Xadiiska 67 aad

 حَدَّثَنَا مُسَدَّدٌ، قَالَ حَدَّثَنَا بِشْرٌ، قَالَ حَدَّثَنَا ابْنُ عَوْنٍ، عَنِ ابْنِ سِيرِينَ، عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي بَكْرَةَ، عَنْ أَبِيهِ، ذَكَرَ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم قَعَدَ عَلَى بَعِيرِهِ، وَأَمْسَكَ إِنْسَانٌ بِخِطَامِهِ ـ أَوْ بِزِمَامِهِ ـ قَالَ ‏”‏ أَىُّ يَوْمٍ هَذَا ‏”‏‏.‏ فَسَكَتْنَا حَتَّى ظَنَنَّا أَنَّهُ سَيُسَمِّيهِ سِوَى اسْمِهِ‏.‏ قَالَ ‏”‏ أَلَيْسَ يَوْمَ النَّحْرِ ‏”‏‏.‏ قُلْنَا بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَأَىُّ شَهْرٍ هَذَا ‏”‏‏.‏ فَسَكَتْنَا حَتَّى ظَنَنَّا أَنَّهُ سَيُسَمِّيهِ بِغَيْرِ اسْمِهِ‏.‏ فَقَالَ ‏”‏ أَلَيْسَ بِذِي الْحِجَّةِ ‏”‏‏.‏ قُلْنَا بَلَى‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَإِنَّ دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ وَأَعْرَاضَكُمْ بَيْنَكُمْ حَرَامٌ كَحُرْمَةِ يَوْمِكُمْ هَذَا، فِي شَهْرِكُمْ هَذَا، فِي بَلَدِكُمْ هَذَا‏.‏ لِيُبَلِّغِ الشَّاهِدُ الْغَائِبَ، فَإِنَّ الشَّاهِدَ عَسَى أَنْ يُبَلِّغَ مَنْ هُوَ أَوْعَى لَهُ مِنْهُ 

Cabdiraxmaan ibnu Abi Bakrah waxa uu ka wariyey aabihii: Mar uu Nabigu (N.N.K.H) uu saaranyahay hashiisa, uuna qof qabtay faruuryo xidhka hashiisa, ama hogaankiisa ayuu dhahay: Maanta waa maalinma? Way aamuseen illamaayo aan u malaynay inuu magac aan kiisa ahayn u bixinayo, waxa uu dhahay: Miyaanay ahayn maalintii gawraca (xoolaha la gawrici jiray) waxaan nidhi: Haa. Waxa uu dhahay: Bishanina waa tee? Waan aamusnay illamaayo aan u malaynay inuu magac aan teeda ahayn inuu u bixinayo. Waxa uu dhahay: Miyaanad Dulxaj ahayn? Waxaan nidhi: Haa. Waxa uu dhahay: Dhiigiina, Xoolihiina (oo la dhaco), Sharaftiina (oo wax la yeelo) dhexdiina xaaraan ayey ka tahay sida xurmada maalintiinan, bishiinan iyo xurmada baladkiinan, ha gaadhsiiyo kiina joogaa ka maqan, ku jooga waxa laga yaabaa inuu gaadhsiiyo mid uga fahan dhow.