Xanuunka Gulutanka:

Gulutanku waa xanuun ku dhaca caloosha oo ay adagtahay in la dheefshiido  borotinka ku jira Qamadida, Haruurka iyo Shaciirka waxaana loo yaqaanaa Celiac.

Gulutanku wuxuu dhaawac u gaystaa fara-lamoodka gidaarka xiidmaha (Villus). Fara-lamoodahan waxay muhiim u yihiin inay milaan nafaqada cuntada, haddaba marka gulutanku waxa uu meesha ka saaraa Fara-lamoodaha, kadibnab calooshu way simataa.

Glutanku maaha xasaasiyad, sidaas darteed waa in aan lagu khaldin xasaasiyadaha kale. Lama garanayo sababta keenta gulutanka, waxa lagu tilmaama inuu yahay hiddo.

Calaamadaha:

  • Daal badan iyo awood la’aan.
  • Matag iyo lallabo.
  • Shuban, Naqas iyo hawo caloosha.
  • Miisaanka oo hoos udhaca.
  • Dhiig yaraan, bir yaraan iyo sidoo kale Vitamin B12 oo yar.
  • Lafa xanuun.
  • Finan kasoo baxa Afka iyo Maqaarka.
  • Ma dhalaysnimo.

Daal badan iyo awood la’aanta.

Inta badan ruuxa qaangaadhka ah waxa uu ka cawdaa daal, hase ahaate hadii ruuxu uu qabo gulutanka waxa usii raacaya awooda oo daciifta, sababtuna waa dhiiga iyo Vitaminka oo yar awgeed sidoo kale nidaamkii nafaqo riqdida ayaa dhaawac gaadhayaa taasina waxay keenaysaa in dheefshiidku  xumaado. Dhibtan ruuxu waa ka bixi karaa waa haddii uu isticmaalo cunto aan lahayn gulutenka.

Sidoo kale waxa jira warwar iyo murugo, waxaana lagu dajin karaa ayadoo la qaato Vitamin B6.

Shubanka iyo dhibaatooyinka kale ee caloosha.

Calool xanuun iyo hawo ku jirta caloosha waa astaanta lagu garto gulutanka. Shuban waqti dheera iyo sidoo kale  caloosha oo ku adkaata. haddii ruuxu iska daayo cuntooyinka leh guluutanka waxay saxaraduna kusoo noqon caadi.

Calool xanuunka iyo nafaqo darrada ayaa tilmaamaya inaad qabto gulutanka. Naqaska, iyo mataga waxay keeni karaan dhibaato badan waxaana inta badan adkaata in lakala saaro xanuunada Xiidmaha caraysan iyo IBS irritable bowel syndrome.

Astaanta gulutanka kama mid aha dhiig la socda saxarada.

Miisaanka oo hoos u dhaca.

Miisaanka si xad dhaaf ah uma dhacayo waxaana keena ruuxa oo amateetkiiso/cuntadiisu yaryahay iyo lallabada.

Lafa xanuunka.

Inta badan gulutanka aan la dawayn waxa uu keenaa lafo xanuun, sababtuna waa Vitamin D iyo Calcium oo yar.

Finanka afka.

Waxaad isku arki kartaa finan kaasoo baxa carrabka, waxaana u sababa vitamin maqan awgeed.

Ma dhalaysnimada.

Waa calaamad lagu garto gulutanka aan la daweynin, waana astaanka ka dhaxaysa  ragga iyo dumarkaba. Waxa kale gulutanku keeni karaa in ilmaha uurka ku jiraa soo dhaco sababtuna waa macdanta zink oo yar awgeed.

Daaweynta.

Waxaad joojinaysaa cuntooyinka leh gulutanka sida qamandida, haruurka iyo shaciirka. Fara-lamoodka xiidmaha (Villus) waxa uu abuurmayaa mudada u dhaxaysa Sadex bilood illamaayo hal sano.

Ku dadaal inaad ka feejignaato cuntada aad cunayso.

Maxaan cunaa.

  • Miraha iyo khudaarta.
  • Ukunta
  • Hilib daray ah, nadiif ah.
  • Kalluun nadiif ah.
  • Caanaha, ciirta.
  • Subaga saafiya.
  • Rooti aan guluten lahayn.
  • Buskul aan guluten lahayn sidoo kale boorash aan guluten lahayn.
  • Burka/daqiiq aan guluten lahayn
  • Kimis/sabaayad aan guluten lahayn.
  • Saliida iyo khalka.

Maxaan iska ilaaliyaa.

  • Burka/daqiiq, buskul, rooti, moofo leh guluten.
  • Boorash leh guluten.
  • Sareenka, qamandida, haruurka, shaciirka iyo gallay.
  • Baasto guluten leh.

Maxaan ku garanayaa in cuntadu leedahay guluten.

Inta badan waxa ku qoran cuntada aan lahay gulutanka xarfaha GF ama calaamadan.

1 3 5

Skip to toolbar