Xadiiska 53 aad

 حَدَّثَنَا عَلِيُّ بْنُ الجَعْدِ ، قَالَ : أَخْبَرَنَا شُعْبَةُ ، عَنْ أَبِي جَمْرَةَ ، قَالَ : كُنْتُ أَقْعُدُ مَعَ ابْنِ عَبَّاسٍ يُجْلِسُنِي عَلَى سَرِيرِهِ فَقَالَ : أَقِمْ عِنْدِي حَتَّى أَجْعَلَ لَكَ سَهْمًا مِنْ مَالِي فَأَقَمْتُ مَعَهُ شَهْرَيْنِ ، ثُمَّ قَالَ : إِنَّ وَفْدَ عَبْدِ القَيْسِ لَمَّا أَتَوُا النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : مَنِ القَوْمُ ؟ – أَوْ مَنِ الوَفْدُ ؟ – قَالُوا : رَبِيعَةُ . قَالَ : مَرْحَبًا بِالقَوْمِ ، أَوْ بِالوَفْدِ ، غَيْرَ خَزَايَا وَلاَ نَدَامَى ، فَقَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنَّا لاَ نَسْتَطِيعُ أَنْ نَأْتِيكَ إِلَّا فِي الشَّهْرِ الحَرَامِ ، وَبَيْنَنَا وَبَيْنَكَ هَذَا الحَيُّ مِنْ كُفَّارِ مُضَرَ ، فَمُرْنَا بِأَمْرٍ فَصْلٍ ، نُخْبِرْ بِهِ مَنْ وَرَاءَنَا ، وَنَدْخُلْ بِهِ الجَنَّةَ ، وَسَأَلُوهُ عَنِ الأَشْرِبَةِ : فَأَمَرَهُمْ بِأَرْبَعٍ ، وَنَهَاهُمْ عَنْ أَرْبَعٍ ، أَمَرَهُمْ : بِالإِيمَانِ بِاللَّهِ وَحْدَهُ ، قَالَ : أَتَدْرُونَ مَا الإِيمَانُ بِاللَّهِ وَحْدَهُ قَالُوا : اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ ، قَالَ : شَهَادَةُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ ، وَإِقَامُ الصَّلاَةِ ، وَإِيتَاءُ الزَّكَاةِ ، وَصِيَامُ رَمَضَانَ ، وَأَنْ تُعْطُوا مِنَ المَغْنَمِ الخُمُسَ. وَنَهَاهُمْ عَنْ أَرْبَعٍ : عَنِ الحَنْتَمِ وَالدُّبَّاءِ (ينقع) فيه التمر ويلقى عليه الماء ليصير نبيذا وشرابا مسكرا> وَالنَّقِيرِ وَالمُزَفَّتِ ، وَرُبَّمَا قَالَ : المُقَيَّرِ وَقَالَ : احْفَظُوهُنَّ وَأَخْبِرُوا بِهِنَّ مَنْ وَرَاءَكُمْ

Ibnu Cabbaas waxa uu yidhi: Wafdigii reer Cabdi Qays markay u yimaadeen Nabiga (N.N.K.H) wuxuu dhahay: Qoomku waayo? Ama wafdigu waayo? Waxay dhaheen Rabiica. Wuxuu dhahay: Qoomyahaw soo dhowaada ama wafdiyahaw, idinkoo hoogayn aan shallaynayna, waxayna dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, annagu ma awoodi karayno inaan kuu nimaadno Bilaha Xurumka ah (Dul-qicda, Dul-Xaj, Muxarram iyo Rajab) mooyee, labadeena dhexdeenana waxa ah qolodan gaalada Reer Mudar, ee nafar amar cad, aan uga warramno cida naga danbeysa, oon Jannadana ku galno, waxayna waydiiyeen cabitaanada: Wuxuu faray Afar, afarna waa ka reebay, wuxuu faray: Inay Ilaahay kalinimo u rumeeyaan, wuxuu dhahay: Ma garanaysaan in Ilaahay kalinimo loo rumeeyo, waxay dhaheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisa garanay, wuxuu dhahay: Waa in la qiro in Ilaahay kali yahay, Muxamadna yahay Rasuulkiisa, Salaadana la oogo, Sakadana la bixiyo, Bisha Ramadaana la soomo iyo inaad qaniimadana ka bixisaan Shan meelood meel, wuxuuna ka reebay Afar: Xantami (Weel wayn oo laga sameeyo dhoobo, laguna subko midab doogo ah laguna shubo Cabitaanka si ay khamro u noqoto), Dubbaa’ (Weel Timir lagu rito kadibna biyo lagu daro si loo khamiiriyo), Naqiira iyo Muzafatka (weel la laamiyeeyey).