Xadiiska 84 aad.

حَدَّثَنَا مُوسَى بْنُ إِسْمَاعِيلَ، قَالَ حَدَّثَنَا وُهَيْبٌ، قَالَ حَدَّثَنَا أَيُّوبُ، عَنْ عِكْرِمَةَ، عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ، أَنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم سُئِلَ فِي حَجَّتِهِ فَقَالَ ذَبَحْتُ قَبْلَ أَنْ أَرْمِيَ، فَأَوْمَأَ بِيَدِهِ قَالَ وَلاَ حَرَجَ‏.‏ قَالَ حَلَقْتُ قَبْلَ أَنْ أَذْبَحَ‏.‏ فَأَوْمَأَ بِيَدِهِ وَلاَ حَرَجَ‏‏

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in Nabigu (N.N.K.H) la waydiiyey Xajkiisii (sagootinta), waan gawracay kahor intaanan Tuurin (jamaraatka) gacanta ayuu taagay (u ogolaaday) dhahayna: dhib malaha. Waxa kale oo la waydiiyey; Waan xiirtay intaanan gawracin kahor. Gacanta ayuu taagay (dhahayna) dhib malaha.

 

Xadiiska 85 aad

حَدَّثَنَا الْمَكِّيُّ بْنُ إِبْرَاهِيمَ، قَالَ أَخْبَرَنَا حَنْظَلَةُ بْنُ أَبِي سُفْيَانَ، عَنْ سَالِمٍ، قَالَ سَمِعْتُ أَبَا هُرَيْرَةَ، عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ يُقْبَضُ الْعِلْمُ، وَيَظْهَرُ الْجَهْلُ وَالْفِتَنُ، وَيَكْثُرُ الْهَرْجُ ‏”‏‏.‏ قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَا الْهَرْجُ فَقَالَ هَكَذَا بِيَدِهِ، فَحَرَّفَهَا، كَأَنَّهُ يُرِيدُ الْقَتْلَ

Abu Hurayra wuxuu Nabiga (N.N.K.H) ka wariyey inuu yidhi: Cilmiga ayaa la qaban, Jahliga iyo fitnaduna wuu muuqandoona, waxaana badan doona Harjiga. Waxa lagu yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow waa maxay Harjigu? Waxa uu dhahay: gacantiisa ayuu taagay, waana dhaqaajiyey, ayadoo lamoodo inuu uga jeedo Dilka.

 

Xadiiska 86 aad

حَدَّثَنَا مُوسَى بْنُ إِسْمَاعِيلَ، قَالَ حَدَّثَنَا وُهَيْبٌ، قَالَ حَدَّثَنَا هِشَامٌ، عَنْ فَاطِمَةَ، عَنْ أَسْمَاءَ، قَالَتْ أَتَيْتُ عَائِشَةَ وَهِيَ تُصَلِّي فَقُلْتُ مَا شَأْنُ النَّاسِ فَأَشَارَتْ إِلَى السَّمَاءِ، فَإِذَا النَّاسُ قِيَامٌ، فَقَالَتْ سُبْحَانَ اللَّهِ‏.‏ قُلْتُ آيَةٌ فَأَشَارَتْ بِرَأْسِهَا، أَىْ نَعَمْ، فَقُمْتُ حَتَّى تَجَلاَّنِي الْغَشْىُ، فَجَعَلْتُ أَصُبُّ عَلَى رَأْسِي الْمَاءَ، فَحَمِدَ اللَّهَ عَزَّ وَجَلَّ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم وَأَثْنَى عَلَيْهِ، ثُمَّ قَالَ ‏”‏ مَا مِنْ شَىْءٍ لَمْ أَكُنْ أُرِيتُهُ إِلاَّ رَأَيْتُهُ فِي مَقَامِي حَتَّى الْجَنَّةَ وَالنَّارَ، فَأُوحِيَ إِلَىَّ أَنَّكُمْ تُفْتَنُونَ فِي قُبُورِكُمْ، مِثْلَ ـ أَوْ قَرِيبًا لاَ أَدْرِي أَىَّ ذَلِكَ قَالَتْ أَسْمَاءُ ـ مِنْ فِتْنَةِ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ، يُقَالُ مَا عِلْمُكَ بِهَذَا الرَّجُلِ فَأَمَّا الْمُؤْمِنُ ـ أَوِ الْمُوقِنُ لاَ أَدْرِي بِأَيِّهِمَا قَالَتْ أَسْمَاءُ ـ فَيَقُولُ هُوَ مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ جَاءَنَا بِالْبَيِّنَاتِ وَالْهُدَى، فَأَجَبْنَا وَاتَّبَعْنَا، هُوَ مُحَمَّدٌ‏.‏ ثَلاَثًا، فَيُقَالُ نَمْ صَالِحًا، قَدْ عَلِمْنَا إِنْ كُنْتَ لَمُوقِنًا بِهِ، وَأَمَّا الْمُنَافِقُ ـ أَوِ الْمُرْتَابُ لاَ أَدْرِي أَىَّ ذَلِكَ قَالَتْ أَسْمَاءُ ـ فَيَقُولُ لاَ أَدْرِي، سَمِعْتُ النَّاسَ يَقُولُونَ شَيْئًا فَقُلْتُهُ 

Asmaa bintu Abubakar (I.R.H) waxa laga wariyey inay tidhi: waxaan u tagtay Caa’sha aydoo tukanaysa, waxaanan idhi: Maxaa jira (oo dadku la tukanayaan)? Waxay gacanta ku fiiqday Cirka, mise dadku way tukanayaan, waxayna tidhi: SubxaanaAllah, waxaan idhi: Ma calaamadbaa (Qorax madoobaad)? Madaxa ayay ku ishaartay Haa. Waan istaagay (tukaday) illamaayo uu iga xoog batay wareerku, waxaan yeelay inaan madaxayga biyo ku shubo, waxaanu Mahadiyey Ilaahay Nabigu (N.N.K.H) waanu amaanay, markaasuu dhahay: Majiro arrin aan la itusinin (haduuse jiraba) waa la igu tusiyey booskan, xitaa Jannadii Iyo Naartii, waxaana la ii waxyooday in la idinku imtixaami doono Qabriyadiina, sida fitnada Dijaal cawar oo kel – ama u dhow, (ma garanayo ayey tidhi Asmaa’ ) waxa la waydiinayaa: Ma garanaysaa Ninkan? Ruuxa Mu’minka ah am aka rumaysan (ma garanayo kay tidhi Asma) wuxuu dhahayaa: Waa Muxamed Rasuulkii Ilaahay, wuxuu noola yimid cadaymo iyo hanuun, waan ajiibnay oo raacnay, waa Muxamed ayuu dhahayaa sadex jeer. Waxa la dhahayaa: Seexo adigoo wanaagsan, waan ogayn inaad rumaysnayd. Ruuxa Munaafiqa ama shakigu ku jiro (ma garanayo kay tidhi Asma) wuxuu dhahayaa: Ma garanayo, waxaan maqlay dadka oo wax dhahaya waanan idhi.