Dhiig-Bax

Ruuxa qaangaadhka ah jirkiisa  waxa ku jira dhiig gaadhaya Shan ama Lix litir oo dhiig ah. Shaqada ugu wayn ee dhiigu qabtaa waa inuu qaado oksijiinta (Oxygen), nafaqada, waxyaabaha qashinka ah iyo hormoonada. Waxa kale oo uu fuliyaa shaqo muhiima waa nidaamka difaaca jirka.

Xidida dhiiga ka keena wadnaha ee ay Oxygen ka buuxda waxa la dhahaa (Arteries) halbawlayaasha jirka, sidoo kale Xidida aan sidin Oyxgen ee ka imanaya jirka kuna socda wadnaha waxa la dhahaa (Veins). Xidida yaryar ee u dhaxeeya halbowlayaasha (arteries) iyo  (Veins) waxa loogu yeedhaa Capillaries.

Dhiig-baxu waa in mid kamida xidida dhiigu dillaco dhaawac soo gaadhay awgeed.

Dawooyinka qaar, cudur (Infection) iyo xanuunada dhiiga ku dhaca ayaa keena in ruuxu  si fudud u dhiig baxo.

Qaddar yar oo Dhiig-baxa intabadan  waa istaagaa iskiis muddo yar kadib marka dhiigu xinjiroobo. Dhiig-baxa wayn waa halis hadii aan la joojin waxaanu keeni karaa dhimasho.

Dhiig-baxu waxa uu noqon karaa dhiig bax jidhka gudihiisa oo aan la arki karayn sidoo kale waxa uu noqon karaa dhiig bax dibada ah oo la arki karo.

Calaamadaha dhiig baxa.

  • Garaaca wadnaha oo sare u kaca, taas oo aakhirka noqon karta mid aan caadi ahayn.
  • Cawlanaan iyo maqaarka oo dhidid qabow ka soo daato.
  • Xasillooni darro iyo warwar.
  • Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhac.
  • Neefsashada oo degdeg ah.
  • Itaal darnaan.

Dhiig-baxa oo sii socda iyo itaal darnaantu waxay keenayaan inuu ruuxu miyir beelo.

Daawaynta

Dhiig-baxa yar waxaad samayn kartaa inaad wax ku duubto ama ku cadaadiso boogta nabarka.

Dhiig-baxa wayn, isku day inaad joojiso dhiiga baxaya sida ugu dhakhsaha badan, adigoo adeegsanaya maro ama shukumaa/tuwaal kadibna ku duubaya si adag  boogta Dhiig-baxaysa inta aad sugaysid ambulanska.

Haddii dhiig baxu uu wayn yahay waxa haboon inaad jiifiso ruuxa dhulka, kadibna sare u qaado goobta dhiig baxaysa tusaale ahaan hadii lugtu dhiigayso sare u qaad lugaha, sababtoo ah wareega dhiigu waxa uu fududaanayaa inuu gaadho wadnaha kadibna wadnuhu waa sii qaybin karaa dhiiga.

bleeding

Waxa kale aad joojinkartaa qubashada dhiiga adigoo si adag  u xidhaya, adeegsanayana maro kuna duubaya gudaha boogta dhaawaca ah ee gacanta ama lugta. Waa arrin ku meel gaadha sababtoo ah waxa dhaawacmi kara xubin aad u muhiima. Kadibna cusbitaalka markuu ruuxu tago waxa lagu xidhi faleebo si uu ubadalo dhiigii baxay.

Noocyada kala duwan ee Dhiig-baxa:

Dhiig-baxa dabada ah waxa dillacay derbiga xididka kadibna dhiiga ayaa ka dhex dusaya xididka waana la arki karaa dhiiga.

hadii uu yahay Dhiig-bax gudaha ah lama arki karo dhiiga, tusaale ahaan hadii ay kaadi mareenka dhiig yar ku furmo laguma arki karo Isha qaawan ayadoo la deegsado mooye Microscope (waynayso) markaa waxaan arki karnaa in kaadida ay la socoto dhiig.

Hadii Dhiig-baxo yahay mid yar waxa dhiigu ka yimid Xidid yar balse haduu dhiigu burqanayo waxa uu ka yimid Halbawle. Farqiga u dhaxeeya Dhiig-baxa wayn iyo ka yar waxa weeye in aad arki karto dhiiga oo burqanaya.

