Tusmo

Qeexid kooban

Saynab bintu Muxamed waa inantii ugu waynayd ee hablihii Nabiga (N.N.K.H), waxay ku dhalatay magaalada Makkah Toban sano kahor intaan Nabiga lasoo dirin, sanadkii 600 ee milladiga, waxaana la dhahaa Saynab waxay dhalatay Nabiga oo cimrigiisu yahay Sodon sano.

Qoskii Saynab

Saynab hooyadeed waa Khadiija bintu Khuweylid oo ahayd marwadii koowaad ee Nabiga, waxayna la walaalo tahay  Ruqaya bintu Muxamed, Ummu-Kalthuum bintu Muxamed, Qaasim ibnu Muxamed, Cabdillaahi Ibnu Muxamed iyo Ibraahiim ibnu Muxamed. Sidoo kale waxay xaga hooyo ka walaalo ahaayeen; Hindi ibnu Abu-Haala, Haala ibnu Abu-Haala iyo Hinda bintu Catiiq.

Guurkii Saynab iyo Abulcaas

Saynab waxa guursaday habar wadaageed Abulcaas ibnu Rabiic ayadoo da’deedu ay yartahay, sababtuna waxay ahayd Khadiija (I.R.H) ayaa ka dalbatay in Saynab loo guuriyo wiilka ay habaryarta u tahay ee Abulcaas ibnu Rabiic oo ay dhashay walaasheed Haala bintu Khuwelid, ayadoo u arkaysay in wiilkani yahay sida ubadkeedoo kale, Nabiguna waa aqbalay dalabkaas oo inantiisii wuxuu u guuriyey wiilkan Abulcaas oo ahaa qabiilka reer bani Cabdi Shamsi.

Islaamnimadii Saynab

Saynab bintu Muxamed (I.R.H) waxay islaamtay bilowgii soo bixistii Nabiga (S.C.W) halka ninkeedii Abulcaas uu baaqi ku ahaa gaalnimadiisii kadibna madaxdii reer Qureesh ayaa u bandhigtay inuu furo Saynab oo ay u guuriyaan gabadh kasta oo uu doono balse Abulcaas ayaa dhahay; “Ilaahbaan ku dhaartee furimaayo saaxibaday (xaaskayga) kumana badalanayo gabadh kale” Sidaas darteed labadooduba waxay kala haysteen laba diimood.

Caruurtii Saynab:

Saynab Ilaahay raali haka ahaadee waxay u dhashay Abulcaas ibnu Rabiic wiil iyo gabadh, wiilka waxa la dhihi jiray Cali iyo gabadh la dhaho Umaama. Cali isagoo yar oon qaangaadhin ayuu dhintay halka Umaama bintu Abulcaas ay qaangaadhay oo ay la noolayd awoowgeed nabi Muxmed (N.N.K.H) kadib markay hooyadee dhimatay, waxayna ahayd gabadh uu Nabigu jeclaa oo uu xanbaari jiray, sidoo kalen hadyado ayuu siin jiray. Umaama markay waynaatay waxay guursatay Cali ibnu Abudaalib kadib markii ay Faadima ka geeriyootay, waxaana la dhahaa Cali waxay u dhashay wiil la dhaho Muxamed alwusdaa hase ahaatee markii Cali la dilay ayuu kula dardaarmay inay guursato Muqiira ibnu Noofal ibnu Xaaris, waxayna u dhashay wiil la dhaho Yaxye. Waxa kale oo la dhahaa Umaama wax ubad ahba umaysn dhalin Cali iyo Muqiira toona sidaa awgeed Saynab bintu Muxamed ubadkeedii way dabar go’een.

Qafaalashadii Abulcaas

Markuu Nabigu u hijrooday magaalada Madiina ayuu Abulcaas raacay gaaladii Qureesheed si ay ula dagaalamaan Muslimiinta, waxaana dhacday dagaalkii Badar kaas oo ay Muslimiintu ku gacan sarreeyeen. Ugu danbayna Abulcaas ayaa lagu qafaashay dagaalkaas, waxaana la faray dadkii xidhnaa inay isku furtaan xoolo ama ruux kasta wuxuu awoodo, kadibna xaaskii Abulcaas ee Saynab ayaa soo dirtay silsilad ay hooyadeed Khadiija siisay markay aroosanaysay, dabadeedna Nabiga ayaa arkay silsiladii markaasuu xasuustay xaaskiisii Khadiija ilaahay raali haka ahaadee, wuxuuna yidhi; “hadii aad maxbuuskeeda usii daynaysaan una celinaysaan silsiladeeda waad yeeli kartaan” sidiibayna yeeleen Saxaabadii oo way sii daayeen, una celiyeen xoolaheedii. Balse Nabigu wuxuu ku shardiyey inuu Saynab u ogolaado inay soo hijrooto, waanu u oofiyey.

