Xadiiska 122 aad

حَدَّثَنَا عَبْدُ اللَّهِ بْنُ مُحَمَّدٍ، قَالَ حَدَّثَنَا سُفْيَانُ، قَالَ حَدَّثَنَا عَمْرٌو، قَالَ أَخْبَرَنِي سَعِيدُ بْنُ جُبَيْرٍ، قَالَ قُلْتُ لاِبْنِ عَبَّاسٍ إِنَّ نَوْفًا الْبِكَالِيَّ يَزْعُمُ أَنَّ مُوسَى لَيْسَ بِمُوسَى بَنِي إِسْرَائِيلَ، إِنَّمَا هُوَ مُوسَى آخَرُ‏.‏ فَقَالَ كَذَبَ عَدُوُّ اللَّهِ، حَدَّثَنَا أُبَىُّ بْنُ كَعْبٍ عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ قَامَ مُوسَى النَّبِيُّ خَطِيبًا فِي بَنِي إِسْرَائِيلَ، فَسُئِلَ أَىُّ النَّاسِ أَعْلَمُ فَقَالَ أَنَا أَعْلَمُ‏.‏ فَعَتَبَ اللَّهُ عَلَيْهِ، إِذْ لَمْ يَرُدَّ الْعِلْمَ إِلَيْهِ، فَأَوْحَى اللَّهُ إِلَيْهِ أَنَّ عَبْدًا مِنْ عِبَادِي بِمَجْمَعِ الْبَحْرَيْنِ هُوَ أَعْلَمُ مِنْكَ‏.‏ قَالَ يَا رَبِّ وَكَيْفَ بِهِ فَقِيلَ لَهُ احْمِلْ حُوتًا فِي مِكْتَلٍ فَإِذَا فَقَدْتَهُ فَهْوَ ثَمَّ، فَانْطَلَقَ وَانْطَلَقَ بِفَتَاهُ يُوشَعَ بْنِ نُونٍ، وَحَمَلاَ حُوتًا فِي مِكْتَلٍ، حَتَّى كَانَا عِنْدَ الصَّخْرَةِ وَضَعَا رُءُوسَهُمَا وَنَامَا فَانْسَلَّ الْحُوتُ مِنَ الْمِكْتَلِ فَاتَّخَذَ سَبِيلَهُ فِي الْبَحْرِ سَرَبًا، وَكَانَ لِمُوسَى وَفَتَاهُ عَجَبًا، فَانْطَلَقَا بَقِيَّةَ لَيْلَتِهِمَا وَيَوْمِهِمَا فَلَمَّا أَصْبَحَ قَالَ مُوسَى لِفَتَاهُ آتِنَا غَدَاءَنَا، لَقَدْ لَقِينَا مِنْ سَفَرِنَا هَذَا نَصَبًا، وَلَمْ يَجِدْ مُوسَى مَسًّا مِنَ النَّصَبِ حَتَّى جَاوَزَ الْمَكَانَ الَّذِي أُمِرَ بِهِ‏.‏ فَقَالَ لَهُ فَتَاهُ أَرَأَيْتَ إِذْ أَوَيْنَا إِلَى الصَّخْرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ الْحُوتَ، قَالَ مُوسَى ذَلِكَ مَا كُنَّا نَبْغِي، فَارْتَدَّا عَلَى آثَارِهِمَا قَصَصًا، فَلَمَّا انْتَهَيَا إِلَى الصَّخْرَةِ إِذَا رَجُلٌ مُسَجًّى بِثَوْبٍ ـ أَوْ قَالَ تَسَجَّى بِثَوْبِهِ ـ فَسَلَّمَ مُوسَى‏.‏ فَقَالَ الْخَضِرُ وَأَنَّى بِأَرْضِكَ السَّلاَمُ فَقَالَ أَنَا مُوسَى‏.‏ فَقَالَ مُوسَى بَنِي إِسْرَائِيلَ قَالَ نَعَمْ‏.‏ قَالَ هَلْ أَتَّبِعُكَ عَلَى أَنْ تُعَلِّمَنِي مِمَّا عُلِّمْتَ رَشَدًا قَالَ إِنَّكَ لَنْ تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا، يَا مُوسَى إِنِّي عَلَى عِلْمٍ مِنْ عِلْمِ اللَّهِ عَلَّمَنِيهِ لاَ تَعْلَمُهُ أَنْتَ، وَأَنْتَ عَلَى عِلْمٍ عَلَّمَكَهُ لاَ أَعْلَمُهُ‏.‏ قَالَ سَتَجِدُنِي إِنْ شَاءَ اللَّهُ صَابِرًا، وَلاَ أَعْصِي لَكَ أَمْرًا، فَانْطَلَقَا يَمْشِيَانِ عَلَى سَاحِلِ الْبَحْرِ لَيْسَ لَهُمَا سَفِينَةٌ، فَمَرَّتْ بِهِمَا سَفِينَةٌ، فَكَلَّمُوهُمْ أَنْ يَحْمِلُوهُمَا، فَعُرِفَ الْخَضِرُ، فَحَمَلُوهُمَا بِغَيْرِ نَوْلٍ، فَجَاءَ عُصْفُورٌ فَوَقَعَ عَلَى حَرْفِ السَّفِينَةِ، فَنَقَرَ نَقْرَةً أَوْ نَقْرَتَيْنِ فِي الْبَحْرِ‏.