Beerka geela ama Hilibka geela Waysada Ma jabisaa? (Akhriso ama Dhagayso)

Haa, beerka geelu wuu jabiyaa Waysada maxaa yeelay hilibka geela ayuu kamid yahay, waxaana lamid ah hilibka ku jira Saanbuus, saandaweejka iwm. Waxaana u daliila Xadiiska Jaabir:

(حديث جابر ، سئل النبي صلى الله عليه وسلم أنتوضأ من لحوم الإبل ؟ قال : نعم ، قال : أنتوضأ من لحوم الغنم ؟ قال :إن شئت)

Xadiiska Jaabir, waxa la waydiiyey Nabiga (N.N.K.H) Ma ka waysaysanaa hilibka Geela? Wuxuu yidhi: Haa, waxay dhaheen; Ma ka waysaysanaa Hilibka Adhiga? Wuxuu yidhi: Hadaad rabto.

Hilibka geelu sidaas darteed wuu jabiyaa Waysada halka hilibka Adhigu aanu jabinayn Waysada.  hadaad jeceshahayna inaad wayso ka qaadato hilibka Adihiga, hadaad sidaada u wayso qabtana waa caadi. Allahuaclam.


Xigasho: Sh. Mohamed Cabdi Umal