Astma/Xiiqda

Astma/Xiiqda waa xanuun ku dhaca marinka hawada taasoo keeni karta mararka qaarkood culays neefsaho. Sababtuna waa ruuxa oo leh cudurka marinka hawada. Inta badan waxay ku dhacdaa qofka yar sidoo kale way haleeli kartaa ruux kasta, cimri kasta ha joogee.

Caruurta waxa ugu wacan waa ayagoo leh xasaasiyad sida dhogorta, manka iyo caarada. Balse dadka qaangaadhka ah waxa inta badan sababa xanuuno, tusaale ahaan infekshan (infection) ku dhaca hawo mareenka, hawl gab jireed, hawada qabow, daroogooyinka sida sigaarka, dawooyinka qaar iyo cadarada/barfiimada.

Calaamadaha

Astaamaha  Xiiqdu way is badali karaan, waxa laga yaabaa inaad marmar dareento caafimaad ama ka soo rayn halka marar kalena aad dareemayso dhib badan.

Markaad leedahay Xiiqda/Astma waxa caadi ah inaad dareento:-

  • Neefsashada oo dhib ah.
  • Neesashada oo cod leh (Hiinraag).
  • Qufac kugu raaga oo aan lahayn wax sharraxaada, gaar ahaan habeenkii.
  • Qufac joogto ah markaad qabto Hargab.
  • Qufac inta aad ku jirto socodka ama dhaqdhaqaaqa Jirka.

Daaweynta:

Xiiqda/Astma waxa lagu daweeyaa in ugu horreyn lala tacaalo caabuqa marinka hawada iyo in la weyneeyo wadada ay hawadu marayso. Dadka inta badan waxay u baahanyihiin dawooyinka ka hortaga ah kuwaas oo la siiyo si joogta ah. Waxa kale oo la siiyaa ruuxa dawooyin saamayn degdeg ah leh, gaar ahaan markuu dareemayo dhibta neefsashada.

Xillima ayaad u baahantahay Daryeel caafimaad?

Hadii aad ka shakisantahay inaad leedahay Xiiq/Astma waa inaad marka hore la xiriirtaa rugta caafimaad ee kuugu dhow.

Wac Ambulanska haddii:

  • Ay kugu adkaato neef qaadashadu adoo isticmaalay dawada Xiiqda.
  • Ay kugu adkaato inaad jiifsashadu neefta oo ku dhibaysa awgeed.

Xiiqdu waxay saamaysaa nidaamka Neefsashada.

Inta lagu gudo jiro soo boodka Xiiqda waxa marinka hawada ka dhacaya dhawr wax isla hal mar.

  • Gidaarka hawo mareenka ayaa bararaya, muruqyaduna way isku dhegayaan waxayna dhisayaan xab daboola hawo mareenka, Maadaama ay hawo mareenku cidhiidhi yahay waxa adkaanaysa neefsashada, waxan bilaabmaysa hiinraagis sidoo kale waxa aad dareemi kartaa qufac aad dhibsato.
  • Si aad u tijaabiso habka neefsashada waxaad qabataa sanka, kadibna ku neefso tuunbo.

Xiiqdu waxay ku iman kartaa mid xasaasiyad sababayso iyo mid aanay sababin

Xiiqda ku timaada sabab xasaasiyadeed.

Xiiqdan waxa keenay dareen xasaasiyadeed, waa haddii aad xasaasiyad ku leedahay walxahan sida ubaxa iyo dhogorta.

Haddii ruuxu qabo xasaasiyad waxa jira walax jirka ku jirta oo lid ku ah ama aan xamil karayn inay u dul qaataan maadada ku sababaysa dareenka xasaasiyada ah.

Marka ruuxu neef qaato waxa uu urinayaa walaxdii uu xasaasiyada ku lahaa kadibna jirka ayaa ka fal celinaya.

Qaabka loo dareemo xasaasiyada way kala duwantahay, haddii ay tahay fal celin degdeg ah waxa uu dareemaya xasaasiyada muddo dhan 20 daqiiqo. Balse Haddii ay tahay mid gaabis ahn waxa uu dareemayaa muddo dhan 6 saacadood ah.

Xiiqda nooca aan xasaasiyada ku iman.

Haddii aanay xiiqdu ku iman xasaasiyad waxa sababi kara waxyaalo kale:

  • Infekshan (infection) ku yimaada hawo mareenka, inta badan waa Virus.
  • Hawo qabow, gaar ahaan xilliga jiilaalka.
  • Tobakada sida sigaarka iwm.
  • Dhibsahada barfiimka/cadarka, qiiqa alxanka iyo gaasaska sida shiidaalka.
  • Hawl gab jireed.
  • Dawooyinka qaarkood sida dawooyinka wadnaha iyo cadaadiska dhiiga.

Xiiqdu isku si uma qabato dadka.

Xiiqdu ma aha xanuun si isku mid ah ugu dhaca dadka, waxa dhici karta in dadka qaar ay dhibaato wayn ay ku keento, halka kuwa kalena ay dareemaan  dhib  mararka qaar.

Inaad la noolaato xanuunka Xiiqda.

Ujeedada daaweynta Xiiqdu waa in sida ugu haboon aad ula noolaato Xiiqda, iyo in aanay wax yeelin nolol maalmeedkaaga caadiga ah.

Waxa muhiima in aanad dareemin calaamadahan si loo xaqiijiyo ujeedad daaweynta.

  • Si aad uga bugsato Calaamadaha Xiiqda.
  • Si aanay caqabad kuugu noqon Noloshaada kale.
  • Si aanad u qaadan Neefsiin dheeraad ah.
  • Si aanay Daawooyinku kuu gaysan waxyeelo.
  • Si uu Sanbabkaagu u caafimaad qabo.

Haddii aanay ujeedada aan la gaadhin, kala tasho dhakhtarkaaga waxa aad samayn karto si aad u dareento raaxo.

Fiiro gaara.

Waxa haboon inaad aqoon badan u leedahay waxa kugu kicinaya Xiiqda, kadibana ka taxadar qaado oo muujiso feejignaan dheeraad ah.

Wixii weydiimo ah noogu soo dir bogganaga  http://gaaldiid.com/nagala-xidhiidh-2/

Mahadsanidin.

Ducada hanaga ilaawin, Eebe haydin barakeeyo.