Xadiiska 59 aad

حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ سِنَانٍ، قَالَ حَدَّثَنَا فُلَيْحٌ، ح وَحَدَّثَنِي إِبْرَاهِيمُ بْنُ الْمُنْذِرِ، قَالَ حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ فُلَيْحٍ، قَالَ حَدَّثَنِي أَبِي قَالَ، حَدَّثَنِي هِلاَلُ بْنُ عَلِيٍّ، عَنْ عَطَاءِ بْنِ يَسَارٍ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، قَالَ بَيْنَمَا النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم فِي مَجْلِسٍ يُحَدِّثُ الْقَوْمَ جَاءَهُ أَعْرَابِيٌّ فَقَالَ مَتَى السَّاعَةُ فَمَضَى رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يُحَدِّثُ، فَقَالَ بَعْضُ الْقَوْمِ سَمِعَ مَا قَالَ، فَكَرِهَ مَا قَالَ، وَقَالَ بَعْضُهُمْ بَلْ لَمْ يَسْمَعْ، حَتَّى إِذَا قَضَى حَدِيثَهُ قَالَ ‏”‏ أَيْنَ ـ أُرَاهُ ـ السَّائِلُ عَنِ السَّاعَةِ ‏”‏‏.‏ قَالَ هَا أَنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ‏.‏ قَالَ ‏”‏ فَإِذَا ضُيِّعَتِ الأَمَانَةُ فَانْتَظِرِ السَّاعَةَ ‏”‏‏.‏ قَالَ كَيْفَ إِضَاعَتُهَا قَالَ ‏”‏ إِذَا وُسِّدَ الأَمْرُ إِلَى غَيْرِ أَهْلِهِ فَانْتَظِرِ السَّاعَةَ

Abu Hurayra (I.R.H) waxa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga (N.N.K.H) oo fadhiya gole una sheekaynaya qoomka ayaa waxa u yimid Nin reer baadiye ah wxuxuuna dhahay: Saacada (Qayaame) waa goorma? Nabiguna (N.N.K.H) wuu sii waday sheekadiisii, koox ayaa tidhi; wuu maqlay (hadalka Ninka) laakiin wuu kahday wuxuu waydiiyey, kuwo kalena waxay dhaheen muu maqlinba, illamaayoo uu sheekadiisii dhammeeyey, waxaanu dhahay (Nabigu): Mee, kaan u malaynayey inuu waydiiyey Saacada, wuxuu dhahay (reer baadiyihii): waa i kan Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu dhahay (Nabigu): marka amaanada la dayaco sug Saacada, wuxuu dhahay; Sidee loo dayaco? Wuxuu dhahay: Marka talada loo tiiriyo cid aan ku haboonayn sug markaa saacada.