Qeexid Kooban:

Magaciisu waxa uu ahaa Cabdishams, markuu islaamay ayaa Rasuulku u bixiyey Cabdiraxmaan. Naanaystiisuna waa Abuhurayra ayadoo loogu magac daray curri uu rabayn jiray. Saxaabigan waxa uu islaamay sanadkii 7aad ee Hijrada. Inkasta oo uu islaamay goor danbe hadana waa saxaabiga ugu xadiisyada badan, waxa u saaciday arrinkaa xasuustiisa oo aad u saraysay iyo isaga oo joogteeyey dhagaysiga Rasuulka (N.N.K.H).

Islaamnimadii Abuhurayra: 

Abuhurayra waxa uu kusoo koray agoonimo iyo nolol aad u adag. Nabiga waxa uu uyimid sanadkii 7aad ee Hijrada isagoo ku sugan Khaybar, halkaasbaanu ku islaamay. Isla markuu arkay Nabiga ayuu joogteeyey inuu cilmiga ka barto Rasuulka. Abuhurayra waxa uu noqday culumada ugu waaweyn ee muslimiinta, isaga, xaaskiisa iyo gabadh uu dhalay ayaa habeenka u kici jiray salaada, oo midba sadex meelood habeenka ayuu tukan jiray.

Islaamnimadii Abuhurayra hooyadii:

Mushkiladii ugu waynayd ee Abuhurayra soo wajahday waxay ahayd hooyadii oo aan islaamin, waxayna ku dhibi jirtay in ay Nabiga caydo. Maalin ayuu Abuhurayra u tagay Nabiga isagoo murugsan kana dalbaday in uu uduceeyo hooyadii si ay Islaamka usoo gasho. Nabigii Ilaahayna waxa uu dhahay: Ilaahayoow, soo hadee Abuhurayra hooyadii. Abuhurayra waa baxay isagoo ku bishaaraysanaya ducada Rasuulka (N.N.K.H), markuu guriga soo gaadhay ayuu maqlay codka biyaha qubayska, markaasay ku tidhi; Abuhurayroow hasoo galin! Kadibna toobkeedii ayey gashatay iyo khimaarkeedii waxayna ku dhawaaqda shahaada, halkaasbayna ku Islaamtay. Abuhurayra wuxuu u tagay Rasuulka isagoo dhahaya: Rasuulkii Ilaahayoow bishaarayso ducadaadii waa la aqbalay, kadibna waxa uu Rasuulka ka dalbaday inuu ugu duceeyo isaga iyo hooyadiiba in ay Mu’miniintu jeclaadaan. Nabiguna waa u duceeyey.

Shaqadii Abuhurayra: 

Abuhurayra shaqadii ugu badnayd ee uu qabtay waxay ahayd inuu madaxiisa ku kaydiyo xadiiskii Rasuulka iyo sunadiisii. Khilaafadii Cumar ayaa Abuhurayra loo magacaabay Imaarada Baxrayn, Cumarna ilaahay raali haka ahadee waxa uu tirin jiray xoolaha dadka waaliga u ah, hadii mid ka mid ah xoolihiisu siyaado wuu waydiin jiray kana xisaabin jiray. Abuhuraya waxa uu kaydsaday xoolo xalaala oo uu kasbaday markaasuu Cumar waydiiyey meesha uu ka keenay xoolahan? Markaasuu dhahay fardo aan lahaa oo ii tarmay. Cumar waxa uu dhahay; xoolahan gee baytka maalka muslimiinta. Abuhurayrana xoolihiisii ayuu geeyey baytka maalka muslimiinta, markaasuu dhahay; Ilaahayow u danbi dhaaf Amiirka mu’miniinta. Mudo kadib ayuu Cumar u yeedhay Abuhurayra si uu ugu magacaabo waalinimo, markaasuu Abuhurayra diiday oo ka cudur daartay.

Xasuustii Abuhurayra:

Abuhurayra ilaahay raali haka ahaadee waxa uu lahaa awood xifdiyeed oo uu kaga sareeye saxaabada kale. Markuu islaamay muusan lahayn hanti ka mashquulisa cilmiga, ee Nabiga ayuu ag fadhiistay kadibna xifdiyey dhamaan wixii uu ka maqlay Rasuulka (N.N.K.H).

Geridii Abuhurayra: 

Abuhurayra waxa uu ahaa mid jecel la kulanka Ilaahay, waxaanu ku ducaysan jiray (Ilaahayoow la kulankaaga ayaan jeclahay ee jeclow kulankayga). Abuhurayra waxa uu geeriyooday sanadkii 59 ee Hijrada  isagoo cimrigiisu  yahay 78 sano. Waxa lagu duugay xabaalaha Baqiic ee Magaalada Madiina Ilaahay raali haka ahaadee.