Soo dhoweyn:

Bismillah, dhamanaan xubnaha ku guulaystay inay kamid noqdaan barnaamijkan waan u hanbalyeynayaa, waanan soo dhoweynaynaa. Cidii kale ee xiisaynaysa barnaamijka ayagan waxaan ugu bishaaraynaynaa in barnaamijku noqon doono mid taxane ah oo bishii kasta koox cusub la bilaabayo.

Barnaamijka waxqabadka Maalinlaha ah:

Xubanha sharafta leh waxa laga rabaa inay gutaan waajibka maalinlaha ah, oo ka kooban Lix qodob oo muhiima:

  1. Akhrinta Hal Juz oo Quraanka Kariimka ah, adigoo iska leh doorashada meesha aad ka bilaabayso Quraanka. Kaliya waxaan rabnaa inaad xaqiijiso akhrinta 20 safxadood oo Quraanka Kariimka ah si joogto ah. Hadii aanad masxaf Quraan haysan waxaad ka akhrisan kartaa lifaaqyada hoos ku qoran: http://gaaldiid.com/akhriso-tarjamada-quraanka-af-soomaali/ ama http://gaaldiid.com/akhriso-quraan/ hadii aad haysato telefoonka gacanta kala soo dag Google Play appka Gaaldiid halkan: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.app.gaaldiidu&hl=en Appkaasna ka akhriso kana dhagayso Quraanka iyo ducooyinka muhiimka ah.
  2. Akhrinta Adkaarta Subxa iyo Galinka danbe, waxaad ka akhrisanaysaa kitaabka xusnul muslimka, ama waxaad ka akhrisan lifaaqan hoos ku xusan: http://gaaldiid.com/ducooyinka-subaxa-iyo-habeenka/ ama ka daawo halkan: Youtube Gaaldiid iyo ducooyinka subaxa iyo galinka danbe
  3. Ilaalinta salaada faralka ah waqtigeeda, taasna adigaa ayaa ku dadaalaya oo naftaada run u sheegaya.
  4. Tukashada salaadaha sunooyinka rawaatibka ee ka horeeya ama ka danbeeya salaadaha faralka ah. Salaadahaasin waa 12 rakcadood isu gayntoodu, ciid xafdida 12 kaas rakcadoodna Ilaahay wuxuu Jannada uga dhisayaa Guri Jannada ku yaal. Sunoyinkuna waa 2 rakacadood oo salaada Subax ka horeeya, 4 rakcadood oo ka horeeya Duhurka, 2 rakcadood oo ka danbeeya Duhurka, 2 rakcadood oo ka danbeeya Maqribka  iyo 2 rakcadood oo ka danbeeya Cishe.
  5. Balwad hadii aad leedahay sida qaadka, sigaarka, kahmariga, xumaan aad adigu naftaada ku ogtahay waa inaad ka toobad keentaa oo aad joojisa bisshaas aad kugudo jirto tartanka, hadhow mustaqbalkana waad uga shiidaal qaadani guushaadaas oo dib danbe uguma laabandoontid inshallah.
  6. Bishaas waa inaad ka soomtaa sadex maalmood oo sunne ah. Dabcan xilliga barnaamijku bilaabmay waa badhtanka bisha Jamaad Althaani oo 18 ah, sidaas awgeed hadii aad 12 kaa maalmood ee ka hadhsan bisha aad soomto sadex maalin waa Ilaahay mahadii, hadi aad bisha soo socota ka soomto sadex maalina waa Ilaahay mahadii.
  7. Qodobka todobaad kuma jiro tartanka laakiin waa mid qiimo leh oo waa inuu ruuxu afar arrimood hal maalin wada qabtaa si ay Jannada ugu waajibto, arrintaasna waxa ballan qaaday nabiga (scw), wuxuuna dhahay: ruuxa muslimka ah ee ay ku kulanto afar shay hal maalin wuxuu galay Jannad, afarta arrimoodna waa: in qofku uu soomo, soo booqda ruux buka, ka qaybgalo janaazo, kadibna uu miskiin quudiyo (sadaqo bixiyo). Cidii la timaada farta arrimood waa ruux galaya Jannada inshallah, laakiin qodobkani kuma jiro tartanka sababtoo dadka oo dhan uma suurabayso inay wada fuliyaan hal mar.

Qaabkee ayaan u fuliyaa:

Maalintii markaad waa bariisatidi, waxaad u kacaysaa salaada sunnada ah ee ka horeysay salaada Subax, kadibna waxaad tukanaysaa salaadii faralka ahayd ee Subxa. Salaadaas kadib soo qaado masxafka oo akhri hal juz oo Quraan, waxay kugu qaadanaysaa ugu badnaan 30 daqiiqadood, kadibna waxaad akhrisataa adkaarta subxa oo ayaduna kugu qaadanaysa 5 ilaa 10 daqiiqo.

