Daawo ama Akhriso: Taariikhdii Saxaabiga Cadiyy ibnu Xaatim.

Cadiyy ibnu Xaatim:

Saxaabiga Cadiyy waxa dhalay Boqorkii la odhan jiray Xaatim Al-daa’i oo xukumayey qabiilkiisii reer Dayy, Xaatim wuxuu ahaa Nin deeqsiya oo u roon martidiisa iyo qoyskiisa. Xaatim deeqsinimadiisa darteed waxay Carabtu ka dhigatay halhays ama maahmaah ay hal qabsadaan markay ka hadlayaan Deeqsinimada. Xaatim nasiib xumo wuxuu ka hor dhintay Islaamka manuusan soo gaadhin.

Cadiyy wuxuu ahaa wiilkiisa curad oo isna wuxuu u noqday qabiilkiisii Boqor kadib markuu aabihii geeriyooday. Cadiyy markuu qabiilkiisa Boqorka u ahaa ayaa Nabigu cid usoo diray Qabiilkiisa burburisa Sanam yaalay deegaankaas, waxaana soo baxay ciidan uu hogaaminayo Cali ibnu Abudaalib.

Cadiyy markuu maqlay in ciidankii Muslimiintu kusoo dhaw yihiin ayuu firdhaday oo wuxuu qaaday reerkiisii wuxuu qaadi karayey wuxuuna u cararay dhanka Shaam oo ay daganaayeen Carab haysata diinta Kiristanka, isaguna laftigiisuna wuxuu haystay diinta Kiristanka. CAdiyy markuu cararay wuxuu ka tagay gabadh walaashii ahayd oo la dhaho Sufaana bintu Xaatim, markay ciidankii Muslimiintu yimaadeen deegaankii ayey qafaasheen gabadhii Sufaana iyo dadkii kale ee daganaa magalaadaas. Ciidankii oo wada maxaabiistan ayaa tagay Madiina, isla markii Nabiga (N.N.K.H) uu arkay maxaabiistii ayey gabadhii Sufaana istaagtay oo tidhi: RAsuulkii Ilaahayow noo mahad sheego, aabahayna wuu dhintay kii noosoo wafdiyi lahaa macnaha na furan lahaana waa baxsada! Nabigu wuxuu yidhi: Waakuma kaas idiin iman lahaa? Waxay tidhi: Waa Cadiyy ibnu Xaatim. Nabigu wuxuu dhahay: Ma kii Ilaahay iyo Rasuulkiisa ka cararay saw maaha? Gabadhii Sufaana way khajishay oo way iska fadhiisatay. Maalintii xigtay ayey sidii oo kale u istaagtay oo ay la hadashay Nabiga, balse Nabiguna wuxuu siiyey jawaabtii shalay oo kale.

Sufaana way quusatay balse maalitii sadexaad ayuu Nabigu (N.N.K.H) kasoo baxay Masaajidka, waxaana ka danbeeyey imaamkii Cali ibnu Abudaalib, markaasu Cali ku dhahay Sufaana: Kac oo la hadal Nabiga, maxaa yeelay wuxuu Cali (I.R.H) uu yaqanay dhaqanka Nabiga oo ahaa hadii qof sadex jeer wax waydiiyo inuu u fudaydin jiray.

Sufaana way istaagtay oo waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, aabahay dhimay, kii noo iman lahaana wuu baxsaday ee noo mahad sheego. Nabigu (N.N.K.H) maalintan waa ka aqbalay oo wuxuu sii daayey ayada iyo dhamaan dadkii lala soo xidhxidhay. Sufaana iyo dad badan oo kale markay arkeen akhlaaqda wanaagsan ee Muslimiinta wayba islaameen. Kadibna Nabigu wuxuu ku dhahay: Markaad rabto inaad Wadankaagii ku laabato ii soo dheeg.

Maalin ayey Sufaana u timid Nabiga oo waxay tidhi: Nabigii Ilaahayow, waxaan helay cid aan ku kalsoonahay oo ku socota dhulkaan ka imid, kadibna Nabigu wuxuu siiyey dhar ay gashato iyo awr ay ku safarto iyo xoolo ay ka dhigato sahay. Sufaana way baxday oo waxay tagtay Shaam, waxayna u tagtay Walaalkeed.

Sufaana markay arahgtay walaalkeed ayey canaanatay oo cayday sababta uu uga tagay ayada ee u kaxeeyey reerkiisii kaliya. Cadiyy wuxuu la yaabay qaabka fudud ee ay ugasoo baxday adoonimadii, sababtoo ah waagaas hadii dagaal uu dhaco oo cid laga adkaado waxay dadkaasi noqon jireen laga roonaaday Adoomo.

