Xadiiska 83 aad

حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ، قَالَ حَدَّثَنِي مَالِكٌ، عَنِ ابْنِ شِهَابٍ، عَنْ عِيسَى بْنِ طَلْحَةَ بْنِ عُبَيْدِ اللَّهِ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم وَقَفَ فِي حَجَّةِ الْوَدَاعِ بِمِنًى لِلنَّاسِ يَسْأَلُونَهُ، فَجَاءَهُ رَجُلٌ فَقَالَ لَمْ أَشْعُرْ فَحَلَقْتُ قَبْلَ أَنْ أَذْبَحَ‏.‏ فَقَالَ ‏”‏ اذْبَحْ وَلاَ حَرَجَ ‏”‏‏.‏ فَجَاءَ آخَرُ فَقَالَ لَمْ أَشْعُرْ، فَنَحَرْتُ قَبْلَ أَنْ أَرْمِيَ‏.‏ قَالَ ‏”‏ ارْمِ وَلاَ حَرَجَ ‏”‏‏.‏ فَمَا سُئِلَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم عَنْ شَىْءٍ قُدِّمَ وَلاَ أُخِّرَ إِلاَّ قَالَ افْعَلْ وَلاَ حَرَجَ 

Cabdillahi ibnu Camrin waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) istaagay Xajkii Sagootinta (xajatul wadaac) Mina si ay dadku u waydiiyaan, Ninbaa u yimid oo dhahay: maan dareemin oo waan xiirtay intaanan gawracin ka hor, wuxuu dhahay: gawrac, dhib malahee. Mid kale ayaa yimid oo dhahay; Maan dareemin oo waan gawracay intaanan tuurin (Jamaraatka) ka hor, wuxuu dhahay: Tuur, dhib malahee. Lama waydiinin Nabiga (N.N.K.H) arrin la hormariyey ama dib loo dhigay (hadiiba la waydiiyaba ) waxa uu lahaa: Samee, dhib malahee.