Xadiiska 124 aad

حَدَّثَنَا أَبُو نُعَيْمٍ، قَالَ حَدَّثَنَا عَبْدُ الْعَزِيزِ بْنُ أَبِي سَلَمَةَ، عَنِ الزُّهْرِيِّ، عَنْ عِيسَى بْنِ طَلْحَةَ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو، قَالَ رَأَيْتُ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم عِنْدَ الْجَمْرَةِ وَهُوَ يُسْأَلُ، فَقَالَ رَجُلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ نَحَرْتُ قَبْلَ أَنْ أَرْمِيَ‏.‏ قَالَ ‏”‏ ارْمِ وَلاَ حَرَجَ ‏”‏‏.‏ قَالَ آخَرُ يَا رَسُولَ اللَّهِ حَلَقْتُ قَبْلَ أَنْ أَنْحَرَ‏.‏ قَالَ ‏”‏ انْحَرْ وَلاَ حَرَجَ ‏”‏‏.‏ فَمَا سُئِلَ عَنْ شَىْءٍ قُدِّمَ وَلاَ أُخِّرَ إِلاَّ قَالَ افْعَلْ وَلاَ حَرَجَ 

Cabdillaahi ibnu Camrin waxa laga wariyey inuu yidhi: waxaan arkay Nabiga (N.N.K.H) oo jamarada (dhagax tuurka) ag jooga oo la waydiinayo, ninbaa yidhi: rasuulkii Ilaahayow, waan gawracay intaanan dhagax tuurin kahor, wuxuu yidhi: tuur dhib malahee. Nin kale ayaa yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, waxaan xiirtay kahor anigoon gawricin? Wuxuu yidhi: gawrac, dhib malahee. lama waydiinin arrin la hor mariyey ama la dabo mariyey wuxuu un lahaa samee dhib malahee.