‏ فَقَالَ الْخَضِرُ يَا مُوسَى، مَا نَقَصَ عِلْمِي وَعِلْمُكَ مِنْ عِلْمِ اللَّهِ إِلاَّ كَنَقْرَةِ هَذَا الْعُصْفُورِ فِي الْبَحْرِ‏.‏ فَعَمَدَ الْخَضِرُ إِلَى لَوْحٍ مِنْ أَلْوَاحِ السَّفِينَةِ فَنَزَعَهُ‏.‏ فَقَالَ مُوسَى قَوْمٌ حَمَلُونَا بِغَيْرِ نَوْلٍ، عَمَدْتَ إِلَى سَفِينَتِهِمْ فَخَرَقْتَهَا لِتُغْرِقَ أَهْلَهَا قَالَ أَلَمْ أَقُلْ إِنَّكَ لَنْ تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا قَالَ لاَ تُؤَاخِذْنِي بِمَا نَسِيتُ‏.‏ فَكَانَتِ الأُولَى مِنْ مُوسَى نِسْيَانًا‏.‏ فَانْطَلَقَا فَإِذَا غُلاَمٌ يَلْعَبُ مَعَ الْغِلْمَانِ، فَأَخَذَ الْخَضِرُ بِرَأْسِهِ مِنْ أَعْلاَهُ فَاقْتَلَعَ رَأْسَهُ بِيَدِهِ‏.‏ فَقَالَ مُوسَى أَقَتَلْتَ نَفْسًا زَكِيَّةً بِغَيْرِ نَفْسٍ قَالَ أَلَمْ أَقُلْ لَكَ إِنَّكَ لَنْ تَسْتَطِيعَ مَعِيَ صَبْرًا ـ قَالَ ابْنُ عُيَيْنَةَ وَهَذَا أَوْكَدُ ـ فَانْطَلَقَا حَتَّى إِذَا أَتَيَا أَهْلَ قَرْيَةٍ اسْتَطْعَمَا أَهْلَهَا، فَأَبَوْا أَنْ يُضَيِّفُوهُمَا، فَوَجَدَا فِيهَا جِدَارًا يُرِيدُ أَنْ يَنْقَضَّ فَأَقَامَهُ‏.‏ قَالَ الْخَضِرُ بِيَدِهِ فَأَقَامَهُ‏.‏ فَقَالَ لَهُ مُوسَى لَوْ شِئْتَ لاَتَّخَذْتَ عَلَيْهِ أَجْرًا‏.‏ قَالَ هَذَا فِرَاقُ بَيْنِي وَبَيْنِكَ ‏”‏‏.‏ قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ يَرْحَمُ اللَّهُ مُوسَى، لَوَدِدْنَا لَوْ صَبَرَ حَتَّى يُقَصَّ عَلَيْنَا مِنْ أَمْرِهِمَا 

 

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in Saciid ibnu Jubar ku dhahay: Noofa Al-Bikaali ‏wuxuu sheeganayaa in Muuse ahayn Muusihii reer banu Israa’iil, ee uu yahay Muuse kale, wuxuu yidhi: been buu sheegay cadawga Ilaahay, waxa noo warramay Ubbay ibnu Kacab in Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) yidhi: waxa istaagay Nabi Muuse isagoo u khudbaynaya reer bani Israa’iil, waxaana la waydiiyey: Dadka yaa ugu cilmi badan? Wuxuu yidhi: Anigaa ugu cilmi badan. Ilaahaybaan ku canaantay arrintaas maadaam aanu cilmiga isga u celin, markaasuu Ilaahay u waxyooday in adoon adoomadayda ka mid ah oo jooga meesha labada badood iskaga darmaan kaa cilmi badanyahay. Wuxuu yidhi Muuse: Sidee ku gaadhaa Rabbiyoow, waxa lagu yidhi: ku qaado kalluun salad (dhiil), markaas waydo ayuu jooga (halkaad ku waydo kalluunka ayaad ka heli), wuuna baxay lana baxay wiilkiisa Yuushac ibnu Nuun, wuxuuna kalluun ku qaatay sallad, illamaayo ay dhagax dul ahaayeen oo ay seexdeen, kalluunkiina waa ka siibtay salladii, wuxuuna jid god ah u samaystay xaga badda, waxayna Muuse iyo wiilkiisaba u ahayd mucjiso, wayna baxeen labo habeen iyo maalmood, markayse waabariisteen ayuu Muuse ku dhahay wiilkiisa: inoo keen cunto, safarkeenan dhib ayaan kala