Tusmo

Cabdiraxmaan ibnu Cawf (I.R.H)

Bismillah, walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka, assalaama calaykum wa raxmatulAllahi wa barakatuhu, oo macanheeduna yahay nabadgalyo, naxariis iyo barakooyin katim xaga Allah korkiina ha ahaato.

Walaalayaal, dadka qaar ayaa ka rumaysan in saxaabadii rasuulku ahaayeen dad aan hanti badan lahayn, hase ahaatee xaqiiqadu waxay tahay inay jiraan saxaabo badan oo ahaa maalqabeen u dhigmaya milyaneerada caalamka iminka ku nool. Walaalayaal, dadka maalqabeena ah ee Aduunka ku nool waxa hadafkoodu yahay inay noqdaan ruuxa ugu taajirsan caalamka, ayagoo la tartama dad kale oo hanti badan leh, balse hadaad fiiriso maalqabeenadii saxaabada kumaysan caan bixin xoolahoodii iyo hantidoodii toona, ee waxay taariikhda ku galeen Alle kacabsigoodii iyo siday ugu halgameen diinta Islaamka.

Saxaabadii hantida badnaa waxa kamida saxaabiga Cabdiraxmaan ibnu Cawf oo hadana kamid ahaa tobankii saxaabi ee Jannada hal mar loogu wada bishaareeyey.

Magaciisu iyo abtirsiintiisa:

Cabdiraxmaan ibnu Cawf ibnu Cabdicawf ibnu Cabdi ibnu Xaarith ibnu Zuhrah ibnu Kilaab ibnu Murrah ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Fihir (Qureesh). Aabihii Cawf waxa lagu dilay meesha la dhaho Qumaysaa oo u dhow Yalamlam, waxaan dilay reer bani Judaymah. Hooyadii waxa la dhaha; Shafaa bintu Cawf ibnu Cabdi ibnu Xaarith. Wayna islaamtay oo hijrootay.

Dhalashadii Cabdiraxmaan ibnu Cawf:

Cabdiraxmaan wuxuu ku dhashay magaalada Makkah, toban sano kadib sanadkii maroodiga “Caamufiil”, sidaa darteed wuxuu nabiga ka yaraa toban sano. Magaciisana waxa loo bixiyey Cabdulkacbah, hase ahaatee nabiga ayaa ka badalay magaca, una bixiyey Cabdiraxmaan.

Cabdiraxmaan wuxuu ahaa sida ay warinayso xaaskiisii Salmah bintu Caasim; wuxuu ahaa nin midabkiisu cad yahay, indho waaweyn, baalasha indhihiisuna badanyihiin, sankiisuna uu xaga hore ka dheeryahay, labadiisa miciyood ee sarana dheeryhiin, qoor dheer, garbo waaweyn, wuxuuna ahaa nin dheer, qurxoon, maqaarkiisuna qurxoonyahay.

Islaamnimadii Cabdiraxmaan:

Cabdiraxamaan islaamnimadiisu way horeysay, waxa lagu tiriyaa sideedii ugu hor islaamay, iyo shantii saxaabi ee ku islaamay gacantii Abubakar.

Waxa lagasoo wariyaa sida uu kusoo saaray ibnu Casaakir kitaabkiisa “Isaabah fii tamyiiz Al-saxaabah” in Cabdiraxmaan dhahay: “Waxaan u safray Yemen, intaan nabiga la soo saarin hal sano kahor, waxaana ku dagay odayga la dhaho Caskalaan ibnu Cawaakin Alxumayri, wuxuuna ahaa oday waayeela oo cimri dheer gaadhay, waxaanan ku dagi jiray markaan safrayo, imanuusan waydiin jirin xaalada Makkah iy inay cid soo baxday. Hase ahaatee sanadkii nabiga lasoo bixiyey ayaan ku dagay wuxuuna dhahay; abtirso walaalka reer Qureeshow, waanan isu sheegay waa; Cabdiraxmaan ibnu Cawf ibnu Cabdicawf ibnu Cabdi ibnu Xaarith ibnu Zuhrah. Wuxuu yidhi; war makuugu bshaareeyaa, oo kaaga fiican ganacsiga, waxaan idhi; haa, wuxuu yidhi: Ilaahay wuxuu kasoo saaray qoomkaagii nabi raali laga yahay oo uu doortay, uuna kusoo dajiyey kitaab, reebayana sanamyada una yaboohaya Islaamnimo, xaqana wuu farayaa waanu la imanayaa, baadilkana wuu reebaya, wuxuuna kasoo jeedaa reer bani Haashim, waxaanad u tihidiin reer abti, ee Cabdiraxmaanow la saaxiib oo raaca, gaadhsiina gabaygan:-

