Bismillah, magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, mahaduna isaga ayey u sugnaatay, waxaan kale oon ku sallinaynaa nabigeena Muxamed inuu Allah naxariis iyo nabadgalyo korkiisa yeelo, isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan dadka Muslimiinta ah ee raacay jidkiisii.

Waxaynu soo qaadan doonaa maanta taariikhdii iyo siiradii dahabiga ahayd ee haajara, haweenaydii nabi Ibaraahiim (N.N.K.H). Haajara ilaahay raali haka ahaadee waxay asal ahaan u dhalatay dhulka Masar, waxayna ahayd gabadh amiirad ah oo boqortooyadii reer Masar ka talinaysay ayey kasoo jeedaa.

Sidaynu ognahay Nabi Ibraahiim oo da’diisu waynayd wax ubad ah muu lahayn, kadibna Ilaahay ayuu baryey inuu Caruur ka farcnta uu siiyo. Nabi Ibraahiim wuxuu qabay Saara oo ayaduna madhalays ahayd, waxaana cajiib ahayd in Saara markay Boqorkii Masara qabsaday uu siiyey gabadhan la dhaho Haajara, waxayn Haajar noqotay mid u adeegta Saara.

Saara oo ahayd xaaskii Nabi Ibraahiim ayaa usoo bandhigtay Nabi Ibraahiim uu guursado Haajara maadaama ay ayadu madhalays tahay, kadibna wuu guursaday waxayna qaaday uur.

Isla markay Haajar uurka qaadayba waxa hinaasay Saara oo ahayd ayaduna xaaskii koowaad ee Nabi Ibraahiim uu qabay, dabadeedna Haajar waxay umushay wiil yar oo loo bixiyey Ismaaciil. Macnaha Ismaaciil uu noqonayo (Ilaahaybaa maqlay ama ajiibay dacwadii nabi Ibraahiim).

Si dhibkaas Haajar soo food saaray ee ah hinaasaha Saara ayaa Nabi Ibraahiim kaxeeyey xaaskiisii Haajara iyo ilmihiisii yaraa ee Nabi Ismaaciil, wuxuuna geeyey dhulka barakaysan ee Xaramka.

Nabi Ibraahiim wuxuu kaga tagay xaaskiisii iyo ilmihii yaraa ee dharabta saarnaa meeshaas buuralayda ah oo aan biyo iyo baad toona lahayn, kadibna waxa kasoo daba oroday Haajara oo leh; Xagaad nagaga tagaysaa? meel lama dagaan ah oo aan biyo iyo baadtoona oolin?

Nabi Ibraahiim umuusan jawaabin ee wuu sii dhaqaajiyeyun markaasay Haajara tidhi; Ma Ilaahay ayaa ku faray inaad nagaga tagto halkan? Nabi Ibraahiim wuxuu yidhi; Haa. Haajarana waxay tidhi; hadaba isagu nama dayacayo.

Gabadhan Haajara oo rumaysnayd Ilaahay waxay ku kalsoonayd Rabigeed wuxuu u qoray iyo inaanay irzaaqadeeda waayeyn, kadibna ilmihii yaraa ayey naaska nuujisay, wixii biyo ama sahay ahaana way isticmaashay illamaayo biyihii ka dhamaadeen, naaskiina uu gudhay.

Nabi Ibraahiimna wuxuu istaagay buurtii gadaasheeda isagoo baryaya Allah wuxuuna dhahay;

رَّبَّنَا إِنِّي أَسْكَنتُ مِن ذُرِّيَّتِي بِوَادٍ غَيْرِ ذِي زَرْعٍ عِندَ بَيْتِكَ الْمُحَرَّمِ رَبَّنَا لِيُقِيمُوا الصَّلَاةَ فَاجْعَلْ أَفْئِدَةً مِّنَ النَّاسِ تَهْوِي إِلَيْهِمْ وَارْزُقْهُم مِّنَ الثَّمَرَاتِ لَعَلَّهُمْ يَشْكُرُونَ ﴿٣٧

Eebow waxaan dejiyey caruurtaydii (Qaar) tog aan beer lahayna oo ah Baydkaaga sharafta leh agtiisa Eebow inay Oogaan salaadda ee ka yeel Quluubta dadka tii u iilata xaggooda kuna arzaaq midho inay shugriyaan.

Haajara haraadka qabtay awgeed ayey ilmihii kaga tagtay waadigii kadibna waxay fuushay buurtii ugu dhoweyd ee ahayd buurta Safa markaasay fiirisay hareeraha, cidna way arki wayday kadibna buurtii ayey kasoo hoobatay ayadoo kusoo dhaadhacday waadigii markaasay u socotay sidii qof daalan oo guclaynaya markaasay fuushay buurta Marwa waxay fiirisay hareeraha sidii oo kale, waxayna ku celcelisay sidaas todoba jeer. Wuxuu dhahay Ibnu Cabbaas; Nabigu wuxuu yidhi; halkaas ayuu kayimid Sacyigu.

Kadibna Haajara waxay maqashay ayadoo saaran buurta Marwa cod markaasay isku tidhi ayadu; aamus, mise wuxuu ahaa codku Malakii oo garabkiisa ama lugtiisa kusoo saaray biyaha Zamzamka, kadibna intay cabtay biyihii ayey ishii isu keentay ayadoo leh; Zamzam. Nabiguna wuxuu yidhi; Ilaahay Ismaaciil hooyadii ha unaxariisto, hadii aanay aasi lahayn ishaas waxa noqonlahayd Wabi.

Haajara biyihii ayey cabtay, ilmaheediina way waraabisay markaasuu Malakiina ku dhahay; haka cabsan lumid maxaayeelay halkan waxa ah Baytkii Ilaahay, waxaana dhisay ilmahan yar iyo aabihii, ilaahayna ehelkiisa ma dayacayo.

Dabadeedna Qabiil reer Jurhum ah oo kasoo qaxay dhulka Yemen ayaa marayey duleedka magaalada Makkah, markaasay arkeen Shinbiro kusii socda meel, kolkaasbay garteen in shinbirahaasi ay u socdaan goob biyo yaaleen, kadibna laba nin ayey soo direen oo soo sahamiyey, waxyna heleen Haajara iyo ilmahadii oo il biyo ah dul jooga markaasy qoomkoodii ku laabteen oo uga warrameedn waxay arkeen, kadibna qabiilkii reer Jurhum ayaa yimid oo ka dalbaday Haajar inay biyaha la wadaagaan ayaguna ay siin doonaan cuntadeeda ama nololmaalmeedkeeda.

Magaaladii Makkah sidaasbay ku aasaasntay, kadibna Ismaaciil waa koray oo wuxuu ka bartay qabiilkii Carbeed Afka Carabiga.

Intaas kadib waxa yimid Nabi Ibraahiim oo riyo ku arkay inuu gawraco wiilkii Ismaaciil, markaasu yimid Makkah oo gawracay wiilkiisii balse nasiib wanaag Ilaahaybaa ku hibeeyey Ismaaciil Neef Xoola ah oo wayn, sidaasbaanu kaga badbaaday geeridii.

Wiilkii Ismaaciil markuu qaangaadhay ayey qabiilkii reer Jurhum u guuriyeen gabadh, wayna jeclaadeen Ismaaciil waxaana loo dhalay caruur badan, waxaana geeriyootay Haajara Ilaahay raali haka ahaadee.

Tusmo