Magaciisa: 

Magaciisu waa Abyad ibnu Xamaal bin Marthad Almaasni, waxaanu ka mid ahaa qabiilka Ximayar ee reer Yemen. waa mid ka mid ah saxaabadii Nabiga (N.N.K.H) Wajigiisa waxa ka muuqday diiqad dabadeedna Nabiga ayaa u duceeyey oo wajigiisa masaxay dibna looguma arag.

Waxa uu u yimid Rasuulka (N.N.K.H) waxaanu ka dalbaday in loo gooyo dhul ku yaal Ma’rib waanu u gooyey. Nin ayaa yidhi; Ma ogtahay waxaad u goysay Rasuulkii Ilaahayoow, Waxaad u goysay biyo dareeraya oo aan go’ayn.

Xigasho: Asad al-qaaba, Ibnu Kathiir.