GOOBAHA XIDIGAHA

Tusmo

فَلَا أُقْسِمُ بِمَوَاقِعِ النُّجُومِ

“Waxaan ku dhaartay halkay xidiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan)”


Xaqu (S.W.T) markuu wax ku dhaaranayo waxa uu rabaa inuu inagu baraarujiyo muhiimada uu shaygaasi leeyahay, Aayadan Eebe waxa uu ku dhaartay goobaha ay xidiguhu ku dhacaan, kumanuu dhaaran xidigaha laftigooda, sidaa awgeed muhiimada waxa lasiiyey goobaha ay ku dhacaan xidiguhu.

waxaanu cilmiga cusubi sugay in xidigaha aan ku aragno samooyinka aanay ahayn xidigo, ee ay yihiin goobihii ay xidiguhu ka guureen sanado badan ka hor. waxaan aragno ee ina soo gaadhaa waa ilayskii xidigaha ee goobihii ay ka guureen sanado badan ka hor, sababtoo ah xidiguhu way socdaan oo way guurguuraan.

Tusaale ahaan Xidiga inoogu dhaw waa Qorraxda oo dhulka ka fog boqol iyo konton milyan oo kilometer 150 milyan km, sidaa darteed ilayska qorraxdu waxa uu qaata inuu kusoo gaadho dhulka 8 daqiiqo, mudadaas qorraxdu way ka dhaqaaqday goobtii ay taagnayd una gudubtay goob kale. markaa run ahaantii ilayska aan aragno maaha ilayska Qorraxda ee tooska ah, ee waa ilayskii ay Qorraxdu kaga tagtay goobtii ay taagnayd 8 daqiiqo ka hor.

Tusaale kale waxa noqon kara xidiga inoogu dhaw Solar sytemkeena wuxuu inaga fogyahay 42750 bilyan oo kilomter. hadaba hadii uu qarxo xidigaasi waxa ilayskiisu ina soo gaadhayaa 50 bilood kadib, ama sadex sano iyo sideed bilood. sidaa awaadeed xidiga aan ku aragno samooyinka maaha xidigihii ee waa ilayskii xidiguhu kaga guureen goobtii ay daganaayeen.

[huge_it_slider id=”3″]

Waxa dhici karta in xidigaha dhinta uu ilayskeedu ina soo gaadho mudo aad u badan kadib, hada ka hor waxa dhintay  xidig loogu yeedhay Super Nufa  oo qarxay todoba iyo taban kun (17000) oo sano ka hor, hadana ilayskiisu waxa uu soo gaadhay dhulka sanadkii 1987 dii.

SHAQADA XIDIGAHA

وَعَلَامَاتٍ ۚ وَبِالنَّجْمِ هُمْ يَهْتَدُونَ

“Iyo calaamado, iyo Xidigo ay dadku ku toosaan”


وَهُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ النُّجُومَ لِتَهْتَدُوا بِهَا فِي ظُلُمَاتِ الْبَرِّ وَالْبَحْرِ ۗ قَدْ فَصَّلْنَا الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ

“Eebe waa ka idiin yeelay Xiddigo si aad ugu toostaan mugdiyada barriga iyo badda, waxaan ucadaynay aayadka cidii garan”


Xaqu (S.W.T) waxa uu inoogu tilmaamay aayadkan in xidiguhu yihiin kuwo dadka haga, waxaanu kusoo koobay xidigaha oo kaliya, lamana odhan meerayaasha (kawaakib) ayaa haga dadka ayadoo laga yaabo inay u iftiimaan sida xidigaha oo kele. Mucjisada aayadkan kujira ayaa ah in Xaqu (S.W.T) inoo tilmaamayo in ilaysku ka yimaado xidigaha halka meerayaashu ay ilays celin ku sameeyaan ilayska xidigaha. Sidaa awgeed Qorraxda oo ah xidiga inoogu dhaw waaxa eebe ku tilmaamy siraaj, halka dayaxa oo ah Meere lagu timaamay Nuur sababtuna waxa weeye Qorraxda ayaa ah asalka ilayska halka dayaxu uu ilayska qorraxda celiyo (reflection).