Xadiiska 17 aad

 حَدَّثَنَا أَبُو الوَلِيدِ ، قَالَ : حَدَّثَنَا شُعْبَةُ ، قَالَ : أَخْبَرَنِي عَبْدُ اللَّهِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ جَبْرٍ ، قَالَ : سَمِعْتُ أَنَسًا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : آيَةُ الإِيمَانِ حُبُّ الأَنْصَارِ ، وَآيَةُ النِّفَاقِ بُغْضُ الأَنْصَارِ

Anas ibnu Maalik (I.R.H) waxa uu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi: Calaamada Iimaanku waa in la jeclaado Ansaarta, Calaamada Munaafiqnimaduna waa in loo caroodo Ansaarta.

 

Xadiiska 18 aad

حَدَّثَنَا أَبُو اليَمَانِ ، قَالَ : أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ ، عَنِ الزُّهْرِيِّ ، قَالَ : أَخْبَرَنِي أَبُو إِدْرِيسَ عَائِذُ اللَّهِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ ، أَنَّ عُبَادَةَ بْنَ الصَّامِتِ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ وَكَانَ شَهِدَ بَدْرًا وَهُوَ أَحَدُ النُّقَبَاءِ لَيْلَةَ العَقَبَةِ : أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ ، وَحَوْلَهُ عِصَابَةٌ مِنْ أَصْحَابِهِ : بَايِعُونِي عَلَى أَنْ لاَ تُشْرِكُوا بِاللَّهِ شَيْئًا ، وَلاَ تَسْرِقُوا ، وَلاَ تَزْنُوا ، وَلاَ تَقْتُلُوا أَوْلاَدَكُمْ ، وَلاَ تَأْتُوا بِبُهْتَانٍ تَفْتَرُونَهُ بَيْنَ أَيْدِيكُمْ وَأَرْجُلِكُمْ ، وَلاَ تَعْصُوا فِي مَعْرُوفٍ ، فَمَنْ وَفَى مِنْكُمْ فَأَجْرُهُ عَلَى اللَّهِ ، وَمَنْ أَصَابَ مِنْ ذَلِكَ شَيْئًا فَعُوقِبَ فِي الدُّنْيَا فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ ، وَمَنْ أَصَابَ مِنْ ذَلِكَ شَيْئًا ثُمَّ سَتَرَهُ اللَّهُ فَهُوَ إِلَى اللَّهِ ، إِنْ شَاءَ عَفَا عَنْهُ وَإِنْ شَاءَ عَاقَبَهُ فَبَايَعْنَاهُ عَلَى ذَلِكَ

Cibaada ibnu Saamit (I.R.H) wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar oo kana mid ahaa xubnihii (heshiiska Nabiga la galay) habeenkii Caqaba inuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu dhahay, isagoo koox Ansaarta ah joogaan hareertiisa: Igula ballantama inaydaan Ilaahay cidna la wadaajinay (cibaadadiisa), aydaan xaday, aydaan sinaysanayn, aydaan dilayn ubadkiina, aydaan la imanayn been abuurad aad ku been abuurataan labadiina gacmood iyo lugood dhexdooda iyo inaydaan wanaag igu diidayn, Ruuxii oofiya wuxuu abaalkiisa ku kor leeyahay Allah, ruuxiisa ku dhaca arrimahaas mid kamid ah oo lagu ciqaabo (xadka lagu fuliyo) aduunyada waxay u tahay kafaaro gud, ruuxiisa ku dhaca arrimahaas oo Ilaahay asturo wuxuu u ahaan Allaah, haduu doono (Ilaahay) wuu iska cafin, haduu doonana wuu ciqaabi, sidaasbaanan kula ballanay.

Fiiro gaar: Arrimahaas uu nabigu tilmaamay kuma jiro Shirkigu, sababtoo ah Ilaahay dhamaan danbiyada wuu dhaafa ama ku caddibaa adoomihiisa laakiin danbiga shirkigu wuxuu keensadaa inuu ruuxu ku waaro cadaabta Ilaahaybaan ka magan galnee.