصمد الذي لم يلد ولم يولد ولم يكن له كفواً أحد أن تغفر لي ذنوبي إنك أنت الغفور الرحيم

Allaahumma innii as’aluka yaa allaahu bi’ annaka al-waaxidu al-axadu, assamadu alladii lam yalid wal am yuulad, wa lam yakun lahu kufuwan axad, an taqfira lii dunuubii innaka antal alqafuuru rraxiim.

(9) Ilaahow waxaan ku waydiisanayaa, Ilaahayow maadama aad adigu tahay (Ilaaha) kaliga ah, ee aa cidi ku lamaanayn, sayidka deeqtoona ah, adigoon waxna dhalin laguna dhalin, wax kula mid ahna aanay jirin ee ii danbigayga dhaaf, waxaadd tahay (Eebe) danbi dhaaf badane naxariistane.

اللهم إني أسألك بأن لك الحمد ، لا إله إلا أنت وحدك لا شريك لك ، المنان ، يا بديع السموات والأرض يا ذا الجلال والإكرام يا حي يا قيوم إني أسألك الجنة وأعوذ بك من النار

Allaahumma innii as’aluka bi’ anna laka alxamdu laa ilaaha illaa anta waxdaka laa shariika laka, almannaanu yaa badiicassamaawaati wal ardi yaa dal jalaali wal ikraami, yaa xayyu yaa qayuumu innii as’aluka al-jannata wa acuudu bika minannaari.

(10) Eebow anigu waxaan ku waydiisanayaa adigoo ay kuu sugnaatay mahadi,uusan jirin ilaah xaq lagu caabudo adiga mooyee kaligaa, majirto cid wax kula wadaagta , gallad badane ayaad tahay, allihii abuurayow cirarka iyo dhulka, allihii u saaxiibka ahaa weynaanta iyo wanaaga iyo deeqsinimada, allihii noolaa ee maamulayay wax walbow, waxaan ku waydiisanayaa jannada, waxaana kaa magan galayaa naarta.

{ اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ بِأَنِّي أَشْهَدُ أَنَّكَ أَنْتَ اللَّه لاَ إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ، الأَحَدُ، الصَّمَدُ، الَّذِي لَمْ يَلِدْ، وَلَمْ يُولَدْ، وَلَمْ يَكُنْ لَهُ كُفُوًا أَحَدٌ}

Allahumma innii as’aluka bi’anni ash-hadu annaka anta Allahu laa ilaaha illaa anta, al-axad, al-samad, alladii lam yalid walam yuulad walam yakunlahuu kufwan axad.

(11) Eebow waan ku waydiisanayaa sabatoo ah waxaan qirayaa inaa adigu tahay Allah, Ilaah xaq lagu caabudana ma jiro adiga mooyee, kalibaad tahay, sayid deeqtoonbaad tahay, kii aan ubad lahayn baad tahay, kii aan la dhalin baad tahay, cid kuu dhigantaana ma jirto.


  1. Bukhaari: 2/102
  2. Bukhaari: 1/202
  3. Bukhaari: 6/168
  4. Muslim: 1/534
  5. Abu-Dawuud: 2/86
  6. Bukhaari: 6/35
  7. Abudaawuud: 2/328
  8. Axmed: 4/364
  9. Nisaa’i: 3/52
  10. Ibnu Maajah: 2/329
  11. Abu-Dawuud: 2/62