Jirku waxa uu isku dayayaa inuu is dayac tiro.

Marka Jirka Dhiig-bax ku yimaado, dhiigu waxa uu awood u leeyahay inuu is xinjireeyo. Taasi oo macnaheedu yahay in dhiigu adkaado kadibna ay yaraato dhiiga baxaya. Waana nidaam isu dheeli tiran oo Eebe Wayne loogu mahad naqo.

Xijireyntu waxay u dhacdaa sidan, marka hore xididka dillaacay ee dhiigaya ayaa isku soo dhowaanaya si uu uyareeyo ama u joojiyo dhiig kale oo qubta, kadibna unugyada dhiigu waxay dhisayaan shabakad kaasoo u saamaxaya in daloolku is qabsado, waxaana boogta ku sameysmaya xinjireyn.

Haddii Dhiig-baxu baxu waynyahay macanaheedu waxa jira dalool wayn kaas oon aan u saamaxayn in unugyada jirku isu keenaan gidaarada xididka si ay isu gaadhaan gidaarada xididku ama waxay ku qaadanaysaa waqti dheer inuu dhaco xinjirayntu sidaa awgeed waxa haboon in la joojiyo dhiiga burqanaya ayadoo lagu cadaadinayo maro boogta dhiigu ka burqanayo, intaa kadibna jirku isaga iskii isu dayac tiraya. Haddii dhiigu uu aad u burqanayo waxa wanaagsan in la cadaadiyo goobta nabarka muddo dhan 10 daqiiqo, si ay shabakadda unugyada sameysa xinjiraynta ay iskugu yimaadaan oo isku dhagaan.

Dhiig-baxa Jirka gudahiisa.

Dhiig-baxa jirka gudahiisu waa dilaac ku yimi xidida dhiiga dabadeedna keenay dhiig bax jirka gudahiisa ah, waxa sababi kara dhiig-baxa jirka gudahiisa jug wayn oo qofka soo gaadhay ama qofka oo galay shil kadibna xubin ama xubno jirkiisa dhaawac soo gaadhay.

Dhiig-baxa jirka gudahiisa inta badan lama arki karo dhiiga oo qubanaya balse mararka qaar ayaa dhiigu soo raaca kaadida, saxarad ama mataga. Sidoo kale maqaarka ayaa laga arki karaa ama cidiyaha hoostooda.

Dhiig-baxa yar ee jirka guadahiisu waxa uu keeni karaa nabar, barar iyo kaar mudo gaaban ah. Dhiig-baxa wayn ee jirka hoostisa waxa uu keeni karaa qofka oo waaya/lumiya dhiig badan tusaale ahaan dhiig baxa caloosha iyo mindhiciraha.

Calaamadaha:

Dhiig-baxa wayn ee jirka gudahiisu waxa muuqda calaamadahan:-

  • Garaaca wadnaha oo si tartiiba u daciifa.
  • Cawlanaan iyo dhidid qabow.
  • Walwal iyo walbahaar.
  • Harraad.
  • Cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaca.
  • Neefsasho degdeg ah.
  • Itaal darnaan.

Dhiig-baxa oo sii socda iyo itaal darnaantu waxay keenaysaa inuu qofku miyir beelo ama uu suuxo.

Daawaynta:

Dhiig-baxa yar ee jirka gudahiisa ah iskii ayuu isu taaga, waxaana fiican in goobta dhaawaca soo gaadhay laga sareysiiyo wadnaha, si aanay goobtu aad u bararin sidoo kale waxaad ku duubi kartaa baandhays goobta uu dhaawaco soo gaadhay. Dhiig-baxa wayn ee jirka gudahiisa ah waa in si dhakhso badan loo joojiyaa, hadii kale waxa uu ruuxu halis ugu jiraa inuu waayo dhiig badan, waxaana ka dhalan kara dhaawac maskaxda ah ama geeri.

Xanuunka Xinjirbeelka.

Dadka qaar waxay u dhiigaan si yar halka kuwo kalena ay u dhiig bixi karaan si badan taasina waxay ku xidhantahay Dawooyinka qaar, Cudur ama xanuunada dhiiga.

