Xanuunka Sonkorta Caanaha (Lactose Intolerence)

haduu ruux qabo jirrada diidmada Sonkorcaaneedka, ma qaadan karo sonkorta caanaha, Lactose.

Xuubka Xiidmaha waxa uu soo daayaa dheecaan (lactase) kaas oo caawiya inuu burburiyo sonkorta ku jirta caanaha, kadibna lagu nuugo mindhicirka yar. Hase ahaatee hadduu daciif yahay  dheecaankaasi, Lactase, waxay sonkorto tagaysaa mindhicirka wayn, halkaas oo ay bakteriyadu ku burburinayso, taas oo keenaysa in ruuxu dareemo xanuun caloosha, shuban iyo naqas.

Jirradan maaha mid halis ah haddii ruux iska daayo cuntooyinka iyo cabitaanada leh, lactose, ama sonkorta caanaha.

Waxa jira sadex nooc oo ay ukala baxdo jirradani.

Primary lactose intolerance (qaybta koobaad)

Noocani waa ka ugu badan ee dadka qaba jirradani leeyihiin, xiidmuhu way soo daynkaraan  dheecaanka, balse markasta oo ruuxa da’diisu sii waynaato waxa yaraanaya dheecaanka Lactase, markaas ayuu ruuxu yeelanayaa jirradan.

Temporary lactose intolerancy (kumeelgaar)

Noocan waa jirro kumeel gaar ah, waxayna inta badan timaadaa marka ruuxu dhaawac kasoo gaaro xiidmaha, tusaale ahaan haduu qabo xanuunka Gulutanka, waxa uu helayaa jirrada diidmada sonkorta caanaha, lactose. Inta badana marka ruuxa laga daweeyo dhaawaca caloosha waa ka ladnaadaa jirradana.

Congenital lactose intolerance (dhalasho)

Noocan aad bay u yaryahay, waana mid dhaxal ah. Jirku gabi ahaanba ma soo daynayo dheecaanka Lactase, sidaa awgeed ilmaha yar waa caadi inuu dareemo xanuun caloosha, gaar ahaan markuu nuugayo naaska hooyada, sidoo kale waxa imanaya shuban. Haddii noocan uu qabo cunugu waxa uu qaadanayaa cuntooyinka aan lahayn Lactose, inta uu noolyahay.

Calaamadaha:

  • Naqas caloosha (dhuuso)
  • Shuban
  • Calool xanuun.
  • Barar caloosha.

Daawada:

Hadii uu ruuxu iska daayo cuntooyinka leh Lactose, sida caanaha, subagyada qaar iyo cuntooyinka lagu daro caanaha waa ka bugsadaa, waxaanu dareemaa caafimaad.

Nooca ku meel gaarka ah waxa uu ka bugsanayaa marka la daweeyo xanuunka keenaya dhaawaca mindhiciraha.

Waxa jira caano aan lahayn Lactose.

Hadaad rabto inaad cabto caano, waxaad gadan kartaa caano iyo subag aan lahay lactose, caanahan waxa laga saaray sonkorta caanaha,lactose. Ruuxuna waa qaadan karaa waanad cabi kartaa.

Hadii ruuxu doono inuu cuno cuntooyin leh Lactose, ama sonkorta caanaha waxa jira kaniino uu qaadan karo si aanu u dareemin xanuun.

th (4)