Barnaamijka Go’aanqaadasho:

Barnaamijka Go’aanqaadasho waa barnaamij aad naftaada wax kaga badalaysid, hadii aad ka cabanaysay go’aan jileec iyo guuldarrada nafsaaniga ah, barnaamijkan ku bar naftaada kana mid noqo tartamayaasha xaqiijinaya hadafkooda iyo himiladooda.

Hadaba si aad uga gungaadho hadafyada kala duwan ee noloshaada kusoo maraya waxaad u baahantahay tusaale naftaada ah oo aad ku xaqiijisay himilo aad gaadhay hadafkeedii. Barnaamijkan wuxuu noqon doono mid ka dhexeeya bulshada Soomaaliyeed ee jecel inay naftooda guul u horseedaan, taasoo mustaqbalka u noqota arrin ay ka shiidaal qaataan.

Muxuu Barnaamjku ku saabsanyahay?

Barnaamijkan wuxuu ku saabsanyahay taxadi iyo carin naftaada ah, adigoo qaadanaya go’aa nraganimo ood kaga midho dhalinayso hadafka barnaamijkan. Barnaamijkanqeybtiisa 2 aad, wuxuu  socon doonaa mudo toban casho ah, adigoo kaga qaybqaadanaya inaad si joogta ah ula timaado cibaadooyinka iyo khayrka looga baahanyahay ruuxa muslimka ah inuu uguto si maalinle ah.

  1. Akhrinta Hal Juz oo Quraanka Kariimka ah. 
  2. Akhrinta adkaarta galinka hore iyo galinka danbe, adigoo ka dheehanaya kitaabka xusunul muslimka ama ka akhrisan doona boggan Gaaldiid.
  3. Salaadaha waajibka ah oo waqtigeeda lagu tukado.
  4. Sunooyinka Rawaatibka ee ka horeeya ama ka danbeeya salaadaha faralka ah. 
  5. Balwad hadii aad leedahay inaad joojiso 
  6. Laba maalmood waa inaad soomtaa.
  7. Jimicsiga xaga jidhka ah ayadoo ninka looga baahanyahay inuu ordo maalintii 15-30 daqiiqadood, halka haweenayduna ay kala dooranaya sadex jimicsi oo kala ah: Xadhig ay gurigooda dhigtaan oo ay ku jimicsadaan, inay maalintii mudo kooban socdaan oo ay adeegoda ayagu doontaan ama shaqada guriga oo ay ka dhigtaan jimicsi.
  8. Sadaqo 10 dollar oo lagu soo dirayo akoon loogu talo galay afurinta dadka sooman

 

          

Shuruudaha ka qaybgalka barnaamika Go’aanqaadsho:

  • Hadii aanad diyaar u ahayn inaad kasoo baxdo shuruudaha barnaamijka, fadalan haka soo qaybgalin.
  • Waa inaad habeenkasta bixisaa Report, aad ka war bixisaa inaad la timimd hawshii lagaa rabay.
  • Waa inaad haystaa Smart Phone leh whatsup, sidoo kalena aad soo wici kartaa hawlwadeenka si aad Reprotka u bixiso.
  • Hadii laga waayo Reportka mudo laba maalmood waxaad waayeysaa xubinimadaada.
  • Baranaamijka Go’aanqaadasho wuxuu yeelan doonaa Whatsup Group halkaas oo ay ka qaybqaadayaasho ku kulmi doonaan ayagoo is dhaafsanaya macluumaad iyo dhiirigalinba.
  • Cidii ku guulaysata Barnaamijkan Go’aanqaadasho wuxuu heli doonaa Shahaado sharaf iyo Shan daqiiqadood oo uu dadka la wadaagi doonaa dareenkiisa iyo guusha uu gaadhay, iyo siduu uga midho dhaliyey, sidoo kalena ayadoo qoraal ahna waad la wadaagi doontaa dadka.
  • Barnaamijku waa Free mana ah mid lacag iyo kharash kasoo galayo Hawlwadeenka, ee kaliya waa in Umada lagu dhiiri galiyo inay noloshooda go’aan qaadan karaan.

Sidee uga qaybgalaa?

Hadii aad xiisaynayso inaad ka qaybgasho oodna kasoo baxayso shuruudahaas, waxaad lasoo xidhiidhaa hawlwadeenka Barnaamijkan Abdulaziz Mohamed Oogle, adigoo kala xidhiidhaya:

  1. Telefoon: 0046760552713 (WhatsUp, Viber iyo Imo)
  2. Email: oogleabadle@hotmail.com
  3. Facebook Page: Gaaldiid 

Yaa ka qaybgalaya?

Cid kasta oo diyaar u ah inay nolosheeda wax ka badasho, una horseedo guul nafteeda Aduun iyo Aakhiraba.

Goorma ayuu bilaabmayaa?

Wuxuu bilaabmayaa 20 bisha April isagoo barnaamijkani socondoona 10 maalmood.