أشهد باللَّه ذي المعالي وفالق اللّيل والصّباح
إنّك في السّرّ من قريش وابن المفدّى من الذّباح
أرسلت تدعو إلى يقين ترشد للحقّ والفلاح
هدّ كرور السّنين ركني عن مكرّ السّير والرّواح
أشهد باللَّه ربّ موسى أنّك أرسلت بالبطاح
فكن شفيعي إلى مليك يدعو البرايا إلى الصّلاح

Waxaanan u imid Abubakar, oo warkiina waan u sheegay, wuxuuna yidhi; kaasi waa Muxamed waana rasuulkii Ilaahay, markaasu nabigu yimid, una warramay wuxuuna dhahay: ninkee reer Xumayr waa walaal mu’min ah, ina rumeeyey isagoon i arkin, kana markhaati kacay isagoon i arkin, kwaasi waa Walaalkay run ah.” [1]

Hijradii Cabdiraxmaan:

Sanadkii Shanaad ee soo dirista nabiga ayey saxaabadii u hijroodeen dhulka xabadhida, markay mudo yar ku sugnaayeen ayey dib usoo laabteen ayagoo u maleeyey in magaaladii Makkah ay islaamtay. Cabdiraxmaan kumuusan laabanin dhulkii Xabashida ee wuxuu uga sii gudbay hijradii magaalada Madiina.

Kolkuu yimid magaalada Madiina ayuu nabigu la walaalaysiiyey saxaabiga Saciid ibnu Rabiic oo kamid ahaa maalqabeenada Madiina, wuxuuna Saciid dhahay; Walaal Cabdiraxmaanow, waxaan ahay dadka ugu hantida badan Madiina ee xoolahayga kala badh qaado, waxaanan qabaa laba xaas ee midaad doonto dooro waan kuu furayaa, wuxuu dhahay: “Ilaahay hakuu barakeeyo xoolaha iyo qoyskaba, ee i tus suuqa” wuxuuna Saciid tusaya suuqa reer bani Qaynuqaac kadibna wuxuu soo faa’iday laf timireed dahab ah, kuna guursaday gabadh reer Ansaar ah. Maalmo kadib ayuu nabigu arkay isagoo ay busaarad ka muuqato, kolkaasbuu ku dhahay; waa xagee Cabdiraxmaanow? Wuxuu yidhi; Rasuulkii Ilaahayow, haweenay reer Ansaar ah ayaan guursaday! Nabigu wuxuu dhahay: maher ma ka bixisay? Wuxuu dhahay: “laf timireed dahab ah” wuxuu yidhi; una Allah bari, laxna ha ahaatee. Cabdiraxmaan wuxuu yidhi; hadaan dhagxaanta gado waxaan rajaynayaa inaan ka faa’ido dahab iyo lacag!!! [2]

Jihaadkii Cabdiraxmaan ibnu Cawf:

Cabdiraxmaan wuxuu ka qaybgalay dhamaan duulaanadii Rasuulku ka qaybgalay, wuxuu kamid ahaa saxaabadii reer Badar, waxaana maalintaas hareerihiisa soo istaagay laba wiil oo dhalinyaro ah, waana Mucaad ibnu Cafru iyo Mucaad ibnu Camru ibnu Aljamuux, waxayna labadooduba kasoo istaageen Cabdiraxmaan labada dhinac, ayagoo midkoodba kan kale iska qarinayo, waxayna waydiiyeen “Adeer waa kuma Abujahal? wuxuu Cabdiraxmaan yidhi: Maxaad ku falaysaan? Waxay dhaheen; waxaan maqalnay inuu nabiga ku dhibi jiray magaalada Makkah, ee kaas maanta nagama baxsanayee ee noo sheeg!!! Cabdiraxmaan wuxuu dhahay: Markaasbaan ogaaday in rag rag ahi ay hareeraha ay iga xigaan.

