Tusmo

Umu Camaara, Haweenay kun nin u dhiganta.

Bismillah:

Haweenaydan ka qiimaha badani  waa Umu-Camaara, Nusayba bintu Kacab ibnu Camru ibnu Cawf ibnu Manduul. Waa saxaabiyad reer Ansaareed ah, kana ah qabiilka reer Khazraj, ee reer bani Najaar.

Qoyska Umu-Camaara kasoo jeeda waa reer bani Najaar oo nabiga awoowgii Cabdulmudalib abtiyaashii ahaa, ahaana qabiilkii nabiga kusoo dhoweeyey magaalada Madiina.

Umu-Camaara waxay la dhalatay wiilka la dhaho; Cabdilaahi ibnu Kacab, wuxuu isaguna ahaa nin ka qaybgalay duulaankii Badar, iyo guud ahaan goobihii nabigu (scw) taagnaa, wuxuu ku geeriyooday dagaalkii Xarrah.

Sidoo kale waxay Umu-Camaara walaalo yihiin Cabdiraxmaan ibnu Kacab oo kamid ah saxaabadii ka murugootay inay ka qaybgali waayeen duulaankii Tabuuk, kadib markii nabigu (scw) u waayey wax uu ku qaado, markaasna waxa kusoo dagtay aayadahan:

وَلَا عَلَى الَّذِينَ إِذَا مَا أَتَوْكَ لِتَحْمِلَهُمْ قُلْتَ لَا أَجِدُ مَا أَحْمِلُكُمْ عَلَيْهِ تَوَلَّوا وَّأَعْيُنُهُمْ تَفِيضُ مِنَ الدَّمْعِ حَزَنًا أَلَّا يَجِدُوا مَا يُنفِقُونَ ﴿٩٢

“kuwiina dhib masaarra kuu yimid inaad xambaarto (Gaadiid siisid) markaas aad ku tidhi ma helayo waxaan idinku xambaaro, markaas jeedsadeen iyagoo indhahoodu la burqami oohin murugo (darteed) inayna helin waxay bixiyaan.” [Towbah:92]

Umu-Camaara waxay guursatay islaamka kahor Zayid ibnu Camru Al-ansaari, oo isaguna kamid ahaa dadkii nabiga heshiiska kula galay Caqabah, kana qaybgalay dagaalkii Badar iyo Uxudba. Umu-Camaara waxay u dhashay Zayid laba wiil waa Xabiib ibnu Zayid iyo Cabdilaahi ibnu Zayid.

– Xabiib ibnu Zayidna wuxuu isaguna ka qaybgalay guud ahaan duulaanadii nabiga (scw), waana saxaabigii nabigu u diray beenaalihii Musaylama Al-kadaab,  kadibna habaarqabahaas ayaa dilay oo maydkiisiina gubay.

– Cabdilaahi ibnu Zayid isaguna wuxuu ahaa waana ninkii usoo aar gooyey walaalkii Xabiib ee seeftii ugu danbeysay ku dhuftay beenaalihii Musaylama Al-kadaab.

Umu-Camaara waxa kale oo ay guursatay, Qusayah ibnu Camru Al-ansaari, oo isaguna ahaa saxaabi ka qaybgalay dagaalkii Uxud iyo goobo kaleba, waxayna u dhashay wiil la dhaho Dumrah ibnu Qasayah ibnu camru.

Umu-Camaarah ilaahay raali haka ahaadee, waxay kamid ahayd labadii haween ee kaliya ee heshiiska islaamnimada nabiga kula galay Baycdii Alcaqabah, kadibna nabiga (scw) ayaa usoo hijrooday magaalada Madiina.

Dagaalkii Uxud waxa wacdaro ka dhigay Umu-Camaara, labadeedii wiil iyo odaygeediiba. Umu Camaara, waxay usoo baxday inay kalkaaliso dadka dhaawacma laakiin markii dagaalkii qadhaadhaaday oo muslimiintii la jabiyey ayey Umu-Camaara bilowday inay difaacdo nabiga (scw). Dhawr saxaabi oo Umu-Camaara iyo qoyskeedu kamid yihiin ayaa kusoo hadhay meeshii nabigu joogay (scw), illamaayo Umu-Camaara laga dhaawacay, oo waxa soo gaadhay 13 dhaawac oo isugu jira seef, waran iyo shiishba.

Umu-Camaara waxay tidhi: Anigoo ku dagaalamaya koofiyad la’aan ayuu nabigu arkay nin ordaya markaasuu ku dhahay; koofiyad sii cid ku dagaalanta. Dabadeedna wuu tuuray, markaasbaan qaatay oo gashtay, uguna tarisay (ku difaacay) nabiga (scw).

Wuxuu yidhi wiilkii Umu-Camaara dhashay ee Cabdilaahi ibnu Zayid: “maalintaas dhaawac ayaa isoo gaadhay, markaasbay hooyaday soo oroday ayadoo meeshii dhaawacantay maro ku duubtay, markaasuu nabigu (scw) yimid oo igu dhahay: kac wiilkaygoow oo dagaalan. Wuxuuna yidhi: yaa awoodi karaya waxaas oo dhan aan ka ahayn Umu-camaara!!

Kadibna waxa soo laabtay kii nabarka igu dhuftay, markaasuu nabigu dhahay; waa kaas kii wiilkaaga nabarka ku dhuftay. Dabadeedna Umu-Camaara ayaa istaagtay  oo ku dhufatay lugaha, oo fadhiistay, markaasuu nabigu qoslay illamaayo  laga arkay gows danbeedkiisa.

Goobtaas ayaa waxa dhaawac wayn kusoo gaadhsiiyey Umu-Camaara ninkii habaarka qabay ee ibnu Qami’ah loogu yeedhi jiray, oo seef kaga dhuftay garabka, sidaasbayna ku dhaawacantay, Ilaahay raali haka ahaadee.  Marka dhaawacaasi uu soo gaadhay Umu-Camaara ayuu nabigu ku dhahay wiilkeedii Cabdilaahi: “Kac oo hooyadaa nabarkeeda dhay oo duub, markaasuu dhahayna: “Ilaahayow reer Umu-Camaara rafiiqayga Jannada ka yeel.”

Umu-Camaara waxay kale oo ka qaybgashay Baycadii geedka hoostiisa ee Ilaahay kaga raalida noqday saxaabada Rasuulka (scw). Sidoo kalena nabigu (scw) tilmaamay in baycadaas cidii gashay aan la cadibi doonin.

Markuu Nabigu geeriyooday kadib waxa xilkii la wareegay Abubakar oo la dagaalamay murtadiintii iyo beenaalihii Musaylama Alkadaab. Duulaankaasna Umu-Camaara way ka qayb gashay, waana lagu dhaawacay oo waxa lagu gooyey mid kamid gacmaheeda, laakiin wiilkeedii Cabdilaahi ayaa qudha ka jaray Musaylama, kadib markii Waxshiyy uu waran ka taagay Musaylama.

Sanad kadib dhacdadaas ayey geeriyootay Umu-Camaara ayadoo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee magaalada Madiina.


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Siyar Aclaam Annubalaa