Marka la adimo salaada Duhur ayaad tukanaysaa afar rakcadood oo kahoreeya Duhur, kadibna salaada Duhur ayaad tukanaysaa, dabadeedna sii raaci laba rakcadood oo sunne ah.

Marka aad tukato salaada Casar waxaad sii raacisaa adkaarta iyo ducooyinka galinka danbe. Sidoo kale salaada Maqrib iyo laba rakcadood oo ka danbeeya ayaad tukanaysaa, ugu danbeyna salaada Cishe iyo laba rakcadood oo ka danbeeya ayaad tukanaysaa. Cidii salaada laylka tukanaysana way fiicantahay laakiin salaadaasi iminka kuma jirto tartanka barnaamijka Go’aanqaadasho.

Hadii aad go’aansatay inaad soomto waxaad diyaarsanaysaa suxuurta, kadibna marka la adimo salaada subax aadaanka hore ayaad suxuuranaysaa, kadibna salaadahaagii ayaad tukanaysaa, quraan akhriskii iyo ducooyinkaagii.

Habeenkii waxaad bixinaysaa Report ama Warbixin:

Habeenkii marka saacadu dalka Sweden utahay 9:30 fiidnimo ayuu Abdulaziz Mohamed Oogle soo galayaa Facebok Live, gaar ahaan boggeena Gaaldiid, halkaas oo uu qofkasta telefoonka ka wacaayo oo uu waydiinayo Reportkii maalintaas. Sababtuna waa in dadwaynuhuna la socdaan dadaalkiina iyo inay ayaguna ku daydaan oo ay naftooda  Go’aano fiican u horseedaan.

Xubin kasta wuxuu leeyahay Nomber u gaar ah oo laydiin sheegi doono, iyo sidoo kale xilliga lagu soo wacayo waxa idiin sheegaya Abdulaziz Mohamed Oogle, hawlwadeenka barnaamijkan Go’aanqaadasho.

Maxaa dhacaya hadii cudur daar jira awgeed ay xubnuhu u gudan waayaan waajibaadkooda?

Hadii cudurdaar jira awgeed loo gudan waayo waajibaadka maalin laha ah, sida in haweenku ay helaan caadada iwm, ama ninkuba ay hawl aanu filanayn ku timaado, markaas ruuxaas tixgalin ayaa la siinayaa iyo baraarujn. Balse ruuxaas dhibcihii boqolkiiba boqol ma gaadhayo wareegan koowaad.

Cidiise cudurdaar la’aan ugaso bixi wayda waajibaadka maalinlaha ah ee uu go’aansaday wuxuu waayayaa xubinimadiisa, wuxuuna ka hadhayaa barnaamijka Go’aanqaadasho, sababtoo ah barnaamijkani waa siminaar oo hadaad ku guulaysan waydo, waxaad isku dayeysaa inaad mar kale aad kasoo qaybgasho si aad naftaada u barto samirka ay leedahay in hadaf aad xaqiijiso.

Shuruuudaha Qolka Whats Upka ee barnaamijka Go’aanqaadasho:

  1. Cid qolka ku jirta waa xubnaha rasmiga ah, cid kalena laguma soo darayo intuu barnaamijkaas uu socdo.
  2. Qolku maaha qol loogu talo galay haasaawe, ganacsi, aflagaado, cay, fadeexad, is asturid la’aan ee kaliya waxa lasoo dhigayaa wixii  ku saabsan barnaamijka Go’aanqaadasho.
  3. Dadka xubnaha ka ah Qolkan waa inay ixtiraamaan dadka kale Go’aamadooda.
  4. Xubnaha ka diiwaangashan qolka waxa ka mamnuuc ah in ay faafiyaan macluumaadka xubnaha kale, cidii ku kacda faafintaas ee ay ku cadaato wuxuu waayayaa xubinimadiis, sidoo kale waxa loo tiigsanayaa maxkamad Sharciga waafaqsan, sidoo kalena habaar iyo inkaar ayuu ka shaqaystay Umada Islaamka oo uu ubanbaxay.
  5. Cidii caawimo u baahan, ama su’aal qabtaa waxay soo dhigaysaa Qolka dhexdiisa, kolkaas farriimaha luuqa loo soo dhigayo hawlwadeenka lagama jawaabayo, hadii aanay ahayn arrin shakhsiyadeed ama dhib uu tabanayo xubinkaasi.

Allaa Mahad iska leh


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle, hawlwadeenka Barnaamijka Go’aanqaadasho.