Sufaana waxay la talisay walaalkeed oo waxay tidhi: Nabiga u tag waanu ku hagaajinayaaya! Cadiyy wuu soo safray wuxuuna yimid Madiina. Markuu soo galay ayuu NAbigu ku farxay waanu kaxeeyey wuxuuna geeyey Gurigiisii.

Intii uu jidka kusoo jiray ayuu Nabigu wuxuu la kulmay gabadh waayeel ah oo cabanaysa, mudona wuun la taagna kadibna wuxuu la kulmay laba nin oo kale, waxa yaaban CAdiyy oo la socday NAbiga (N.N.K.H). Cadiyy wuxuu naftiisa ku leeyahay Ilaahbaan ku dhaartee hadii Muxamed yahay Boqor umuu ogolaan lahayn inay gabadh waayeel ah la istaago. Kadibna  Nabiga ayaa gurigiisii keenay oo wuxuu ku fadhiisiyey Barkin ka samaysnayd harag oo dhexdana ay kaga jirto cudbi, isaguna wuxuu fadhiistay Dhulka.

Nabigu (N.N.K.H) wuxuu ku dhahay Cadiyy; Cadiyyow Maxaad Ilaahay u rumayn wayday? Ma cid Ilaahay ka wayn ayaad aragtay? Wuxuu Cadiyy yidhi: Waxaann haystaa anigu Diin. Nabigu wuxuu dhahay: Anigu waxaan kaaga war roonahay diintaad haysato, miyaanad haysanin diinta Rukuusiyada? Cadiyy wuxuu sheegan jiray inuu Kiristan yahay laakiin wuxuu haystay diinta Rukuusiyo la dhaho oo u dhaxaysa Kiristanka iyo Yahuuda.

Cadiyy isagoo yaaban ayuu dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayow. Nabigu wuxuu yidhi: Cadiyyoow waxa laga yaaba inaad islaamto inay kuu diidayso inaad is leedahay waxaa badan cadawga Muslimka, ama waxa kuu diidaya inaad aragto in Muslimiintu aanay haysanin hanti badan? Cadiyy wuxuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee waxa la moodaa inuu Nabigu daalacanayo qalbigayga! Wuxuu Nabigu (N.N.K.H) uu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, waxaad Cadiyyow aad arki doontaa in Gabadhu intay kaligeed kasoo baxdo magaalada Xiira ayadoo saaran awrkeeda ay tagi doonto Masaajidka Xaramka oo ay ku dawaafi doonto kadibna ay kusoo noqon doonto meesha ay ka timid ayadoo aan cidina wax u gaysanayn! Kaliya ay ka cabsanayso Ilaahay iyo xoolaheed oo ay ugala cabsato Dhurwaaga ama Waraabaha. Ilaahbaan ku dhaartee hadii Cadiyyow cimrigaagu dheeraado waxaad arki Qasriga cad ee ku yaala Ciraaq ee uu leeyahay Boqorka Faarisiyiinta oo gacanta Muslimiinta ku jirta. Nabigu waxa kale oo uu dhahay: Hadii cimrigaagu dheeraado waxaad arki Cadiyyow Muslimiinta oo xooluhu ka tiro bataan oo xitaa la waayo cid sadaqo qaadata. Cadiyy waa yaabay waxaanu ku dhawaaqay shahaadada xaqa ah, wuxuuna soo galay diinta Islaamka.

Cadiyy (I.R.H) wuxuu ayaamihii uu dhimanayey odhan jiray: Ilaahbaan ku dhaartee warkii uu xabiibkaygii Muxamed ii sheegay laba kamid ahbaan arkay, waxaan arkay gabadhii Xiira ka imanaysay ee aan cidna ka baqanayn, waxaana Anigu kamid ahaa dadkii furtay Qasrigii Boqorkii Kisra ibnu Hurmuz. Waxa hadhay oo kaliya in Muslimiintu ay xoolo badan helaan taasina way dhacaysaa ayuu dhihi jiray Cadiyy Ilaahay haka raali noqdee. Cadiyy muusan arkin mucjisada sadexaad ee wuu kahor dhintay, waxayna Muslimiintu xoolo badan heleen xilligii khaliifkii Cumar ibnu Cabdulcasiis (I.R.H).

Xigasho:


Siyar aclaam an-nubalaa, Dabari.

Waxa diyaariyey oo inoo soo jeedinaya Sh. Abdulaziz Mohamed Oogle.

www.gaaldiid.com