Taariikh nololeedkii Saynab bintu Jaxshi:

Dhalashadeeda iyo nasabkeed:

Magaceedu waa Saynab bintu Jaxshi ibnu Ri’aab ibnu Yacrub ibnu Sabrah ibnu Murrah ibnu Kabiir ibnu Qanam ibnu Duudaan ibnu Asad ibnu Khusayma Al-asadiyah. (590-642 miiladi). Hooyadeedna waa Umaymah bintu Cabdulmudalib oo ah nabiga  eedadii. Waxay Saynab dhalatay ilaahay raali haka ahaadee 33 sano kahor hijradii nabiga, waxayna walaalo yihiin Cabdilaahi ibnu Jaxshi kamid ahaa saabiqiintii islaamka, wuxuuna ku shahiiday duulaanki Uxud, isagoo lagu wada aasay abtigii Xamse ibnu Cabdulmudalib hal xabaal.

Guurkeedii ay guursatay Sayid ibnu Xaarithah:

Nabigu  wuxuu wiil ka dhigtay Sayid ibnu Xaaritha ayadoo loogu magac darat Sayid ibnu Muxamed, kadibna nabigu  wuxuu doonay inuu soo gabogabeeyo xaalada dabaqadeed ee ku dhex jirta bulshada muslimiinta iyo dhaqankii carabta oo ahaa inaanay is guursan karan qof xor ah iyo nin adoon ah ama mawle ah, taaso dhaqan ahaan noqotay arrin la caadaystay oo ay adagtahay in la badalo.

Nabigu  wuxuu u tagay Saynab bintu Jaxshi oo ahayd gabadh xor ah oo ay eedadiina dhashay, wuxuuna usoo bandhigay inay guursato Sayid ibnu Xaarith (I.R.H). Saynab way ka biyo diiday sababo la xidhiidha dabaqadii dadku ay kusoo koreen awgeed kadibna waxa soo dagay aayadihii quraanka ee tilmaamay in haduu Rasuulku arrin gooyo in la qaato:

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ وَلَا مُؤْمِنَةٍ إِذَا قَضَى اللَّـهُ وَرَسُولُهُ أَمْرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ الْخِيَرَةُ مِنْ أَمْرِهِمْ ۗ وَمَن يَعْصِ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ ضَلَّ ضَلَالًا مُّبِينًا ﴿٣٦

kuma haboona (umana banaana) nin mu’min ah iyo haweenay mu’minad ah marka Ilaahay iyo Rasuulkiisu wax xukumayaan inay khiyaar (doorasho) u yeeshaan amarkooda, ruuxiise caasiya Ilaahay iyo Rasuulkiisa wuxuu lumay baadi cad. [33, Axzaab: 36]

Isla markay aayadaas soo dagtay ayey Saynab bintu Jaxshi ogolaatay inay guursato saxaabigan Sayid ibnu Xaaritha. Ujeedada guurkanina waxay ahayd in lasoo afjaro dabaqadaa u dhaxaysa dadkii xilligaa noolaa.

Furniinkii Sayid iyo Saynab iyo burintii ilmo yeelashada:

Waxaynu kor ku sheegnaa in Sayid ibnu Xaaritha uu ahaa wiil uu tabani ka yeeshay nabigu ama wiil uu dhalay oo kale ka dhigay oo loogu yeedhi jiray Sayid ibnu Muxamed, hase ahaatee waxa Ilaahay soo dajiyey in tabanigaas la buriyey oo ilmaha aad korsataa aanu waligii lamid ahayn mid aad dhashay, wuxuuna Allah ku leeyahay suurada Axzaab:

…وَمَا جَعَلَ أَدْعِيَاءَكُمْ أَبْنَاءَكُمْ ۚ ذَٰلِكُمْ قَوْلُكُم بِأَفْوَاهِكُمْ ۖ وَاللَّـهُ يَقُولُ الْحَقَّ وَهُوَ يَهْدِي السَّبِيلَ ﴿٤ ادْعُوهُمْ لِآبَائِهِمْ هُوَ أَقْسَطُ عِندَ اللَّـهِ ۚ فَإِن لَّمْ تَعْلَمُوا آبَاءَهُمْ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ وَمَوَالِيكُمْ ۚ….

