Su’aal: Dabaashu Soonka miyey Jabisaa?
Dabaasha waxaan u kala qaadaynaa laba qaybood, qayb waxa weeye hadii aad dabaalanayso oo aan biyuhu gaadhaynin Calooshaada, ama biyo liqaynin oo aad garanayso Dabaasha wax dhib ah malaha inaad Dabaalato waxyna qaadanaysaa Xukunka Qubeyska ee bisha Ramadaan.
Ruuxa soomanina inuu qubaysto wax dhib ah malaha, waxayna Culumadu u daliishadaa xadiiska uu warinayo Bukhaari (1926) iyo Muslim (1109) oo ahaa ( عَنْ عَائِشَةَ وَأُمِّ سَلَمَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يُدْرِكُهُ الْفَجْرُ وَهُوَ جُنُبٌ مِنْ أَهْلِهِ ثُمَّ يَغْتَسِلُ وَيَصُومُ ) (Caasha iyo Umu-salama waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ay soo gaadhi jirtay Salaada Subaxa isagoo janaabaysan, markaasuu qubaysan jiray oo soomayey). Waxa kale oo uu Abudaawuud soo saaray (2365) in qaar kamida saxaabadii Nabiga (N.N.K.H) ay arkeen isagoo sooman oo madaxiisa biyo ku shubaya. Sidaa darteed Culumadu waxay ka qaataan xadiisyadan in ruuxa sooman uu Kulka faraha badan awgeed ama gaajada iyo baahida badan ee haysa darteed inuu biyo ku shubi karo madaxiisa ama uu qubays qaadan karo, wax dhib ahna malaha. Qaabku u qabaysanayo xitaa hakala duwanato, macnaha waxaan ka wadnaaa haduu baaf ku qubaysto ama shushaada ku qubaysto ama meel biyo ku jiraan uu ku qubaysto ama Dabaasho wax dhib ah malaha, kaliya waa inaanu biyuhu calooshiisa u gudbin amaa aanu ku raagin qubayska si Jidhkiisu biyo badan uga dhargo. Waxaanan kusoo gunaanadaynaa way kuu banaantahay inaad qubays qaadato laakiin haku talaxa tagin.
Qeybta labaadna waxa weeye inaad Dabaalato oo biyihii gaadhaan Caloosha ama aad liqdo biyaha, taasi waxay keenaysaa inay Soontii kaa burto waxaana u daliila Xadiiska ( وَبَالِغْ فِي الاسْتِنْشَاقِ , إِلا أَنْ تَكُونَ صَائِمًا) (ku talax tag inaad Sanka biyo ku shubto xilliga Waysada marka laga reebo adoo sooman) Xadiiskan waxa laga qaadanayaa inaanay banaanayn in xitaa xilliga Waysada aad biyaha gaadhsiisu Caloosha ama ku talax tagto Sanka, markaa halkaa ka qiyaas qaado, hadii aad biyihii u gudbaan Caloosha way kaa jabtay Soonkii, waana inaad sii soomanataa maalintaa, soona qallaysaa maalintaa kaa tagtay, hadaysa tahay soontu soon Sunne ah wax dhib ah malaha inaad iska afurto oo aad hadhow soo qallayso. Wallaahu aclam.