Xadiiska 79 aad

حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ الْعَلاَءِ، قَالَ حَدَّثَنَا حَمَّادُ بْنُ أُسَامَةَ، عَنْ بُرَيْدِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ، عَنْ أَبِي بُرْدَةَ، عَنْ أَبِي مُوسَى، عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ مَثَلُ مَا بَعَثَنِي اللَّهُ بِهِ مِنَ الْهُدَى وَالْعِلْمِ كَمَثَلِ الْغَيْثِ الْكَثِيرِ أَصَابَ أَرْضًا، فَكَانَ مِنْهَا نَقِيَّةٌ قَبِلَتِ الْمَاءَ، فَأَنْبَتَتِ الْكَلأَ وَالْعُشْبَ الْكَثِيرَ، وَكَانَتْ مِنْهَا أَجَادِبُ أَمْسَكَتِ الْمَاءَ، فَنَفَعَ اللَّهُ بِهَا النَّاسَ، فَشَرِبُوا وَسَقَوْا وَزَرَعُوا، وَأَصَابَتْ مِنْهَا طَائِفَةً أُخْرَى، إِنَّمَا هِيَ قِيعَانٌ لاَ تُمْسِكُ مَاءً، وَلاَ تُنْبِتُ كَلأً، فَذَلِكَ مَثَلُ مَنْ فَقِهَ فِي دِينِ اللَّهِ وَنَفَعَهُ مَا بَعَثَنِي اللَّهُ بِهِ، فَعَلِمَ وَعَلَّمَ، وَمَثَلُ مَنْ لَمْ يَرْفَعْ بِذَلِكَ رَأْسًا، وَلَمْ يَقْبَلْ هُدَى اللَّهِ الَّذِي أُرْسِلْتُ بِهِ ‏”‏‏.‏ قَالَ أَبُو عَبْدِ اللَّهِ قَالَ إِسْحَاقُ وَكَانَ مِنْهَا طَائِفَةٌ قَيَّلَتِ الْمَاءَ‏.‏ قَاعٌ يَعْلُوهُ الْمَاءُ، وَالصَّفْصَفُ الْمُسْتَوِي مِنَ الأَرْضِ‏ 

Abu Muusa Al-ashcari waxa laga wariyey inuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi: tusaalaha hanuunka iyo cilmiga Ilaahay iisoo bixiyey wuxuu u dhigmaa sida roob badan oo haleelay dhul, wax ka mid ahaa (dhulka) dhul nadiif ah oo qabatay biyaha soo bixisay daaqa iyo caws badan, waxa kale oo kamid ah (dhul) godgodan qabatay biyaha oo Ilaahay dadka ku anfacay, way cabeen, oo waraabiyee, kana beerteen, waxaana haleelay koox kale (dhul kale) waxaaba weeye Saxare aan biyo qabanayn, soona bixinayn daaq. Waa taas tusaalaha cida fahanta diinta Ilaahay uuna nafciyo waxa Ilaahay iisoo bixiyey, wuu bartay siina baray, iyo tusaalaha cida aan madaxaba kor ugu qaadin, aan ogolaanina hanuunka Ilaahay iisoo diray.