Dagaalgii Uxudna wuxuu kamid ahaa saxaabadii yarayd ee kusoo hadhay nabiga (scw), isagoo lagu dhuftay labaatan nabar, waxaana jabay labadiisa foolood, sidoo kale lug ayuu ka dhaawacmay, oo uu ka dhitin jiray waagii danbe.

Sanadkii shanaad ee hijradana, wuxuu nabigu (scw) madax uga dhigay duulaankii Dawmataljandal, ayagoo wajahaya reer bani Kilaab, waxaana la faray inuu guursado gabadha uu dhalay boqorkoodu. Nabigu wuxuu yidhi; Ibnu Cawfow, ku baxa magaca Allah, lana dagaalan gaalada, kolkaad aragto taago dheh “Allahuakbar”, markaad fuushana taagadana akhri “Laa ilaaha ilaa Allah” kolkaad ka hoobatana dheh “Alxamdulilaah, astaqfiruAllah” badina xuskayga (salliga nabiga) kadibna guurso boqorka gabadha uu dhalay.

Cabdiraxmaan wuu baxay isagoo watay Todoba Boqol oo nin, waxayna qabiilkii reer Kilaab ugu yabooheen islaam, markay maalint sadexaad ahayd ayuu isalaamay boqorkii qabiilkooda Asbaq ibnu Thaclabah iyo dad badan oo kale, kadibna gabadhii boqorku uu dhalayna oo ahayd Tamaqud bintu Asbaqna waa loo hooyeey. [3]

Cabdiraxmaan wuxuu kale oo uu goob joog ahaa geedkii baycada ee saxaabada lagaga raalida noqday, waxa kale oo uu ka qayb galay furashadii Makkah, kadibna Khaalid ayaa si khalad ah u laayey qabiilka reer bani Judaymah, qabiilkaasina waxay xilligii jaahliga dileen Cabdiraxmaan aabihii iyo Khaalid adeerkii, markaasuu Cabdiraxaan dhahay: Khaalidow waxaad u laysay qabiilkan adeerkaa ayey dileen, markaasuu Khaalidna cadhooday oo dhahay: “aabahaa ayey dileen” kadibna waa lays af dhaafay, markaasuu Rasuulku dhahay: “Hayga caayima asxaabtayda, ilaahbaan ku dhaartee hadii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo Dahab ah ma gaadhay muga kafkiisa ama badhkeed oo uu bixiyey” [4] kadibna wuxuu yidhi: “ha dhibina Khaalidna waa seeftii Ilaahay ee galka la’ayd oo Ilaahay ku salliday gaalada”

Cabdiraxmaan oo nabiga tujiyey:

Wuxuu Muqiira ibnu Shucbah yidhi: xilligii Tabuuk ayuu nabigu aaday inuu soo xaajo guto, kadibna saxaabadii ayaa tukaday, kolkuu nabigu waysadii dhamaystay ayuu salaadii soo gaadhay, waxaanu tukaday isagoo Cabdiraxmaan yahay imaamka. [5]

Khilaafii Cumar:

Cumar ibnu Khadaab (i.r.h) wuxuu la tashan jiray Cabdiraxmaan ibnu Cawf, kolkuu dhacay daacuunkii Camwaas, wuxuu Cabdiraxmaan u ishaaray Cumar inaanu u bixin dhulka cudurkaasi ka jiro, maxaa yeelay nabiga ayaa ina faray inaynaan galin ama ka bixin magaalo daacuunku asiibay. [6] Waxa kale oo Cabdiraxmaan cadeeyey in majuusiyiinta laga qaado jizyo maxaa yeelay nabigu wuxuu ka qaada majuusiyiin joogtay Hajar (meel ku taalay Yemen) [7]

