Xadiiska 99 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ الْعَزِيزِ بْنُ عَبْدِ اللَّهِ، قَالَ حَدَّثَنِي سُلَيْمَانُ، عَنْ عَمْرِو بْنِ أَبِي عَمْرٍو، عَنْ سَعِيدِ بْنِ أَبِي سَعِيدٍ الْمَقْبُرِيِّ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، أَنَّهُ قَالَ قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ، مَنْ أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِكَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ لَقَدْ ظَنَنْتُ يَا أَبَا هُرَيْرَةَ أَنْ لاَ يَسْأَلَنِي عَنْ هَذَا الْحَدِيثِ أَحَدٌ أَوَّلُ مِنْكَ، لِمَا رَأَيْتُ مِنْ حِرْصِكَ عَلَى الْحَدِيثِ، أَسْعَدُ النَّاسِ بِشَفَاعَتِي يَوْمَ الْقِيَامَةِ مَنْ قَالَ لاَ إِلَهَ إِلاَّ اللَّهُ، خَالِصًا مِنْ قَلْبِهِ أَوْ نَفْسِهِ

Abu Hurayra waxa uu dhahay: waxa la yidhi Rasuulkii Ilaahayow, waa kuma ka ugu liibaan badan shafaacadaada maalinta qayaame, wuxuu yidhi Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): waxaan filayey Abu Hurayroow inaan warkan cid adiga kaa horeysaa I waydiinayn, waxaan kugu arkay ee dedaalka xadiiskan, “ka ugu liibaan badan shafeecadayda maalinta qayaame waa kan yidhi; Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaahay mooyee, oo ay qalbigiisa ama naftiisa kasoo go’day.”