Xadiiska 40 aad

 حَدَّثَنَا عَمْرُو بْنُ خَالِدٍ ، قَالَ : حَدَّثَنَا زُهَيْرٌ ، قَالَ : حَدَّثَنَا أَبُو إِسْحَاقَ ، عَنِ البَرَاءِ بْنِ عَازِبٍ ، أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ أَوَّلَ مَا قَدِمَ المَدِينَةَ نَزَلَ عَلَى أَجْدَادِهِ ، أَوْ قَالَ أَخْوَالِهِ مِنَ الأَنْصَارِ ، وَأَنَّهُ صَلَّى قِبَلَ بَيْتِ المَقْدِسِ سِتَّةَ عَشَرَ شَهْرًا ، أَوْ سَبْعَةَ عَشَرَ شَهْرًا ، وَكَانَ يُعْجِبُهُ أَنْ تَكُونَ قِبْلَتُهُ قِبَلَ البَيْتِ ، وَأَنَّهُ صَلَّى أَوَّلَ صَلاَةٍ صَلَّاهَا صَلاَةَ العَصْرِ ، وَصَلَّى مَعَهُ قَوْمٌ فَخَرَجَ رَجُلٌ مِمَّنْ صَلَّى مَعَهُ ، فَمَرَّ عَلَى أَهْلِ مَسْجِدٍ وَهُمْ رَاكِعُونَ ، فَقَالَ : أَشْهَدُ بِاللَّهِ لَقَدْ صَلَّيْتُ مَعَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قِبَلَ مَكَّةَ ، فَدَارُوا كَمَا هُمْ قِبَلَ البَيْتِ ، وَكَانَتِ اليَهُودُ قَدْ أَعْجَبَهُمْ إِذْ كَانَ يُصَلِّي قِبَلَ بَيْتِ المَقْدِسِ ، وَأَهْلُ الكِتَابِ ، فَلَمَّا وَلَّى وَجْهَهُ قِبَلَ البَيْتِ ، أَنْكَرُوا ذَلِكَ . قَالَ زُهَيْرٌ : حَدَّثَنَا أَبُو إِسْحَاقَ ، عَنِ البَرَاءِ فِي حَدِيثِهِ هَذَا : أَنَّهُ مَاتَ عَلَى القِبْلَةِ قَبْلَ أَنْ تُحَوَّلَ رِجَالٌ وَقُتِلُوا ، فَلَمْ نَدْرِ مَا نَقُولُ فِيهِمْ ، فَأَنْزَلَ اللَّهُ تَعَالَى : { وَمَا كَانَ اللَّهُ لِيُضِيعَ إِيمَانَكُمْ 

Baraa ibnu Caazib waxa laga wariyey in Nabigu (N.N.K.H) inuu ahaa markii koowaad ee uu yimid Madiina mid ku daga awoowyadii, ama waxa uu dhahay abtiyaashii reer Ansaar, wuxuuna u tukaday qiblo ahaan dhanka Masaajidka Qudus lix iyo toban bilood ama todoba iyo toban bilood, waxaanu jeclaa in qibladiisu ahaato dhanka Baytka (Xaramka), isaguna wuxuu u tukaday salaadii ugu horeysay (ee uu utukado dhanka Baytka Xaramka) Salaad Casar, waxaana la tukaday qoom, waxaana baxay nin ka mid ah kuwii la tukaday, wuxuuna soo maray dad Masjid (ku tukanaya) ayagoo rukuucsan, wuxuuna yidhi: Waxaan u qiryaa Ilaahay (ku dhaaranayaa) inaan la tukaday Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) dhanka qiblada Makkah, waxayna u jeesteen ayagoo sidoodii ah qiblada Makkah, Yahuuduna waxay ahaayeen kuwo ay cajabgaliso markuu u tukanayey qiblada Masaajidka Qudus iyo Ehlu kitaabkaba, markuu u jeediyey wajigiisa Qiblada Masjidka (xaramka), way naceen.