1. Waa maxay Weelku? Waa maxay xukunkoodu?

Weelku waa waxyaalaha wax lagu shubto ama lagu kaydsado, xukunkooduna way banaanyihiin in la adeegsado, marka laga reebo weelka ka samaysan macdanada Dahabka iyo Qalinka. Hadii Weelka meelo kamid ah loogu dhajiyey macdanadaas oo ay baahi keentay wax dhib ah malaha.

 

  1. Maxaa u daliila in weelka Dahabka iyo Qalinku xaaraan yahay?

Waxa u daliila xadiiska laga warinayo Xudayfa uu leeyahay: Haku cabina weelka Dahabka iyo Qalinka, hana kucunina wax saxankeeda maxaa yeelay ayagaa leh Aduunyada, idinkana Aakhiro ayaad leedihiin. Sidoo kale Umu-salama waxa laga wariyey inay tidhi; Nabigu (N.N.K.H) wuxuu dhahay: {الذي يشرب في إناء الفضة إنما يجرجر في بطنه نار جهنم} [Ka wax ku caba weelka Qalinka waxa lagu jiidjiidaya calooshiisa Naarta Jahannama.] [1]

Anas wuxuu soo wariyey in Koobkii Nabigu (N.N.K.H) uu jabay wuxuuna meeshii dalooshay ku awday silsilad Qalin ah.[4]

 

  1. Waa maxay xukunka in la isticmaalo Weelka Gaalada iyo Maryahoodaba?

Way banaantahay Weelka iyo Dharka gaaladu xitaa hadii la garan waayo, waxaana u daliila aayada Quraanka ah{ وطعام الذين أوتوا الكتاب حل لكم وطعامكم حل لهم} (Cuntada Ehlulkitaabkuna waa idiin xalaal, cuntadiinuna waa u xalaal..)[2]

Sidoo kale Jaabir ibnu Cabdillaah wuxuu yidhi: Waxaan la duulaan tagi jirna Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) kolkaasaan qaadan jirnay weelasha Gaalada oon isticmaali jirnay, nalaguma ceebaynayn.[3]


[1] Waa laysku waafaqay (Bukhaari iyo Muslim)

[2] Maa’ida: 5

[3] Waxa soo saaray Abudaa’uud iyo Axmed.

[4] Waxa soo saaray Bukhaari