Tusmo

QISADII NABI YUUNUS

Yuunus Ibnu Mata waa rasuul kamida rususha Eebe, waxa loo diray qoom deganaa magaalo la dhaho Naynawa oo ku taala gobolka Mowsil ee wadanka Ciraaq. Nabi Yuunus waxa lagu naanaysaa (Saaxib al-Xuut ama Dan-Nuun).

Nabi Yuunus qoomkiisii waxa uu ugu yeedha diinta Islaamka, balse way ka dhaga adaygeen, waxna way ka qaadan waayeen, markaasay dhamaantood isku waafaqeen beeninta Nabi Yuunus.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa usamray, oo qoomkiisa hadh iyo habeenba waa u yeedhay, kor iyo hoosna waa ugu dhigay laakiin way ka madax adaygeen, shayaadiina way kusii riixday gaalnimada.

Maalintii danbe ayaa Eebe u waxyooday adoonkiisii Yuunus inay qoomkiisa sadex maalin kadib ay ku habsanayso cadaab darani.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) maruu arkay inay qoomkiisii halaagsamayaan ayuu iskaga tagay, oo ka baxay magaaladii kadibna waxa uu koray Doon (markab).

Markuu Nabi Yuunus ka baxay deegaankii ayey isku yimaadeen, ayagoo ka shalleeyey waxay gaysteen, kadibna dhammaantood waxay kasoo baxeen guryahoodii ayagoo Eebe baryaya, kana cabsanaya in cadaabkii loogu ballan qaaday ku habsanayo. Dadkii oo dhan waxay rumeeyeen Ilaahay kadibna Eebe waa unaxariistay oo waa ka dul qaaday dhibtii.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) waxa uu raacay markabkii oo ay dad badani saaranyihiin, goortuna waa habeen dabayl badana way jirtay, kadibna waxa mar qura is badalay jawigii, mawjadihii badduna sare ayey ukaceen.  kadibna si loo yareeyo culayska doonta ayey dadkii tuureen alaabtii iyo macuunadii ay wateen, hase ahaatee waxa sare usii kacay dabayshii iyo mawjadihii. Dadkii waxay dareemeen cabsi, kadibna waxay go’aansadeen inay dadka qaar la tuuro si ay kuwa kale u badbaadaan, balse cidina kumay dhiiran inay naftooda badda madaw ku tuurto, sidoo kale waxa hareerahooda joogay kalluun (Nibiri) kaas oo ugaadhsanaya ciddii  kasoo degta doonta.  Markii danbe ayey dadii go’aansadeen inay isu qoryo tuuraan, markaa cidii uu ku soo baxo qorigu, lagu tuuro badda. Markay qoryihii tuureen ayey kusoo baxday Nabi Yuunus (N.N.K.H) markaasay ku dhaheen adigu waxaad tahay Nin wanaagsan ee aan ku celino qori tuurka, markaasay  ku celiyeen oo waxay ku dhacday haddana Nabi Yuunus. Nabi Yuunus  waa fahmay in isaga loo jeedo, haddana dadkii doonta saarnaa way ku adkaatay inay tuuraan Nabi Yuunus, markii sadexaadna waxay kusoo baxday Nabi Yuunus. Markaas

Nabi Yuunus inta uu shaatigii iska siibay  ayuu isku tuuray badda, isla markiiba kalluun sugayey ayaa  liqay Nabi Yuunus. Kalluunka waxa loo waxyooday inuu liqo Nabi Yuunus isagoon jirkiisa burburin.

Nabi Yuunus waxa uu galay calooshii Kalluunka, waxa uu umaleeyey inuu geeriyooday, markaasuu dhaqdhaqaajiyey lugihiisa, kadibna waxa uu dareemay inuu noolyahay.

Nabi Yuunus sadex mugdiyaal dhexdood ayuu usujuuday Eebe, asaga oo dhahaya Eeboow waxaan kuugu sujuuday meel aan waligii bashar kuugu sujuudin, ee iga tawbad aqbal.

Waxaana kalmadihii qaaliga ahaa ee uu Eebe ku baryey ka mid ahaa (لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين). 

kalmadii wanaagsanayd ayaa sare u kacday, waxayna gaartay samooyinka, kadib waxa maqlay malaa’iktii oo dhahay, Rabbiyoow waxaan maqalaynaa cod aanu garanayno balse ka hadlaya meel la qariibsado.

Eebe waxa uu dhahay waa adoonkaygii Yuunus oo ku sugan sadex mugdiyaal dhexdood, mugdigii habeenka, mugdigii badda iyo mugdigii kalluuna dhexdiisa. Malaa’igtii waxay Eebe ka dalbadeen inuu koryeelo Nabi Yuunus. Eebana wuxuu uwaxyooday kalluunkii inuu sii daayo Yuunus, geeyana xeebta.

kallunkii waxa uu ku tuuray xeebtii isaga oo buka, gaajoonaya, oo harraadan sidoo kale qorraxdu ay hayso. markaasuu Eebe kasoo bixiyey geed yaqdiina xeebtii, markaasuu Nabi Yuunu cunay midhihii geedka, waana harsaday sidoo kale waxa u imanayey maalin kasta Geri, kadibna waxa uu cabi jirey caanaheeda.

Nabi Yuunus (N.N.K.H) waa caafimaaday kadiba waxa la faray inuu ku noqdo qoomkiisii, markuu ku noqday qoomkiisii ayuu la kulmay mucjiso, dhammaantood way rumeeyeen waanay soo dhaweeyeen Nabi Yuunus.

Safarkaa adag waxa uu Eebe u mariyey si uu inoo baro inaynaan quusan ee aynu samarno.