…mana yeelin kuwaad sheegateenna caruurtiinna oo kale, taasi waa hadalka afkiinna uun, Ilaahayna wuxuu sheegayaa xaqa, isagaana ku hanuuniya jidka (toosan). (4) Ugu yeedha kuwaas aabayaalkood saasaa ku cadaalad badan Ilaahay agtiise, hadaydaan aqoonin aabayaalkoodna waa walaalihiinna diinta iyo sokeeyihiinna.. (5) [33 Axzaab: 4-5]

Aayadahaas kor ku xusan ayuu Allah ku burburiyey dhaqankii ahaa in ilmahaad aad korsato loogu yeedho magacaaga, sidoo kalena wuxuu cadeeyey in qofka marnaba aan laga saarin abtirsiiintiisa uu kasoo jeedo.

Sayid iyo Saynab waxay wada noolaayeen mudo sanad iyo waxoogaa, balse guurkii ayaa sii socon waayey ayagoo khilaaf uusoo kala dhex galay. Markaasuu Sayid u yimid nabiga   isagoo doonayo inuu furo haweenaydiisa, sidoo kalena nabiga hada kahor ayaa waxyigu uga warramay inuu Sayid iyo Saynab ay kala tagayaan, oo nabigu   uu guursanayo Saynab, markaas ayuu nabigu xishooday isagoo ka cabsi qaba dadka waxay ka dhahayaan guurkaas, sababtoo ah waxay u arkayaan inaanay banaanayn in la guursado gabadha wiilka aad korsatay uu furo.

Nabigu   wuxuu ku dhahay Sayid; Sayidoow, Ilaahay ka cabso oo hayso haweenaydaada, hase ahaatee Ilaahay ayaa doonay in lasoo afjaro arrinta korsashada ilmaha ee laga dhigayo sidii ilmo dhabrkaaga kayimid ood dhashay markaasbaa nabiga lagu soo dajiyey aayado faraya inuu guursado Saynab markuu Sayid furo.

وَإِذْ تَقُولُ لِلَّذِي أَنْعَمَ اللَّـهُ عَلَيْهِ وَأَنْعَمْتَ عَلَيْهِ أَمْسِكْ عَلَيْكَ زَوْجَكَ وَاتَّقِ اللَّـهَ وَتُخْفِي فِي نَفْسِكَ مَا اللَّـهُ مُبْدِيهِ وَتَخْشَى النَّاسَ وَاللَّـهُ أَحَقُّ أَن تَخْشَاهُ ۖ

(xuxuuso) markaad ku lahayd kuu Ilaahay u Nicmeeyey, adna aad u nicmaysay (Zayid Binu Xaarithah) hayso haweenaydaada Ilaahayna ka dhawrso, Naftaadana aad ku qarinaysay wax Ilaahay muujin, ood kana cabsanaysid dadka (xishoonaysid) Ilaahayna u xaq mudan in laga cabsado (lagana xishoodo).. [Axzaab:37]

Dabcan Ilaahay kahor intaanay aayadani soo dagin ayuu uga warramay in Sayid uu furi doono xaaskii, uuna isagu guursan doono, hase ahaatee wuu xishooday nabigu kadibna aayadan ayuu Ilaahay soo dajiyey uu ku cadaynayo mowqifkii nabiga   tusayana qof kasta daacadnimada xabiibkeena. Waxay Caasha iyo Anas ibnu Maalikba dhaheen; hadii nabigu   waxyiga wax ka qarinayo wuxuu qarin lahaa aayadan.