Cumar wuxuu ku daray Cabdiraxmaan iyo Cusmaan ibnu Cafaan haweenkii nabigu ka geeriyooday, si ay usoo gutaan xajka, Cusmaan wuxuu ahaa hogaamiyiha ka ilaalinayey in cid xaga hore ka timaadaa ay usoo dhowaato, iyo cabdiraxmaan oo isna safarka xaga danbe ka ilaalinayey.

Musharixiintii xilka madaxtinimo:

Ilaahay raali haka ahaaday kolkii la dhaawacay Cumar ibnu Khadaab ayuu magacaabay lix saxaabi oo kamid ahaa dadkii nabigu geeriyooday isagoo raali ka ah, waxayna kala ahaayeen; Cusmaan, Cali, Cabdiraxmaan, Sacad, Zubeyr iyo Dalxa. Cumar waxa kale oo wiilkii Cabdilaahi u magacaabay gudida doorashado oo uu kala raaco midkood haday isu tanaasuliwaayaan. Kadibna waxa geeriyooday Cumar ibnu Khadaab maalintii Axada ee kowdii bishii Muxarram, sanadkii 24 aad ee hijrada, waxaana lagu aasay Abubakar dhinaciisa.

Markii laga faaruqay aaskii Cumar ibnu Khadaab ayey saxaabadii ku shireen gurigii Caasha ama gurigii Faadima bintu Qays, kadibna sadex ayaa ka tanaasulay jagada madaxtinimada. Zubeyr oo u tanaasulay Cali ibnu Abudaalib, Dalxa oo u tanaasulay Cusmaan iyo Sacad ibnu Waqaas oo u tanaasulay Cabdiraxmaan ibnu Cawf.

Sadexdii soo hadhay, Cabdiraxmaan, Cusmaan iyo Cali ayaa hadana waxa sii tanaasulay Cabdiraxmaan, kadibna wuxuu Cabdiraxmaan la tashay wax garadkii muslimiinta sagoo cod kasoo qaaday dabadeedna waxa u cadaatay inuu dadku ay ubadanyihiin inay doortaan Cusmaan ibnu Cafaan, isagaanu u magacaabay madaxtinimada muslimiinta. Cabdiraxmaan wuxuu yidhi: “Cusmaanow, waxaan kugula heshiinaynaa Quraanka, sanadii Rasuulka, sunadii labada shiikh “Abubakar iyo Cumar”

Wuxuu Imaam Dahabi dhahay isagoo faallo ka bixinaya: Cabdiraxmaan wuxuu casilay naftiisa, wuxuuna doortay cidii ay saxaabada nabigu ay isku raacday, haduu cid u eexanayana wuxuu u codaynlahaa ama dooran lahaa saxaabiga ay ilmo adeerka yihiin ee Sacad ibnu  Abu-Waqaas.

Khilaafadii Cusmaan:

Xilligii Cusmaana wuxuu ahaa nin la taliye u ah khaliifka rasuulka (scw), wuxuuna Cusmaan doonayey inuu u magacaabo khilafada dabadii. Cusmaan wuxuu u yeedhay Xumraan oo ahaa kaatibkiisa (Boosta iyo is gaadhsiinta) kuna dhahay: “qor ha iga danbeeyo Cabdiraxmaan ibnu Cawf” dabadeedna Xumraan ayaa u bishaareeyey Cabdiraxmaan hase ahaatee Cabdiraxman wuxuu dhahay: “Ilaahow, hadii arrintaas Cusmaan go’aamiyey haba i noolaynin” wuxuuna siiba noolaa lix bilood kadibna wuu geeriyooday. [8]

Geeridii Cabdiraxmaan ibnu Cawf:

Cabdiraxmaa intaanu geeriyoon kahor ayuu suuxay, kadibna wuxuu ka sheekeeyey kolkuu soo miyiroobay inuu  arkay laba malag oo adag, ayna ku dhaheen, ina mari waxaan kuula tagaynaa Caziizka Amiinka ah, kadibna waxa la kulmay malak oo ku dhahay; xagaad ku wadaan? waxay dhaheen: Caziizka Amiinka ah, wuxuu yidhi malagii: faraha ka qaada, wuxuu kamid yahay kuwii loo qoray inuu barwaaqoobo isagoo caloosha ku jira.

