Xadiiska 106 aad

حَدَّثَنَا عَلِيُّ بْنُ الْجَعْدِ، قَالَ أَخْبَرَنَا شُعْبَةُ، قَالَ أَخْبَرَنِي مَنْصُورٌ، قَالَ سَمِعْتُ رِبْعِيَّ بْنَ حِرَاشٍ، يَقُولُ سَمِعْتُ عَلِيًّا، يَقُولُ قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ لاَ تَكْذِبُوا عَلَىَّ، فَإِنَّهُ مَنْ كَذَبَ عَلَىَّ فَلْيَلِجِ النَّارَ 

Cali waxa laga wariyey in Nabigu (N.N.K.H) yidhi: hayga been sheegina, maxaa yeelay kii iga been sheegaa Naarta ayuu galayaa.

 

Xadiiska 107 aad

حَدَّثَنَا أَبُو الْوَلِيدِ، قَالَ حَدَّثَنَا شُعْبَةُ، عَنْ جَامِعِ بْنِ شَدَّادٍ، عَنْ عَامِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ الزُّبَيْرِ، عَنْ أَبِيهِ، قَالَ قُلْتُ لِلزُّبَيْرِ إِنِّي لاَ أَسْمَعُكَ تُحَدِّثُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم كَمَا يُحَدِّثُ فُلاَنٌ وَفُلاَنٌ‏.‏ قَالَ أَمَا إِنِّي لَمْ أُفَارِقْهُ وَلَكِنْ سَمِعْتُهُ يَقُولُ ‏”‏ مَنْ كَذَبَ عَلَىَّ فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ 

Cabdillahi ibnu Zubeyr wuxuu Aabihii ka wariyey inuu ku dhahay Zubeyr: kumaan maqal adigoo ka sheekaynaya Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) sida hebel iyo hebelba uga sheekaynayaan, wuxuuna yidhi: Anigu kamaan hadhin nabiga laakiin waxaan maqlay isagoo leh: cidii iga been sheegta haka diyaarsado booskiisa Naarta.

 

Xadiiska 108 aad

حَدَّثَنَا أَبُو مَعْمَرٍ، قَالَ حَدَّثَنَا عَبْدُ الْوَارِثِ، عَنْ عَبْدِ الْعَزِيزِ، قَالَ أَنَسٌ إِنَّهُ لَيَمْنَعُنِي أَنْ أُحَدِّثَكُمْ حَدِيثًا كَثِيرًا أَنَّ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ مَنْ تَعَمَّدَ عَلَىَّ كَذِبًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ 

Anas wuxuu yidhi: Waxa ii diidaya inaan Xadiis badan idiinka warramo waa Nabiga (N.N.K.H) oo dhahay: ruuxii u badheedha ka been sheegayga, haka diyaarsado booskiisa Naarta.

 

Xadiiska 109 aad

حَدَّثَنَا مَكِّيُّ بْنُ إِبْرَاهِيمَ، قَالَ حَدَّثَنَا يَزِيدُ بْنُ أَبِي عُبَيْدٍ، عَنْ سَلَمَةَ، قَالَ سَمِعْتُ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ ‏”‏ مَنْ يَقُلْ عَلَىَّ مَا لَمْ أَقُلْ فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ 

Salama waxa laga wariyey inuu maqlay Nabiga (N.N.K.H) oo leh: cidii dhahda waxaanan odhanin haka diyaarsado booskiisa Naarta.
Xadiiska110 aad

حَدَّثَنَا مُوسَى، قَالَ حَدَّثَنَا أَبُو عَوَانَةَ، عَنْ أَبِي حَصِينٍ، عَنْ أَبِي صَالِحٍ، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ، عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ تَسَمَّوْا بِاسْمِي وَلاَ تَكْتَنُوا بِكُنْيَتِي، وَمَنْ رَآنِي فِي الْمَنَامِ فَقَدْ رَآنِي، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ لاَ يَتَمَثَّلُ فِي صُورَتِي، وَمَنْ كَذَبَ عَلَىَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ 

Abu Hurayra wuxuu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H) inuu yidhi: Magacayga isku magacaaba, hana isku kunyaynina (Naanaysta Nabiga- AbaQaasim) kunyadayda, cidii igu aragta hurdadana waa i arkay, sababtoo ah Shaydaanku iskuma matalo Suuradayda (Muuqaalka dhabta ah ee Nabiga), cidiise iga beensheegta si badheedh ah haka diyaarsado booskiisa Naarta.