Dadka qaar waxay dhaxal ahaan heleen awooda xanuunka xinjirbeelka, sababtoo waxa maqan walax laga maarmaan u ah xinjirowga dhiiga waxa loogu yeedhaa Hemophilia, markaa nidaamka xinjirowga dhiigu ma shaqaynayo.

Kartida awood la ‘aanta xinjirowgu way kala duwantahay waxayna ku xidhantahy intee walxo ayaa ka maqan jirka, markaa shabakadii ma dhismayso, dhiigiina ma joog samayo ee waa burqanayaa.

Waxa muhiima haddii aad leedahay xanuunkaas inaad u sheegto dhakhtarkaaga markaad samaynayso qalliin ama aad iska saarayso ilig haddii kale dhiig badan ayaa qubanaya taasina halis bay keeni kartaa.

Sidaad ku ogaan kartaa xanuunka Xinjirbeerlka.

  • Dhiiga oo qubta/ istaagi waaya dhaawac yar oo ku soo gaadhay awgeed.
  • Sanka oo dhiigaya inta badan.
  • Jirka oo nabaro midab leh si fudud u haleelo.
  • Qaraabadaaada oo ka cabanaysa Dhiig-bax badan.
  • Dhiiga caadada ee haweenka oo aan caadi ahayn.

Haddii ay jirto halista ah inaad leedahay xanuunka Xinjirbeelka waa inaad isku daydaa feejignaan dheeraad ah si aanu dhaawac kuu soo gaadhin.

Daaweynta Xinjirbeelka.

Ha quusanin hadaad leedahay xanuunkan waxa jira dawooyin fiican oo kaa caawin kara in dhiigu sameeyo xinjirow, tusaale ahaan waxaad heli kartaa Irbado aad guriga u qaadan karto kuwaas oo kaa saacidaya walxaha ka maqan jirkaaga.

Haddaad leedahay Xanuunkan balse uu yahay mid fudud waxaa lagu siin karaan daawo layskaga buufiyo sanka.

Caruurta waxa lagu sameenkaraa Qalliin jirka gudihiisa, sidoo kale waxaad heli kartaa daawo fiican markaad safar galaysid ama aad ka fogtahay goobaha caafimaadka.

Ku dadaal inaad ilkahaag dhawrto, sidoo kale Jimicsiga iyo daaweynta dabiiciga waxay kaa caawinaysaa  inaad wadajirka dhaqdhaqaaqa xubanaha jirku fiicnaadaan kadibna aanay xinjibeelku dhibaato badan kugu keenin.

Dhakhtarkaaga la tasho si aad u ilaalin lahayd cungaaga yar.

Dawooyinka qaar ayaa sababi kara Dhiig-bax.

Dhiig-baxu  si fudud ayuu  udhici karaa marka ruuxu isticmaalayo daawooyinka lidka ku ah xinjirowga dhiiga sida Coumadin. Markaad isticmaalayso dawooyinka waxa muhiima inaad raacdo talo bixinta dhakhtarkaaga, adigu iskaa uma badali kartid tirada kaniinka aad qaadanayso balse waxaad qaadan kartaa dawooyinka Xinjirowga adoo qaadanaya dawooyin kale.

Sabatoo ah dawooyinka lidka ku ah Xinjirowga waxa raaca dawooyin yareeya kaarka/xumada iyo sidoo kale dawooyin yareeya cudurada. Waxaana ka mida  Voltaren, Aspirin, Nurofen iyo Trombyl.

Dhiig-baxa badan waa halis.

Haddii Dhiig-baxu badanyahay waxay sababaysaa in wareega dhiiga ee jirku yaraado taasina waxay keenaysaa in Oksijiintu aanay ku filnaanin xubnaha jirka oo dhan.

Wadnuhu waxa uu isku dayi inuu magdhabo Dhiig-baxa, isagoo xoog u tuuraya dhiigii u hadhay jirka. Haddii aanu dhiigu wada gaadhayn xubnaha jirka waxa ruuxa asiibay shook, kadibna xubanaha kale ayey saameynaysaa sida maskaxda taaso keenaysa in uu ruuxu miyirbeelo. Haddii aan Dhiig-baxu istaagin, wax caawimo ahna aanu ruuxu helin waxa xiga waa geeri.