Xadiiska 89 aad

حَدَّثَنَا أَبُو الْيَمَانِ، أَخْبَرَنَا شُعَيْبٌ، عَنِ الزُّهْرِيِّ، ح قَالَ أَبُو عَبْدِ اللَّهِ وَقَالَ ابْنُ وَهْبٍ أَخْبَرَنَا يُونُسُ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ عُبَيْدِ اللَّهِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ أَبِي ثَوْرٍ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَبَّاسٍ، عَنْ عُمَرَ، قَالَ كُنْتُ أَنَا وَجَارٌ، لِي مِنَ الأَنْصَارِ فِي بَنِي أُمَيَّةَ بْنِ زَيْدٍ، وَهْىَ مِنْ عَوَالِي الْمَدِينَةِ، وَكُنَّا نَتَنَاوَبُ النُّزُولَ عَلَى رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَنْزِلُ يَوْمًا وَأَنْزِلُ يَوْمًا، فَإِذَا نَزَلْتُ جِئْتُهُ بِخَبَرِ ذَلِكَ الْيَوْمِ مِنَ الْوَحْىِ وَغَيْرِهِ، وَإِذَا نَزَلَ فَعَلَ مِثْلَ ذَلِكَ، فَنَزَلَ صَاحِبِي الأَنْصَارِيُّ يَوْمَ نَوْبَتِهِ، فَضَرَبَ بَابِي ضَرْبًا شَدِيدًا‏.‏ فَقَالَ أَثَمَّ هُوَ فَفَزِعْتُ فَخَرَجْتُ إِلَيْهِ فَقَالَ قَدْ حَدَثَ أَمْرٌ عَظِيمٌ‏.‏ قَالَ فَدَخَلْتُ عَلَى حَفْصَةَ فَإِذَا هِيَ تَبْكِي فَقُلْتُ طَلَّقَكُنَّ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَتْ لاَ أَدْرِي‏.‏ ثُمَّ دَخَلْتُ عَلَى النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم فَقُلْتُ وَأَنَا قَائِمٌ أَطَلَّقْتَ نِسَاءَكَ قَالَ ‏”‏ لاَ ‏”‏‏.‏ فَقُلْتُ اللَّهُ أَكْبَرُ‏

Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan ahaa aniga iyo jiiraankayga oo aha Ansaarta reer bani Umayyah ibnu Sayid oo deganaa Cawaa’il Madiina (Xaafad ka ag dhow Madiina) waxaana ku tartami jirnay (midkaayaba maalin u tagi jiray Nabiga) maalin ayuu u tagi jiray, aniguna maalin ayaa u tagi jiray oon ula iman jiray warka maalintaas ee waxyiga, haduu isgu tagana sidaas oo kale ayuu samayn jiray, maalin ayuu saaxibkaygii Ansaariga ahaa tagay maalintiisii, wuxuuna  xoog usoo garaacay albaabkay, yidhina ma joogaa? Waan argagaxay oon usoo baxay, wuxuuna dhahay: Arrin wayn ayaa dhacday! (Rasuulkii ayuu haweenkiisii furay) Waxaanan u galay Xafsa oo oynaysa, waxaanan idhi: Ma Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) ayaa idin furay? Waxay tidhi: ; ma garanayo. Markaasbaan u galay Nabiga (N.N.K.H) waxaanan ku idhi anigoo taagan: Ma furtay haweenkaagii? Wuxuu dhahay: “May” waxaan idhi:  Allahuakbar.