Xadiiska 52 aad

حَدَّثَنَا أَبُو نُعَيْمٍ ، حَدَّثَنَا زَكَرِيَّاءُ ، عَنْ عَامِرٍ ، قَالَ : سَمِعْتُ النُّعْمَانَ بْنَ بَشِيرٍ ، يَقُولُ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : الحَلاَلُ بَيِّنٌ ، وَالحَرَامُ بَيِّنٌ ، وَبَيْنَهُمَا مُشَبَّهَاتٌ لاَ يَعْلَمُهَا كَثِيرٌ مِنَ النَّاسِ ، فَمَنِ اتَّقَى المُشَبَّهَاتِ اسْتَبْرَأَ لِدِينِهِ وَعِرْضِهِ ، وَمَنْ وَقَعَ فِي الشُّبُهَاتِ : كَرَاعٍ يَرْعَى حَوْلَ الحِمَى ، يُوشِكُ أَنْ يُوَاقِعَهُ ، أَلاَ وَإِنَّ لِكُلِّ مَلِكٍ حِمًى ، أَلاَ إِنَّ حِمَى اللَّهِ فِي أَرْضِهِ مَحَارِمُهُ ، أَلاَ وَإِنَّ فِي الجَسَدِ مُضْغَةً : إِذَا صَلَحَتْ صَلَحَ الجَسَدُ كُلُّهُ ، وَإِذَا فَسَدَتْ فَسَدَ الجَسَدُ كُلُّهُ ، أَلاَ وَهِيَ القَلْبُ

Nucmaan ibnu Bashiir waxa uu dhahay: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) oo leh: Xalaashu way cadahay, xaaraantuna way cadahay, waxaana udhaxeeya ismoodsiis, oo aan dadka badankood ogayn, cidii ka dhawrsata ismoosiiska way u nabad gashay diintiisa iyo sharaftiisuba, cidii ku dhaca ismoodsiiskaas waa sida adhijire ku raacaya meel udhaw (xima) meel aan loo dhowaan, wuxuuna ku dhawyahay inuu ku dhaco, Hooyaay, boqorkastaa waxa uu leeyahay meel aan loo dhowaan, waxyaalaha aan loo dhowaan ee Ilaahay dhulka ku leeyahay waa wuxuu xarrimay, Hooyaay, waxa Jidhka ku jirta xubin, haday hagaagto jirka oo dhan wuu hagaagi, haday xumaatana jirka oo dhan way xumaan, (xubintaasina) waa Qalbiga.