Abu Umaama (Sudayy Ibnu Cajlaan)

Tusmo

SOO DAJISOMagaciisu waa Sudayy ibnu Cajlaan ibnu Wahab Al-baahili, Naanaystiisuna waa Abu Umaama waana reer Qayscaylaan. Waa saxaabi fadli badan oo cilmi badan wariyey. Nabiguna wuxuu u diray qabiilkiisa wayna Islaameen.

 

Nabiga ayaa saxaabigan u diray qoomkiisa, waxaanu u tagay ayagoo cunto wayna soo dhoweeyeen, kuna dhaheen kasoo qaybgal cuntada markaasuu yidhi; “Waxaan idiin ku imi inaan cuntadan idinn diido, waxaana isoo diray Rasuulkii Ilaahay si aad u rumaysaan, kadibna way beeniyeen kana tageen isagoo gaajeysan, dabadeedna waa seexday isagoo baahi hayso waanu seexday waxaana la siiyey caano isagoo hurda waxaana waynaatay calooshiisii dharag awgeed” Abu Umaama waxa uu yidhi; Qoomkayagii ayaa igu soo noqday oo ii keenaya cunto waxaanan idhi uma baahni cuntadiina, Eebe ayaa cunto i dhargiyey, markay arkeen xaaladayda ayey i rumeeyeen oo raaceen diinta Islaamka.”

Maalin ayuu Abu Umaama u tagay Rasuulka isagoo diyaarinaya Dagaal waxaanu ku yidhi; “Rasuulkii Ilaahayoow iigu ducee inaan shahiido” Rasuulkuna waxa uu yidhi; “Ilaahayoow Nabad gali” kadibna waan duulnay oo waan nabad galay. Hadana Rasuulka ayuu u tagay oo ka dalbaday inuu ugu duceeyo Shahaado hadana Rasuullku waxa uu yidhi; Illaahayoow Nabad gali oo soo guulee” kadibna way duuleen soona guulaysteen. Markii sadexaad ayaan hadana ku yidhi; “Rasuulkii Ilaahayoow iigu ducee inaan shahiido” Rasuulkuna waxa uu yidhi; “Ilaahayoow Nabad gali”  Hadana waan duulnay oo nabad galay sidoo kalena guulaysanay. Maalintii danbe ayuu Nabiga (N.N.K.H) u tagay oo ku dhahay; “Nabigii Ilaahayow I far camal aan kaa qaatoo oo Ilaahay igu anfaco” Nabiguna waxa uu ku yidhi; “Waa inaad soontaa, wax u dhigmaa ma jiraan.”

Mar kale ayuu Abu Umaama u tagay Rasuulkii Ilaahay kuna yidhi; “Rasuulkii Eebow, waxaad I fartay camal aan Ilaahay ka rajaynayo inuu igu anfaco ee mid kalena I bar. Nabigu Waxa uu dhahay; Ogow hadaad Ilaahay hal mar usujuudo waxa uu ku siinayaa abaal marin fiican, kaana dhaafaya xumaan aad samaysay”

Abu Umaama ayaa dhahay; ” Nabiga ayaa gacanta I qabtay oo igu yidhi; “Mu’minnita qaar ka mid ah ayaa qalbigaygu u jilcaa” Abu Umaama (I.R.H) waxa uu ka mid ahaa isaga iyo xaaskiisu dadka ugu soonka badan, isaga oo hirgalinaya xadiiska Rasuulka (N.N.K.H).

Nin ayaa u yimid abu Umaama oo ku dhahay waxaan hurdada ku arkay Malaa’ikta oo kugu  sallinaysa kolkasta ood kacdo ama aad fadhiisato. Waxaan ku yidhi; Idinkaba Malaa’iktu way idinku sallidaa waxaanu akhriyey Aayadan Quraanka.

هو الذي يصلي عليكم وملائكته ليخرجكم من الظلمات الى النور وكان بالمؤمنين رحيما

“Eebana waa kan idiin naxariista Malaa’igtiisuna idiin ducayso, si uu idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan u Naxariista Mu’miniinta”


Abu Umaama waxa uu ku odhan jiray taabiciintii inay fidiyaan warka Rasuulka Ilaahay, isagoo fulinya amarkii Rasuulka ee ahaa iga war gaadhsiiyaa xitaa haba noqota hal aayadee.

Abu Umaama (I.R.H) cimrigiisu wuu waynaaday, waxa uu geeriyooday sanadkii 81  ama 86 hijriga, waxaanu ahaa Saxaabigii ugu danbeeyey ee ku geeriyooda Shaam Ilaahay Raali Haka ahaado.