Guurkii nabigu guursaday Saynab bintu Jaxshi:

Sida waxyiguba nabiga u sheegay waxa kala tagay oo is furay Saynab iyo saygeedi Sayid ibnu Xaarithah, kadibna markay cido baxday ayaa nabiga loo guuriyey, waxaana u guuriyey Ilaahay (swt), sidaasbayna ku noqotay haweenaydii laga soo maheriyey xaga samada. Ilaahayna wuxuu dhahay isagoo ka hadlaya guurkan iyo sababta keenaty in loo guuriyey nabiga haweenaydan wuxuuna dhahay:

فَلَمَّا قَضَىٰ زَيْدٌ مِّنْهَا وَطَرًا زَوَّجْنَاكَهَا لِكَيْ لَا يَكُونَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ حَرَجٌ فِي أَزْوَاجِ أَدْعِيَائِهِمْ إِذَا قَضَوْا مِنْهُنَّ وَطَرًا ۚ وَكَانَ أَمْرُ اللَّـهِ مَفْعُولًا ﴿٣٧

…markuu Zayid dantiisii ka dhamaaystayna (isfureenna) aan kuu guurinay si aanay wax dhib ah ugu ahaanin mu’miniinta (hadday guursadaan) haweenka ay fureen kuway ilmo ka dhigteen (ayagoon dhalin) amarka Ilaahayna waa kii la fuliyo. [Axzaab 37]

Run ahaantii Ilaahay ayaa isu guuriyey labadaas lamaane waa nabigii Ilaahay ee Muxamed   iyo hooyadii mu’miniinta ee Saynab bintu Jaxshi (i.r.h). Markuu Allah u guuriyeyna nabigu wuu u galay isagoo ka badalay magaceedii hore ee Barrah una bixiyey Saynab.

Guurkaasna waxa ka hadlay munaafiqiintii iyo gaaladii ayagoo ku doodaya sideebay u dhacday in nabigu guursado wiil uu korsday haweenaydiisii uu furay? Hase ahaatee Ilaahay ayaa nabigiisa difaacay oo kasoo dajiyey aayado quraana oo tilmaamaya inaanu nabigu aabo u ahayn cidna, waxa looga jeedaa Sayid ibnu Xaaritha, wuxuuna dhahay:

مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِّن رِّجَالِكُمْ وَلَـٰكِن رَّسُولَ اللَّـهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ ۗ وَكَانَ اللَّـهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا ﴿٤٠

ma aha (nabiga) Muxamad ah aabaha ruux ragiina ka mid ah, laakiin waa Rasuulkii Ilaahay  iyo khatimidii nabiyada, Ilaahayna wax walba waa ogyahay.

Fadligii Saynab bintu Jaxshi:

Fadligeedii waxa kamid ahaa inay ku faani jirtay in ayada laga soo maheriyey xaga sare, halka haweenka kale ee nabigana lagu maheriyey dhulka. Waxay kale oo ay ahayd gabadh alle kacabsi badan, waxayna Caasha tidhi; maan arkin gabadh kaga ku khayr badan xaga diinta, allena uga cabsi badan, uguna run badan, uguna xidhiidh badan riximkeeda, uguna sadaqo badan, uguna dadaal badal camalada ilaahay loogu dhowaado. Nabiguna wuxuu ku sifeeyey Saynab inay tahay “أَوَّاهَةٌ” waxa la waydiiyey rasuulkii Ilaahayow; waaxay macnha eraygani? Wuxuu yidhi: waa ruuxa khusuucsan ee isdu dhiga.

Mowqifkii Saynab ee been abuuradkii Caasha:

Saynab way ka gaabsatay in ay tuhunto dangaladeeda Caasha bintu Abubakar (i.r.h), hase ahaatee Saynab walaasheed Xannah ayaa ku dhawaaqday eraydii been abuuradka ahaa, waxayna kamid ahayd sadexdii saxaabii ee loo jeedaliyey inay been ku hadleen, ayada iyo Masdax iyo Xasaan ibnu Thaabit.

Geeridii Saynab:

Ilaahay ha u naxariistee hana ka raali ahaadee waxay geeriyootay sanadkii 20 aad ee hijrada ayadoo cimrigeedu dhan yahay 53 sanadood, aydoo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee magaalada Madiina.

Markii haweenkii nabigu waydiiyeen; kaayageebaa ugu hor dhimanaysa, wuxuu dhahay; tiina ugu gacanta dheer. Caasha waxay tidhi; gacmahayaga ayaan dheririnay, waxaana noogu gacan dheeray Sawda, hase ahaatee markay Saynab geeriyotay ayey ogaadeen in looga jeedo ta idiinku sadaqada badan.


Waxa soo jeedinaya oo diyaariyey Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle.

Skip to toolbar