Hijradii Saynab:

Markuu Abulcaas gaadhay Makkah ayuu u ogolaaday inay hijrooto, markaasay Saynab u diyaargarowday inay safarto, waxaana isku dayday inay caawiso Hinda bintu Cutba laakiin Saynab way diiday kaalmadeedii ayadoo ka cabsanaysa gabadhan oo laga dilaya aabaheed, adeerkeed iyo walaalkeed.

Saynab waxa soo kaxeeyey ninkeeda walaalkeed Knaana ibnu Rabiica, waxayn fuushay “Hawdaj” (qol awrka dushiisa looga sameeyo haweenka si ay ugu safraan), halka Kanaanan uu qaatay leebkii iyo qaansadiisii, wuxuuna baxay xilli dharaar ah oo ay gaaladii Qureesheed u jeedaan, isla markiiba waxa kadaba yimid laba nin oo kala ahaa Habbaar ibnu al-aswad iyo Naafic ibnu Qays kadibna Habbaar ayaa leeb kusoo tuuray hawdajkii ay Saynab ku jirtay  markaasay naxday oo dhicisay uur ay siday, waxaana soo gaadhay nabar dhiig bax ah oo xitaa ay u dhimatay isaga awgii.

Kanaana hashii ayuu fadhiisiyey, wuxuuna cabaystay leebkiisii iyo qaansadiisii isagoo leh; “cidii soo dhowaata waan ku ganayaa” dabadeedna waxa u yimid Abusufyaan oo ku dhahay; “Ninyahow, waad ogtahay waxa naga soo gaadhay dagaalkii Badar, anaguna waxba kama qabno in Saynab ay u tagto aabaheed laakiin waxaad la baxday goor dharaar ah oo cid kastaba ay ku arkayso, waxaanan ka cabsanay in nala dhaho waa laga awood batay ee dib usoo celi oo goor habeen ah la bax ayada”

Mudo yar kadib ayey Saynab safartay oo u tagtay aabaheed, kadibna warkii ayaa loo sheegay Nabiga markaasuu koox saxaabadiisa kamida soo diray isagoo faray inay gubaan ninka Habbaar la dhaho, hadana maalintii xigtay ayuu kadaba diray koox kale oo gaadhsiinaysa farriin cusub isagoo yidhi; “hada kahor waxaan idin faray inaad gubtaan ninkaas ee dib ayaan uga laabtay go’aankaas ee kaliya dila hadaad aragtaan maxaayeelay cida wax gubtaa waa Ilaahay oo kaliya”

Islaamnimada ninkii Saynab ee Abulcaas:

Markay Saynab timid Madiina waxay la noolayd aabaheed mudo sanado ah, kadibna ninkeedii ayaa sanadkii 8 aad ee Hijrada usoo baxay safar dhulka Shaam ah, kolkuu soo laabtay ayaa waxa xoolihii uu reer Qureesh u waday ka qafaashay koox saxaabada ah, isaguna wuu baxsaday oo magaalada Madiina ayuu soo galay goor habeen ah, wuxuuna u tagay xaaskiisii Saynab oo ka dalbaday inay maganagaliso. Subaxii ayey Saynab dhawaaqday oo u sheegtay Nabiga iyo saxaabadiisaba inay magangalisay sawjkeedii Abulcaasim, nabiguna waa ka aqbalay magangalyadaas, waxaana loo celiyey xoolihii laga qafaashay kadibna magaaladii Makkah ayuu ku laabtay oo reer Qureesh xoolahoodii faraha ka galiyey, wuxuuna yidhi; “Xoolihiinii saw idiinmaan keenin? waxay dhaheen: haa. Wuxuu yidhi; hadaba anigu waan islaamay, waxaanan ka cabsaday inaan islaamnimadayda cadaysto anigoo jooga Madiina”

Abulcaas markuu islaamay ayuu yimid magaaladii Madiina isagoo soo hijrooday markaasuu Nabiguna u celiyey xaaskiisii, ayagoo isku qaba maherkoodii hore.

Geeridii Saynab (I.R.H)

Saynab waxay geeriyootay isla sanadkii 8 aad isagoo Nabigu noolyahay, waxayan u geeriyootay nabarkii soo gaadhay maalintay soo hijroonaysay oo dhiig bax ahaa, Ilaahay raali haka ahaado Saynab iyo dhamaan saxaabadii Rasuulka.


Xigasho

Siirada Nabiga ee Ibnu Hishaam.

Istiicaab fii macrifat alsaxaabah, majalada 4 aad.

Kalimado lasoo gaabiyey:

(N.N.K.H) = Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaado.

(I.R.H) = Ilaahay raali haka ahaado

(S.C.W) = Sallaa Allahu calayhi wa sallam.