Xasaasiyad ureed/carafeed

Ruuxa qaba xasaasiyad ureed waxa uu dareemi karaa qufac, duuf iyo oohin, tusaale ahaan marka uu uriyo urta sigaarka, manka, ubaxyada qaarkood iyo barfiimada/cadarada. Dhibtaasi waxay waxyeelayn kartaa hawl maalmeedakaag.

Dhab ahaantii ma jiro dawo lagula tacaali karo xasaasiyadan hase ahaatee waxa ruuxu isku taxalujinayaa inuu ka fogaado goobaha halista ah ee xasaasiyadu kaga kacayso.

Calaamadaha

  • Duuf ama sanka oo had iyo jeer qoyan.
  • Hindhiso
  • Indho cuncun ama oohin.
  • Qufac iyo xaako.
  • Xabeeb iyo cuncun cunaha ah.
  • Xanuun feedhaha.
  • Dareen ah in neefqaadashadu adagtahay.

Dhibtu way sii badataa xilliyada qaboobaha gaar ahaan marka ruuxu soconayo. Sababtuna waa jawiga qabow oo sii dardar galinaya dhibta xasaasiyada.

Calaamadaha kale ee dheeraadka ah wax aka mid ah:

  • Madax xanuun.
  • Daal badan.
  • Dhidid
  • Lallabo iyo dawakhaad.

Sida cudurada kale waxa sii xoojinaya dhibta marka ay jirto walaac iyo walwal badan.

Haddii aad ka shakisantahay inaad leedahay xasaasiyadan, isku day inaad ka dheeraato waxa kugu kicinaya.

  • Ka fogow walxaha barfiimada leh sida kariimada iyo saabuunaha.
  • Wargeli ehelkaaga iyo asxaabtaada inaad xasaasiyad leedahay.
  • Samee jimicsi sida orodka iyo dabaasha.
  • Ka fogow goobaha urta leh sida kaalmaha shiidaalka iyo dukaamada lagu gado barfiimada.
  • Iska ilaali suuqyada marka aad u safrayso magaalada.

Haddii ay dhibta xasaasiyadu badantahay waxaad u baahantahay wax kabadal hawl maalmeedkaaga iyo xirfadaada shaqo, tusaale ahaan ka guur gurigaaga marka la rinjiyeynayo sidoo kale kala tasho ehelkaaga deegaanka kugu haboon ee dhimi kara dhibaatadaada.