Xasaasiyada Cayayaanka:

Xasaasiyadu waa ruuxa oon udul qaadan karayn maado ama shay. Haddii ruuxu leeyahay xasaasiyada cayayaanka waxa jirta maado aan jirkiisu xamili karayn oo cayayaanku ku mudayso/durayso markay qaniinto jirkiisa, waxayna ku reebtaa micideeda.

Nidaamka difaaca ee jirka ayaa fal celin samaynaya, markaasuu ruuxu dareemayaa  inay jirto xasaasiyadi.

Boqolkii qofba ruux ruux ayaa leh xsaasiyada cayayaanka.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee dadka qaar ku leeyihiin xasaasiyada cayayaanka, laakiin halistu waxay kordhi marka cid ehelkaaga ahi ay leedahay xasaasiyada.

Calaamadaha:

  • Goobta jirka la qaniinay way barari, midabkuna waxa uu isu badali midab guduudan/casaan.
  • Cuncun lamida sida qof ay quraanjo qaniintay.
  • Xoqid goobta la qaniinay.
  • Barar dibnaha iyo agagaarka indhaha.
  • Haddii uu ruuxu leeyahay xasaasiyad hali ah, waxa uu dareemi dharag, lallabo iyo neefta oo adkaata sidoo kale waxa dhici karta inuu ruuxu miyir beelo/suuxo.

Goormaan daawo u baahanay:

  • Markaad dareento in ay kugu kacday xasaasiyad.
  • Markaad dareento in Neeftu ku dhibiso, sanka duuf ka yimaado, qufac, xanuun dareento, wareer iyo dhidid qabow.
  • Marka lagaa qaniino carrabka iyo cunaha.
  • Qaniinyo badan oo lagu qaniino.

Daawada:

Markaad dareento xasaasiyada waxaad u baahantahay daryeel caafimaad, waxaana fiican inaad sidato sanduuqa Emergency ee xaalada daryeelka degdega ah ood ku sidato dawooyinka xasaasiyada sida kaniinka Antihistamine, ama Irabada Adrenaline iyo Cortisone.

Maxaan sameeyaa si aan iskaga dhawro qaniinyada cayayaanka:

  • Gasho maryo fiican oo daboolaya jirka oo dhan.
  • Iska jir inaad ku baxdo kabo la’aan.
  • Meel guriga ka baxsan haku cunin ama haku cabin cunto iyo cabitaan, sababtoo ah cuntada iyo cabitaanka waxa ku dul urura cayayaan badan.
  • Iska ilaali inaad cabto cabitaan ku jira caagad/daasad aan fur lahayn, sababtoo ah waxa ku dhex jiri kara cayayaan.
  • Ha dilin cayayaanka sida shinnida sababtoo ah shinnidu way urisaa cidda ku hawlan dilka shinni kale kadibna waxbay ku yeeli.
  • Taxadar samee markaad beertaada joogto.

Muhiim weeye inaad haysato Sanduu Emergency ayna kuugu jirto dawooyinka la isticmaalo xaaladaha degdega ah, gaar ahaan markaad safrayso ee aad ka fogtahay goobaha caafimaadka.