kulanee, Muusena wax dhib ah muusan dareemin markay dhaafeen meeshii la faray mooyee, wiilkiisii ayaa ku dhahay: ma garanaysaa dhagaxii aan ku hooyanay ayaan ilaawey kalluunkii, Muuse wuxuu yidhi: waa halkan rabnay. Waxyna dib usoo raad gureen raadkoodii ayagoo raacaya, markay gaadheen dhagaxii mise waa nin maro ku duuban, ama wuxuu yidhi; maradiisa isku duubay, markaasuu Muuse salaamay, Khadarna wuxuu yidhi: waa maxay salaanta dhulkan! Wuxuu yidhi: Anigu waxaan ahay Muuse, wuxuu yidhi Khadar: Muusihii reer banu Israa’iil, wuxuu yidhi: Haa, ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray ee hanuun ah, wuxuu yidhi Khadar: adigu ma karaysid samirka la jirkayga, muusow waxaan anigu haystaa cilmi Ilaahay i baray oo aanad adigu garanayn, adiguna waxaad haysataa cilmi lagu baray oo aanan garanayn. Wuxuu yidhi Muuse: InshaaAllah waxaad i heli ku samra, kugumana caasinayo arrin. wayna baxeen ayagoo soconaya xeebta badda ayagoon haysan doo, waxaana soo martay doon, wayna la hadleen inay qaadaan waxayna garteen Khadar, wayna qaadaan nool la’aan (bilaash), waxaana yimid shinbir istaagay doonta qarkeeda, wuxuuna afka ku qaatay badda mar ama laba jeer, markaasuu Khadar dhahay: Cilmigayga iyo cilmigaagu kamaysan dhimin cilmiga Ilaahay waxa shinbirkaasi badda ka qaatay mooyaane, khadarna wuxuu rujiyry loox kamid ah looxyadii dooonta, markaasuu Muuse dhahay: Qoom inagu soo qaaday nool la’aan ayaad loox ka rujisay doontoodii si aad u qarqiso (maanshayso) dadkeeda, wuxuu yidhi Khadar: miyaanan kugu dhihin adigu ma karaysid samirka la jirkayga, wuxu yidhi Muuse: ha ii qaban waxaan halmaamay, tii koowaad waxay Muuse ka ahayd ilowshiiyo. Wayna baxeen waxayna heleen wiil la ciyaaraya ciyaal kale, markaasuu Khadar madaxiisa korkiisa qabtay oo gacantiisa ku saaray madaxiisa, wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay Naf daahir oo aan naf kale dilin? wuxuu yidhi miyaanan kuu dhihin adigu ma karaysid la jirkayga samir. Ibnu Cuyayna wuxuu yidhi: tan ayaa kasii adag. way tageen intay ka yimaadaan magaalo oy warsadaan cunno dadkeeda wayna diideen inay martigaliyaan  waxayna heleen darbi soo dumaya markaasuu joojiyey Khadar, wuxuu yidhi: Khadar ayaa gacmihiisa ku joojiyey, markaasuu Muuse dhahay: hadaad rabto ujuuro ayaad ka yeelan lahayd? Wuxuu yidhi Khadar: waa kaas kala tageenii. Wuxuu yidhi Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) Ilaahay ha u naxariisto Muuse, waxaan jeclaan lahayn haduu samri lahaa in laynooga warramo arrinkoodii.