Cabdiraxmaan ilaahay raali haka ahaadee wuxuu geeriyooday sanadkii 32 aad ee hijriyada, isagoo da’diisu ay tahay 72 sanadood, waxaana janaazadiisii ku tukaday Cusmaan, ama Zubeyr ibnu Cawwaam. Waxa kale oo ka qaybgalay janaasadiisii Sacad ibnu abu Waqaas iyo Cali ibnu Abudaalib.

Hantidii Cabdiraxmaan ibnu Cawf:

Cabdiraxmaan wuxuu ahaa maalqabeen haysat hanti badan, haduu maanta noolaan lahaana waxaynu ugu yeedhi lahay milyaneer, wuxuuna ahaa ganacsade xariif ku ah ganacsiga ood moodo in loo abuuray ganacsiga, wuxuu ka geeriyooday kun  geela, sadex kun oo ido ah, boqol faras oo daaq Baqiic, waxa kale oo uu ka tagay dahab badan oo dadka gacantii ay jajabtay sidii loo fagayey, wuxuuna ka tagay 4 haweena oo midkastaaba ay heshay sideetan kun oo diinaar dahab ah.

Xoolaha badankoodana wuu sadaqaysan jiray, wuxuu Ilaahay dartii u bixiyey xoolihiisa kala badh xilligii uu nabigu noolaa, hadana wuxuu bixiyey Afartan kun oo diinaar dahab ah, waxa kale oo bixiyey Shan boqol oo faras iyo shan boqol geel xoolo badan xanbaarsan,  sidoo kale maalin ayuu dhul ku iibsaday Afartan kun oo diinaar, kolkaasuu xoolihii oo dhan u qaybiyey ehelkiisa, hooyooyinka muslimiinta iyo fuqarada. Waxa kale oo lasoo arooriyaa inuu xoreeyey sodon kun oo guri.

Dalxa wuxuu dhahay; Cabdiraxmaan wuxuu ahaa maalqabeenka Madiina, qolo waxbay ka amaahan jirtay, qolo kalena daynta lagu leeyahay ayuu ka bixin jiray, kuwa kalena wuu ugu deeqi jiray hantidiisa. Markuu dhimanayeyna wuxuu u dardaarmay in Ehelubadar saxaabadii la siiyo Konton kun oo diinaar, waxyna ahaayeen Boqol saxaabi oo Cusmaan xitaa dheeftiisu ka qaatay, sidoo kale wuxuu jidka Ilaahay u bixiyey Kun faras.

Samofalkiisii haweenkii Nabigu ka geeryooday:

Markuu nabigu dhimanayey ayey haweenkiisu ku dhaheen: Rasuulkii Ilaahayow, yaad nagaga tagi? wuxuu yidhi: waxa idin daryeelaya, nin sabir badan oo run badan, Ilaahayoow Cabdiraxmaan ka waraabi wabiga Salsabiil. [9] Cabdiraxmaana wuxuu ahaa ninkii daryeelay haweenkii nabiga ee bixin jiray biilkooda, wuxuuna u dardaarmay Afar boqol oo kun diinaar.

 

 


[1] Ibnu Casaakir, isaabah fii tamyiiz saxaabah

[2] Bukhaari

[3] Taariikhdia Dimishiq ibnu Casaakir 

[4] Ibnu Athiir fii Asad Alqaabah

[5] Muslim

[6] Bukhaari

[7] Bukhaari

[8] Siyar Aclaam Nubala, Dahabi

[9] Sunan Tirmadi

Waxa qoray soona jeedinaya: Shiikh Abdulaziz Mohamed Oogle